Skip to content

Hordhac: Qaabka Kitaabka Quraanka ah uga hadlaayo ‘ Injiilka’ isaga oo ku tilmaamaya inu yahay Ijiilku Mucjiso xaga Ilaahay (Swt) ka timid.

Marka aan Quraanka Karimka ah akhriyo wax yaabo badan ayaa qalbigayga taabata. Ugu horeyntii waxa jiray qoraal cad oo ka warbixinyaa Kitaabka Injiilka. Laakiin waxa kale oo jira naqshada toosa oo Kitaabka Injiilka ku qoran kuwaas oo aniga xiisa badan Ii galiya.

Hoos ayeey ku qorantahay ayaadahaa Quraanka ee ka hadlayaa Kitaabka Injiilka. Waxa laga yaaba inaad ogaato ayaadahaas oo aad ku faraxado sida aay aniga oo kale ii farxad geliyeen.  (Ayaadahan hoos ku qoran waxa aan ka so xigtay turjumaadiii Yusuuf Cali)

Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Quraanka) si Xaq ah, isagoo u Rumcyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo Injiil (waqti).  Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka) kuwa ka Gaaloobay Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade Aarsada. ( Suratul Aali- Cimraan, ayada 3-4)

Wuxuuna (Eebe) bari Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil.

Suratul Aali- Cimraan, ayada 48

Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiil ba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn.

Suratul Aali- Cimraan, ayada 65

Waxaana Raacsiinay Raadkoodii ciise Ibnu Maryama Isagoo Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo Tawreeda Hanuun iyo Waanana u ah kuwa Dhawrsada.

Suratul Al- Maaidah, ayada 46.

Hadday ku Camal falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo Dejiyey Xagga Eebahoodna waxay ka Cuni lahaayeen Korkooda iyo Hoostooda, «barwaaqo» waxaa ka mid ah Umad Dhex dhexaysa wax badan oo ka mid ahna waxaa Xun Waxay Fali.

Suratul Al- Maaidah, ayada 66

Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah.

Suratul Al- Maaidah, ayada 68.

(Xusuuso) Markuu Eebe dhihi Ciise Binu Maryamow Xusuuso Nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan kugu Xoojinay Ruuxii Daahirka ahaa (Jibriil) ood kula Hadlaysay Dadka sariir-ilmood iyo adoo meel dhaxaada, iyo Markaan ku Baray Kitaabka iyo Xigmadda, iyo Tawreed, Injiil, iyo Markaad ka Yeelaysay Dhoobada Sidii Shimbir Idankayga ood Afuufaysay oy Noqonaysay Shimbir Idankayga, ood Bogsiinaysay indhoole Ku dhashe iyo Baras laha Idankayga, ood soo Bixinaysay Maydka Idankayga, Markaan kaa kaafiyey Banii Israa’iil markaad ula timid Xujooyin, oy Dheheen kuwii Gaaloobay oo ka mida kani waxaan Sixir ahayn ma aha.

Suratul Al- Maaidah, ayada 110

Eebe wuxuu kaga gatay Mu’miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn.

Suratu at-Towbah, ayada 111

Muxammad waa Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi Deeqda Eebe iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka muuqataa, Sujuudda raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed, Tilmaantooda injiil na waxay lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u istaagtay layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo gaalada, Eebe wuxuu u yaboohay kuwa xaqa rumeeyay

Suratu Al-Faatixa, ayada 29

Marka aan qoraalka Injiilka ka warbixino inaga oo ayaadaha ama tuusalaha Kitaabka Quraanka ah ka so qaadanyena waxa aad oganaysa inaan Injiilku kaligi aanu gooni isutagi karin. Tusaale kaste waxa aad arkaysa in ereyga ‘ Sharciga’ uu ka hordhacayo. Sidaa aad dareemi kartaan ereyga “ Sharciga’ waxa weeye Kitaabadii Muuse ( Calayhi Salaan), taasi oo Muslimiintu u taqaan ‘ Towreed’, Yahuuduna sida oo kale u taqaan ‘ Torah’. Waxa aad ogaan karta in Injiilku uu aad u cajiib yahay marka loo eego Kitaabada oo dhan waayo kitaabkaste wuu ku dhex jira amaantisa iyo wax kasheegisuba. Tusaale ahaan waxa aad qoraal ka warbixinaya Towreed iyo Quraanka oo mid kaste uu gooni uu is taagayo. Hoos ka akhri tusaalaha.

Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan. Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin Naxariisto.

Suratul al-ancaam, ayada 154 ila 155.

Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka, hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.

Suraat an-Nisaa, ayada 82.

Sido kale, waxa aaynu aragna marka uu Quraanku ka hadlo Kitaabka ‘ Injiilka’, waxa markaste waxa uu ka hadlaa ‘ Sharciga’ waayo Quraanku laftiisu waxa uu sida oo kale ka hadlaa waxayabaha ku qoran kitaabadii kale sida Towreed. Tanina aad ayeey u cajaa’iib badan tahay maxa yeelay Quraanku waxa uu ka hadla waxa ku qoran isaga oo aan qoraale ka warbixinahayn, Towreedna waa sido kale.

Waxa jiraa oo qudha naqshad aan ka helayno Quraanka oo keliya taasi oo ayaadaha soo socda aay ka hadli doonan Injiilka.

Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin

Suratul Al-Xadiid, ayada 27

Ayaadahan sara ku xusan waxa aay ka hadlayaan Injiilka iyaga oo si aan toos aheyn uga hordhacahayn ‘sharciga’, Tanina waxa aay cadayenaysa u jeedada naqashada aaynu u jeedno. Ayaada kor ku xusan ee (26 [1]) ayaa si cad uga hadlaysa Nabi Nuux, Nabi Ibraahin iyo nabiyaal kale (Nabad iyo naxariisu kor kooda ha ahaadane). Kadibna ayaadahani waxa aay ka hadlayan ‘ Injiilka’. ‘Sharciga’ oo ah Towreedii Muuse (S.c.w) taasi oo inoo sharaxaysa Nabi Nuux, iyo Nabi ibraahin iyo Nabiya kale oo badan (NNKH).

Waa Mucjiiso anaga naga timid oo aan soo gaadhsinay Nabiyaasha ayuu Ilaahay leyahay (Swt)

Hadaba qaabkee ayaa mihiimba? Waxa laga yaaba in dad fara badani iska dhaga marayiin kala sooc la’aanta dhacdadan ama laga yaaba inaay Injiilka aaay si cadiya u qabaan. Anigu waxan Kitaabada u barta ama isku barbardhiga si qaabaysan oo dacaad ah. Marka waxa calamad ah inaynu raacno qaynuunka sida uu Ilaahay (Swt) uu shardiga inagaga dhigay. Waxa aan fahmi karna Injiilka marka hore marka aan barano kitaabka Towreeda ( Sharciga). Malaha waxa aad u qiima badan inaan Towreed akhrino si aan u barano ama u fahano injiilka. Waxa uu Quraanku inoo sheegaya in Nabiyaashi hore ( NNKH) inu Ilaahay laha waa calaamad anaga naga timid. Bal aad ugu firso ayaadaha soo socda waxa aay leeyihiin:

Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan. Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari.

Suratul Al- Acaraaf, ayaad 35 ila 36

Sida oo kale Nabiyaashii waxa aaay ahayeen calaamad xaga nolooshada iyo faarinta aay sidaam aheyd taasi oo ku socotay ilma Nabi Aadan oo inaga ah. Kuwa miyirka leh waay fahmi karaan calaamadaha. Waxa aan jecelahay inan marka hore barano Kitaabka Towreed inta anaan Kitaabka Injiilka u talaabin. Marka hore waa inaan barana calaamadaha aay Nabiyashii (S.c.w) in barane si aan jiidka toosan u marno.

Waxa ficaan inanu ka bilowno abuurki Aadan. Kadibna aan sii wadno barashada labadiisii wiil ee Habil iyo Qabil, iyo Nabi Nuux, Nabi Luud kadibna Nabi Ibraahin ( I, II, III). , Dabcan waxa laga yaaba inaad ka jawabi karto suu’aalaha ah in Kitaabadii Towreed, Sabuur, iyo Injiilka ee marka laysku so uruuriyee loo yaqaan ( Kitaabka Quduuska ah) in la badalay iyo in kale.

Muxuu Quraanku ka leyahay badalada ereyga Ilaahay (Swt)? iyo Sunaaha? Iyo cilmiga sayniiska ee wax eedeya?

Waxa ficaan inaad ogaato oo aad eregyga Ilaahay (Swt) barato inta aanad maalinta qiyaamaha aanad isa so hortagiin Ilaahay (Swt).

14 thoughts on “Hordhac: Qaabka Kitaabka Quraanka ah uga hadlaayo ‘ Injiilka’ isaga oo ku tilmaamaya inu yahay Ijiilku Mucjiso xaga Ilaahay (Swt) ka timid.”

  1. Waasax inaad soo daliishatay aayado quraan ah adigoo uqiilsamaynaaya Bible-ka. Su’aashu waxay tahay adiga ma’aaminsantahay kitaabka quraanka ah? hadaad aaminsantahay ma aaminsantahay Nabigii lagu soodajiyay waa Muxammed (SCW)? hadaad labadaaba aad aaminsantahay sida aad qiilka ugu raadisayba kitaabkii inJiil ma aaminsantahay in Kitaabka injiil ay ka horeeyeen kutub ay kamid ahaayeen TOWREED IYO SABUUR? kuwaas oo kitaabka INJIIL iyo Nabigii lagu soodajiyay Nabi Ciise (CS) ay uu Nasakhay ama badalay kutubtaaas? taas oo tusaale cad kuugu ah in Kitaabkii INJIIL sidookale uu Nasakhay kitaabka QURAANKA. Saxiib Bible ragii waligood hogaanka u hayay ayaa hada ku baraarugay ISLAAMKA oo koox koox usoogalaaya diinta kadib markii bibile ka dhexdiisa laga tusay inay diinta islaamku xaqtahay isla markaan khaladaad iyo qoraalo dad oo farabadan laga helay

    1. Walaalaha islaamka iyo walaalaha aadam na wada dhalay.
      dadka soomaalida ah ee masiixiga qaatay waxa aan waydiinayaa,horta ma idinka ayaa nabi Ciise CS raacsan mise anaga islaamka ah?
      1. Sida ku cad Bible-ka Nabi ciise cs waligiis kaniisad ma galin,waxa uu ku cibaadaysan jiray sinagoog (masjidka yuhuuda) waa sida uu u qeexayo Bible-ka. lkn waxaad tagtaan kaniisad,anagana masjid.
      2. Nabi Ciise cs waa wayso qaadan jiray, adinku ma wayso qaadataan, balse muslimiinta haa.
      3. Nabi Ciise waa uu sujuudi jiray sida ku cad kitaabka aad sidataan, balse kaniisadaha waxaa dhexyaala miisas iyo kuraas,oo meel lagu sujuudo malaha, balse anaga waan sujuudnaa.
      4. Waxa ay qaarkiin ku doodaan in uu yahay nabi Ciise Allaah, halka qaarka kalena ay aaminsanyihiin inuu yahay ina Alle,qaarna aaminsanyihiin mid ka mid ah 3da rabi

  2. Asc Walaal waa la nasakhay Wixiii ka horeeyay kitaab ka furan ka ah Ee lagu soo dejiyay nabi gayna nnhk . Kitaabkalena maanta diin ahaan ,xugun ahaan , sharci ahaan , looma raaci karo. Lkn kaliya waxan rumeynaynaa in ay xag eebi ka yimideen Ku dhaqan koodiina la nasakhay. Adna ka fiirso hadii Aad Muslim tahay wax yaabaha Aad faafineyso

    1. Ilaah ka cabsada tiirarka islaamka waxa ka mid ah i. La rumeeyo nabiyada ilaahay iyo kutubta ilaah soo dajiyay
      Nabi ciise iyo nabi muuse muslimiinta ayy nabi u yihiin ee dad warkoodii qilaafay nabi uma ahan nabi walbo umadiisa wuxu faray inuu raaco nabi muxamed diinta islaamkane diimihii ilaah soo dajiyay iyadaa nasaqday nabi muxamedne nabiyadii aaa lagu qatimay asagaana ugu fadli badan din aan islaamka aheyne ilaah ma aqbalaqyo

  3. Injiil waa la nasakhay waxaana nasakhay kitaabka quraanka ah ee nabi maxamed SCW lagu soo dejiyay waxaynuse islaam ahaan u rumaynaynaa in Allah uu ku soo dejiyey nebi Ciise xaqna ahaa markaas, laakiin hadeer adeer hadii aad ku qanacday iyo hadii kaleba waxaa nasakhay oo la raacayaa kitaabka ilaahay ku soo dejiyey nebi muxamed SCW

  4. Waxaan idiin sheegayaa qoloda afsomaliga baratay ee kiristaanka ee doonaysa inay isku eegaysiiyaan sidii dad soomaali ah waxaan idin odhan lahaa Baadariyaddii waaweynaa ee nasaarada ayaa hadda uun fahmay saddex illaah jirine wax badha oo dadaala allaah ayaa cidduu doono soo hadeeyee
    Alle ka baqa oo naartiisa ka baqa o Nabiyadda alle qaarna ha didina qaarna ha ku talaxtegina
    Allaah ha ina wada hanuunshee

  5. Waxaan Allaah ka magan galayaa Sheeydaan iyo inta uu ku adeegto ee insiga ah.
    Alloow nagu hannuuni jidka toosan ee xaqa ah .
    Aamiin

  6. Asc, walaalayaal waxa aynu ognahay Dagaalka ay Gaalada iyo Shayaadiintu kula jiraan Muslimiinta iyo Xukunka alleh ee Kittaabka Quraanka Kariimka, dagaalkaaso ay kudoonayaan inay dadka ka majara-habaabiyaan wadada Xaqa ah ee ku dhaqanka Kitaabka Quraanka iyo sunaha, Miyaanay wax lalayaabo ahayn in Nin aan Rumaysnayn Kitaabka Xaqa ah ee Quraanka Kariimka iyo Nabi Muxamedba (NNKH) oo u`ololaynaya in Bible`ka lagu dhaqmo oo kitaabka alleh laga tago, inuu hadana soo xigto isla Kitaabkii Kariimka ee uu Dafirsan yahay!!! waxaan usheegayaa Ninkaas Dulmiga u`ololaynaya in aanay jirin Cid wax udhimi karta Kitaabka Xaqa ah ee Furqaan, Allaah ayaan ku dhaartaye Adiga ayuunbaa Naftaada Halaagaya If iyo Aakhirana Jahanami hooy kuu noqon, Kitaabka alleh inoosoo dejiyey in lagu dhaqomo ee Injiil nasahayna waa Furqaan,

  7. Asc intii muslim ah, Waxaan ku leeyahay kitaabka Injiil waa mid ka mid ah kutubada ALLAH soo dajiyay isla markaana lahaa xilli ku dhaqankiisu socday, laakiin hada waxaa booskiisa ku jira kitaabkii ugu dambeeyay ee ka yimid xagga ALLAH waa Kitaabka Furqaan ah ee ILAAH ugu talagay in lagu dhaqmo illaa iyo qiyaamuhu ka imanayo.
    Marka si ILAAHAY kaaga badbaadiyo dhibka aduun iyo aakiraba ha noqonin mid ku kufriya ALLAH ee diida ku dhaqanka Kitaabkiisii ugu dambeeyay kutubada uu soo dejiyay isla markaana rumeynta rasuulkiisii ugu dambeey ee lagu soo dajiyay ee Muxamed ahaa CSW

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *