Calaamada Nebi Luudh

Luudh (ama Luud kii Tawreed/Kitaabka Quduuska ah) waxa uu Ibraahim ahaa adeerkiis (NNKH). Wuxuu doortay in uu ku noolaado magaalada ay ka buuxaan dad shar qabayaal ah. Laakiin Ilaah waxa uu u isticmaalay xaaladdan sida calaamadaha nebiyada ee dadkoo dhan. Laakiin waa maxay calaamadahu? Si aan taas kaga jawaabno waxaan u baahan nahay in aan si gaar ah u fiirino dadka kala duwan ah ee xigashadan laga weriyey. Halkan riix si aad u akhriso xigashadda laga weriyey ee labada Tawreed iyo Quraanka.

Xigashooyinka ee Tawreed iyo Quraanku, waxaan ka arki karaa in ay jiraan saddex kooxood oo dad ah, iyo sidoo kale Malaa’igta (ama Rasuullo) Ilaah. Ina keena aynu ka fikirno mid kasta doorkeeda.

Raggii reer Soodom

Nimankanu waxay ahaayeen kuwo aad u qalloocan. Waan aragnaa in nimankani la filayey in ay kufsadaan rag kale (in si dhab ah ayeey u ahaayeen Malaa’igo laakiin tan oo ahaa in nimankii Soodom moodeen in ay ahaayeen rag ay qorsheynayeen in ay xoog ku kufsadaan iyaga). Noocan dembiga ah wuxuu ahaa mid aad u xun oo uu Ilaah go’aamiyey xukumid magaaladaas oo dhan. Iyo sidoo kalena xukunkaasuna wuxuu waafaqsanaa kii la siiyay Aadan. Dib ugu noqosho biloowgii Ilaah ayaa u digay Aadan xukunka dembigu waxa uu ahaa dhimasho. Nooc kale oo ciqaab ah (sida garaaca, xabsi iwm.) ma uusan ku filnayn. Ilaah wuxuu ku yidhi Aadan.

“…  Laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa” – (Bilowgii 2:17)

Sidoo kale, ciqaabta dembiyada nimankii reer Soodom waxay ahayd in sidoo kale ay u dhintaan. Dhab ahaantii magaalada oo dhan iyo qof walba oo ku nool gudaheeda waa la baabbi’in doonaa waxaana lagu baabi’in doonaa dab ka yimid xaggaas iyo jannada. Tani waa tusaale ka mid ah qaababka markii dambe lagu sharaxay Injiilka:

Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada (Romans 6:23 )

Luudh wiilashii gabdhihiisa u dhaxay

Xigashooyiinkii iyo xisaabtii Nuux, Eebbe ayaa xukumay dunida oo dhan, oo waafaqsanaa calaamada Aadan xukunkii ahaa dhimashada ee daadkii weynaa. Laakiin Tawreed iyo Quraanka ayaa noo sheegay in dadka dunida joogay oo dhami markaas ahaayeen kuwo ‘xumaa’. Ilaah ayaa xukumay nimankii reer Soodom, laakiin sidoo kale waxay ahaayeen kuwo shar qabayaal ah oo qalloocan. Iyada oo kaliya loo eegayo xigashooyinkan, kuwaasoo aan ka yaabaa in la i jirrabay in aan ammaan ka ahay xukunka Ilaah, maxaa yeelay ma aan ihi mid xumaan lagu yaqaan, waxaan aaminsanahay Ilaah, waxa aan sameeyaa waxyaabo badan oo wanaagsan, iyo weligayna ma’aan samayn xummaan noocaas oo kale ah. Sidaa daraadeed, ma ka badbaadi doonaa?Calaamadda Luudh ee wiilashii gabdhihiisa gabay iga digtay. Qayb kama aysan ahayn raggii isku dayayeen in ay kufsi qaniisnimo ah ay sameeyaan. Si kastaba ha ahaatee, iyagu ma aysan qaadan digniintii Qiyaame soo socda umana qaadan si dhab ah. Dhab ahaantii, Tawreed waxay inoo sheegaysaa in iyana u maleeyeen in ‘isagu uu (Luudh) uu kaftamayey’. Xaaladdoodu ma ka duwanayd tan raggii kale ee magaalada? Maya! Waxaa soo gaaray isla dhibkaas oo kale. Ma jirin farqi u dhexeeya natiijada kuwii gabdhihiisa qabay iyo raggii shar qabayaasha ahaa ee reer Soodom. Calaamadda halkan waa in qof walba uu digniinahan u qaataan si dhab ah. Looguma talogelin oo keliya dadka shar qabayaasha qalloocan.

Xaaskii Luudh

Luudh xaaskiisa waxay noo ahayd calaamad weyn. Labadduba Tawreed iyo Quraanku waxay soo weriyeen sidoo kale in ay la baaba’day dadkii kale. Oo iyana waxay ahayd xaaskii nebiga. Laakiin xiriirkeeda gaarka ah ee Luudh ma uusan badbaadinin iyada inkastoo aysan ku dhaqmi jirin khaniisnimo sida raggii reer Soodom ay samayn jireen. Laakiin Malaa’gtu ku amreen.

‘Yuusan idinka mid idinka mid ahi eegin gadaal’ (Surat 11:81) Hud ama “gadaashaadana ha eegin” (Bilowgii 19:17)

Oo Tawreed Biloowgii waxuu inoo sheegayaa in “Laakiinse naagtiisii oo daba socotay ayaa dib u eegtay, waxayna noqotay tiir cusbo ah.” (Biloowgii 19:26 ). Waxa uu yahay ‘dib u’ macnihiisuna yahay oo loola jeedaa mala sharaxin. Laakiin waxay mooday in ay kaligeed laga yaabaa xitaa in ay iska indha tiri karto amarka Ilaah xitaa haddii uu yahay mid yar, moodayna in uu wax micno ah ku fadhiyin. Laakiin iyada qaddarkeeda – iyada dembigeeda ‘yaraa’ – waxay ahayd la mid sida uu ahaa nimankii reer Soodom dembigoodii ‘weynaa’ – geeri. Tani waa mid calaamad anniga muhiim ii ah oo aan maskaxda ku hayo si aan uga sii fekero in qaar ka mid ah dembiyadii ‘yar’ way ka reeban yihiin xukunka Ilaah – Xaaskii Luudhna ​​waxay calaamadeedu inoo tahay si la inooga digo ka gees ahaanshaha fikirida qaldan.

 Luudh, Ilaah iyo Malaa’gtii

Sida aan ku aragnay Calaamadii Aadan, markii uu Ilaah xukumay sidoo kalena wuxuu u fidiyey naxariis. Qiyaamehaas waxay ahayd oo la siinayo dhar ka samaysan maqaar. Iyadoo Nuux, markii Ilaah xukumay haddana wuxuu siiyay naxariis iyada oo loo marayo sanduuqa. Oo mar labaad waxaan aragnaa in Ilaah, xitaa markuu Qiyaame oogayo uu naxariisto. Tawreed ayaa tilmaamaysa:

Laakiin markuu (Luut) raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda.” (Biloowgii 19:16 )

Maxaa ka baran karnaa tan? Sida calaamaadkii hore, naxariistu waxay ahayd mid caam ah laakiin waxaa la siiyaa oo kaliya iyada oo loo marayo hal hab – ku hogaamin magaalada dibaddeeda. Ilaah ma uusan, tusaale ahaan, siinin naxariis iyagoo looga samaynin hoy magaalada dhexdeeda kaasoo u adkeysan Naarta katimid jannada. Waxaa jiray hal waddo keliya oo lagu helo naxariis – u Raac Malaa’igta magaalada dibaddeed. Sababta Ilaah fiday naxariis Luudh iyo Ehelkiisa, ma ahaan qummanaantooda awgeed. Dhab ahaantii, in labada Tawreed iyo Quraankuba waxaan ku aragnaa in Luudh u ahaa diyaar in uu bixiyo oo uu siiyo gabdhihiisii ​kuwa dadka kufsada – ma aysan ahayd mid sharaf ku dheehan. Oo markaas Tawreed waxa uu inoo sheegayaa in xitaa Luudh ‘hakaday’ markii malaa’igihii u digeen. Laakiin, xitaa waxaas oo dhan, Ilaah waxa uu u fidiyey naxariis isagoo ‘qabanaya’ kuna hoggaaminaya inuu isaga baxo magaalada.  Tani waxay inoo tahay innaga Calaamad: Ilaah ayaa inoo fidin doonaa naxariistiisa, iyadoon ku xirnayn ficilkeenna. Laakiin waxaan, sidii Luudh ee innaga horeeyay, u baahan nahay si aad u helno naxariis oo ay inoo caawiso. Wiilashii gabdhihiisa qabay ma aysan helin sidoo kalena kama aysan faa’iideysan.

Tawreed wuxuu inoo sheegayaa in Biloowgii in Ilaah u fidiyey naxariis Luudh maxaa yeelay adeerkiis, Nabigii weynaa Ibraahim (NNKH) ayaa u tukaday isaga (eeg qaybta biloowgii halkan). Oo markaas Tawreed sii waday calaamadahii Ibraahim balanqaadkii Ilaah ka yimid in

“ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday” (Biloowgii 22:18 ).

Ballanqaadkani waa inuu heegnaanta ina geliyaa, maxaa yeelay, wax dhib ah maleh kuwa aan nahay, afka aannu ku hadalnaa, diinta aan heysano, ama halka aan ku nool nahay waan naqaan in adiga iyo anniga aan labadeenu qeyb ka nahay ‘quruumaha dhulka oo dhan’. Sidaas darteed haddii shafeeco Ibraahim uu dhaqaajiyay Ilaah in uu u fidiyo naxariis Luudh, inkastoo uusan mutaysan, intee in le’eg ayaa calaamaadka Ibraahim inoo fidin doonaa naxariis, yaa ka tirsan ‘quruumaha oo dhan’? Iyadoo fikirkan maanka aan ku haynayno waynu sii wadaynaa safarkeennii aan ku eegaynay Nebiyadda Tawreed innagoo kan xiga ku eegayna Calaamadihii Ibraahim.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *