Skip to content

Calaamadda Laanta: Ciise Masiix oo La Sii magacabay

Waxan ku so aragnay artikaladii hore sida Ilaahay ugu sharaxay Sabuur uguna balan qaday boqortoyadda iman doonta.  Boqortoyadanii way ka duwaan tahay tii dadka caadiga sida boqortoyooyinka aduunka. Waayo,haddii maanta aad daawato waraarka waxa ka dhex socda boqortooyoyinka aduunka waxa ka  mid ah dagaal, musuqmaasuq, Isgawarac, isdilid iyo gumaysii ku saabsan dadka masakiinta ah taniin way kadhax dhecdaa dadka  bini aadanka oo dhan waxa uu doono ha rumeystee sida Muslimiinta, Masiixiyinta,Yahuuda, Budhiska, Hindiida, iyo dhaqamada kale ee reer galbeedka ama dunida oo dhan.  Dhibaatada jirta dhamaan boqortoyooyinka aaynu ku dhax noolnahay waxa jira harraad farabadan oo sida uu ino so sharaxay Nabi Yeremyaah (NNKH) oo ku saabsan dhibaatooyin badan sidii aan horeba ugu soo sharaxan kana mid yihiin ( Musuqmaasuq, Dilaal, dhibaatooyin xaga galmadaha iyo waxyabo badan oo ka baxsan waxayabahan aan Ilaahay raalida ka aheyna.  Dhibaatada ugu weyn ee haysta in boqortoyadda Ilaahay so labadato oo dadkisu wada toobad keenaan inaga ayaa hortaagan. Haddii Ilaahay manta boqortoyaddiisa  cusub inoo keeno waynu kharibayna oo denbi iyo dhibaato ayeeynu la  geleyna sida maantaba boqortoyooyinka beenta ee aduunka aan dhibaatadu uga tagan tahay,  Nabi Yeremyaah ( NNKH) waxa uu sii saadaliyeey maalinta Ilaahay Axdi Cusub  aoo dejin doono.  Axadiga cusub waxa uu ku qornan doona qalbiyadeena sidii ugu qornaan jiray  Sharcigii Nabi Muuse (NNKH). Sharcigaasi wuxu badali doona mawqifkeena oo dhan waxanu inaga dhigii doona qaar leh Boqortoyadda Ilaahay ee aan waligeed dhamaaniin.

Sidee ayeey sidanii u dhacaysa?  Qorshaha Ilaahay waa mid ka qarsoon dadka bini aadanka ah. Laakin Ilaahay waxa uu wax inooga sii sheegay boqortooyaddiisa Sabuur oo uu leeyahay qofka raadiya wuu fahmi doonta laakiin dadka aan raadin waxay ahaan doonan qaar habowsan.  Waxan rabna inaan hada eegno fariimahan.  Waxan aan araganay qorshaha ama sadaliinta sii sheegaysa imashadda Masiixa ( Halkan ka eeg  sida aan ku aragno = Masiix = Ciise). Waxan aragnay sida ku qoran Sabuur ( Nabi Dawuud) ayaa sii saadaliyeey imashada Masiiz oo ka imaanyeey isirka reer Nabi Dawuud ( halkan ka see eeg)

Geedki Nabi Ishacyaah, Jiriddii….. iyo Laantii

Nabii Ishacyaah (NNKH) waxa uu sii sheegay sida qorshaha Ilaahay yahay iyada oo Rabbigu u soo wax yooday. Sida ku qoran Sabuur ee buuga Nabi Ishacyaah waxa ku qoran wakhtigii Nabi Dawuud uu nabbiga aha  ( ca 1000- 600 BC). Waxa la qoray wakhtigii (750 BC) xiligaas oo dadka iyo boqortoyadii reer bini Israa’iil aay musuqmasuq ahayen maxa yeelay harraadka qalbiyadooda darted.

Taarikhda Nabi Ishacyaah iyo Nebiyo kale wakhtigood

Qoysikii Nabi Dawuud – Sida Geedka oo kale

Nabi Ishacyaah (NNKH) waxa uu ka codsaday qoomkiisii reer Israa’iil inay Ilaahay u laabtan oo aay ka cabsadan oo aay addeecaan amarki iyo Sharcigii Nabi Muuse.

Nabi Ishacyaah laftigisu waxa uu oga inaanay suurta gal aheyn in reer Israa’iil qun yar danbi dhaaf weydistan Ilaahay ilaa Rabbigu baabiyo iyaga iyo boqoradooda oo uu aduunka u kala kaxeeyo.  Waxan halkan ka aragnay sida aay sidan u dhacday. Waxa uu astaamihii ama saatalintiisii ku soo hadal qaaday sida sawirka geedka oo kale oo uu ku timaamayeey faraca reer Israa’iil taasi uu ku tilmaamay in geedka xagiisa sare la jari laakiin jiridu aay soo hadhii si caleen iyo laamo saxa aay u dhasho. Tani waxay aay dhacday wakhatigu marku aha ila 600 BC markii Baabiloonku uu baabiyeey Yeruslaam……. Wakhtiga wixii ka danbeyeey Nabi Dawuud ama boqor Dawuud fariciisi may hogaminiin Yeruslaam….

Geed la jaray

Marka loo eego dhamaan waxiyigii ku soo degi jiray eek u sabsana sida reer Isra’iil loo baabin doono waxa aad akhrida aayadan ku qoran buuga Inshacyaah:

“Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,  oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga.” (Ishacyaah 11:1-2).

Qoysikii Nabi Dawuud (NNKH) –  Hadda waxay ka soo nooladeen danbigii oo sida jirida oo kale ayeey soo cagareen.

Yesay waxa uu aha abaha dhalay Nabi Dawuud oo uu ka soo farcamay taasi  oo la sii saadaliyeey in farac Yesay ee Nabi Dawuud la  burburin doono, waayo danbigood aay ka danbaabeen xaga Ilaahay.  Haddaba in kasta oo Nabi Ishacyaah isna sidoo kale uu arkay sadashii meesha sii taalahy laakiin waxa uu oga in faraca boqoranimadu aay u eekan doonto mid dhimatay laakiin ma wada suuli doonto. Maalin maalmaha kamid aha ayaa waxa  dhici doona in baaqiga ka hadha jirta boqortoyaddii Nabi Dawuud ee faricisu aay soo bixi doonaan.

Sido kale waxa la sii ogaa in uu imaanayo  ‘ Isagu’ oo waxa sii sadaliyeey Nabi Ishacyaah oo sheegay inu Isagu ka dhalan doono faraca Nabi Dawuud. Ciise waxa uu yeelan doona xigmad , awood iyo cilmi isaga oo ku dhalan doona Ruuxa Ilaahay. Hadda xasuus  Sidee ayaan u aragna in Masiix lagu sii shaaciyeey inu ka soo farcamidoono xagga Nabi Dawuud-  tani waa muhiim.  Laanta iyo Masiix waxa aay ka wada yimaadeen Nabi Dawuud. Tani ma waxay aheyd laba darajo oo uu leeyahay ka imaanaya ama la sii sadaliyeey?  Bal aan sii akhrino waxa ku qoran  Sabuurka.

Nabi Yeremyaah….. wixi ku saabsana Laanta

Nabi Yeremyaah (NNKH) waxa uu yimid 150 sanno kadib nabi Ishacyaah, waxa aay aheyd markii Nabi Dawuud la baabiyeey dadkiisii:

Nabi Yeremyaah taarikhdisii iyo Nabiyo kale sida ku qoran Sabuur

 “Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa’uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa’iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah”. ( Yeremyaah 23: 5-6)

Nabi Yeremyaah  (NNKH) waxa uu aha jirridii ama faracii laa sii sadaliyeey laga bilabo Nabi Ishacyaah (NNKH) 150 sanno ka hor. Jirrida ama faracisii waxa uu noqonayeeen boqor, waxa aan aragna inu Masiixna aha boqor. Isku mid ahanshaha u dhaxeeya Masiix iyo jirrida way sii koraysay.

Nabi Sekaryaah… magacayadda Laanta

Nabi Sekaryaah (NNKH) waxa uu inoo sii waday sheekada. Waxa uu noola 520 BC, in yar kadib markii Yahuudu ku soo laabteen Yeresulaam ee aay ka soo baxeen Baabiloon,halkaasii oo aay dadka reer baarshiya ku xukumayeen iyaga.

The Prophet Zechariah in Timeline with other prophets of Zabur

(Waxa jiray Sekaryaah oo aan aheyn Nabi kaas oo loogu magac bixiyeey Nabi Sekaryaah, NNKH  oo aha Nabi Yaxye aabihi, Sekaryaah hore waxa uu noola 500 oo sanno ka hore intaan Nbai Sakeryaah dhalan sidaa daradeed  kan halkan lagaag hadlayaa waa Nabi Sekaryaah qudhisa kaas . Waxa tuusale ka soo qaada intee oo qof ayaa loogu magac daray Nabi Maxamed- NNKH)  Wakhtigaas  250 BC ayeey Yahuudu ka shaqeynayeen sidii aay macbadkood u dhisi lahayeen taasi oo aay dib u bilabeen ducooyinka wanqasha aha ee Nabi Haruun( NNKH) , ee aay walaalaha ahayeen Nabi Muuse (NNKH).

Nabi Haruun (NNKH) waxa uu aha wadaadka ugu sareeya diinta dadka reer Iraa’iil isaga fariciisa ayuunbana noqonayeey wadaadka ugu sareeya xaga diinta, wakhtiga waxa nabi Sekaryaah loogi yeedhi jiray Yashuuca. Wakhtigaas oo ah ila 520 BC Sekaryaah waxa uu aha nabi Yashuucana waxa uu aha wadaadka ugu sareeya xagga diinta. Halkan waxaad ka akhrida sida Ilaahay ula hdlay Nabi Sekaryaah isaga u waxyoonaya wadaadka diinta ugu sareeyay ee Yashuuca:

 ‘”Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.  Waayo, bal eeg dhagaxa aan Yashuuca hortiisa dhigay, isku dhagax ayaa waxaa ku yaal toddoba indhood. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan xardhi doonaa xaradhkiisa, oo dalkaas xumaantiisana maalin qudha baan ku qaadi doonaa”.’

Sekaryaah 3:8-9

Mar labaad Laanta! Markan waxa loogu magacdaray ‘Adoonkayga’.  Sidaa awgeed wadaadka diinta ugu sareeya ee yashuuca waxa uu aha qeyb ka mid aha laanta.  Waxa uu aha calaamad. Laakin qaabke ayuu u aha? Oo maxya tahay u jeedada  ‘ maalin qudha’ ayaa Ilaahay idinka dul qaadi doona denbigiina. Aayadahan sii akhri.

“Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,  Kuwii maxaabiista loo kaxaystay waxaad ka soo waddaa Xelday iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah, oo isla maalintaasba kaalay, oo waxaad gashaa guriga Yoosiyaah ina Sefanyaah oo ay joogaan kuwii Baabuloon ka yimid”

Ogsoonow Yashuuca magiciisu waxa uu ka mid aha magacayadda faraca ama laanta. Xasuuso waxa aaynu ku soo baranay  macne u sameynta iyo turjumada afka cibraaniyada sida loogu badalay Ingriiska.  Waxaynu akhrina ‘ Yashuuca’ waayo halkan waxa ayuu ku qornay turjumaad af Soomaaliyaha laakiin afka Yahuuda ee Cibraaniyada maxa lagu yidha? Halkan hoose ka eeg.

Yashuuca = Ciise labaduba waa isku macne marka la eegayo afka Cibraaniyada