Skip to content

Ciise Masiix wuxuu wax ka baray…galida Jannada

Suuradda Al-Kahf (Surah 18 – Ilaah) wuxuu caddeeynyaa kuwa camal wanaagsan leh ‘jannada geli doonaan:

kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid, (martiqaad).

Suuradda Al-Kahf 18: 107

Xaqiiqdii, Surah Al-Jathiyah (Surah 45 -) waxay ku celcelineysaa in kuwa ‘camal wanaagsan’ay jnada ku geli doonaan Naxariista Ilaah.

kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn.

Suuradda Al-Jathiyah 45: 30

Maalin un Ma rajaynaysaa inaad jannada gasho ? Maxaase nalooga baahan yahay aniga iyo adiga inaan Jannada galno? Ciise Masiix waxaa suaal weydiiyay ‘khabiir’ Yuhuudi ah oo wax ka bartay  turjumaada sharcigii Nebi Muuse. Ciise Masiix wuxuu siiyay jawaab lama filaan ah. Hoos waxaa ku qoran wadahadalka lagu qoray Injil. Si aad u fahanto masaalda Ciise waa inaad fahanto in ‘reer Samaariya’ ay nebcaadeen Yuhuudda maalintaas. Taas bedelkeedna reer Samaariya way necbadeen Yuhuudda. Nacaybka u dhexeeya reer Samaariya iyo Yuhuudda ayaa markaa la mid lahayd maanta oo laga yaabo inay u dhexeyso Yuhuuda israailiyiinta iyo falastiiniyiinta, ama tan u dhaxaysa Sunniyiinta iyo Shiicada.

Masaalka ku saabsan nolosha weligeed ah iyo deriska wanaagsan

25 Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah?

26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.

28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

29 Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?

30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah. 31 Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray. 32 Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray. 33 Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay. 34 Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay. 35 Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

36 Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

37 Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.

Luke10: 25-37

Markii khabiirkii sharcigu ku jawaabay ‘Waa inaad rabigaaga Ilaahaaga ka jaclaataa qalbigaaga oodhan’ iyo ‘deriskaaga u jeclaada sida naftaada’ wuxuu ka hadlayaa Sharcigii Muuse. Ciise wuxuu muujiyey inuu si sax ah ugu jawaabay laakiin tani waxay kicisay su’aasha ah cidda deriskaaga ah. Markaa Ciise kula hadlay masaalka kula hadlay..

Tusaalaha waxaan filaynaa in dadka diinta (Faarisiinta iyo reer Laawi) ay ka caawin doonaan ninka la garaacay, laakiin way iska indhatirayaan oo waxay oga tagayaan xaaladdiisa oo waay iska indhay. tireen oo waxaay oga tageen meeshii lagu garaaca taban. Oo Diintooduna kama dhigin inay lahaadaan Daris Wanaagsa intii aan ugu yaraan ka sugeeynay,ayaa noqday cadaawahiisa- waa midka caawiya ninka la garaacay.

Ciise Masiix wuxuu faray inuu tago oo sidaasi sameeyo.. Ma garanayo adiga xagaaga, laakiin falcelinteyda ugu horreysa ee masaalkan waxay ahayd in ay ahayd in aan si qaldan u fahmay ama Isfahan laaan ahayd, ka dibna waxaa la ii dhigay inaan iska iloobo. 

Laakiin ka fikir dhammaan dagaallada, dilka, Qalbi xanuunka iyo murugada ku dhaceeysa hareeraheena maxaa yeelay dadka intooda badanu way diidaan amarkan. Haddaan u noolaan lahayn sidii reer samaariyaan oo kale magaalooyinkeena iyo dalalkeena nabad bay ahaan lahaayeen halkuu dagaalkaku sii kordhi lahaa Waxaan sidoo kale lahaan lahayn dammaanad ama balan qaad ay Jannada ku galaan. Sida ay hadda tahay, dad aad u tiro yar ayaa haysta dammaanad galayaan – xitaa haddii ay aad ugu noolyihiin camal diineed sida khabiirnimada sharciga  ula hadlay Ciise .

Miyaad qabtaa dammaanad nolosha weligeed ah?

Laakiin deriska noocan ah ma yahay Macquul? Sidee baan tan u samayn karnaa? Haddii aan nafteena daacad u noqono waa inaan qirnaa in noqoshada deris sida uu amray ay adagtahay in la sameeyo.

Halkanna waxaan ku arki karnaa rajo xoog leh maxaa yeelay markii aan aragnay oo aannan samayn karin waxaan noqonnay ‘kuwoo xagga ruuxa ka daciif ahh’ – Sidaasoo kale Ciise Masiix wuxuu baray inay lama huraan tahay in la galo Boqortooyada Ilaah.

Halkii aan iska indhatiri lahayn Masaalkan, ama aan ka cudurdaarn lahayn, waa inaan u isticmaalnaa si aan isu eegno oo aan u qiranno inaynaan sameyn karin – way adag tahay. Kadib, caawimaaddayada, waxaan Ilaah weydiisan karnaa caawimaad. Siduu Ciise Masiix ogu balln qaaday wacdigii wacdigii Buurta.sida ku qoran

7 Weydiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8 waayo, mid kasto oo weydiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.

9 Ninkiinnee baa haddii wiil-kiisu kibis weydiisto, dhagax siinaya? 10 Ama hadduu kalluunweydiisto, abeeso siinaya? 11 Haddaba idinka oo shar lehhadaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinnasiisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa waxwanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weydiista?

Matayos 7: 7-11

Marka waxaan haysanaa ogolaashaha Masiix si aan u weydiisano caawimaad – caawimaadaana waa la ballanqaaday. Waxaad u baahan tahay inaad Ilaah u baraydo sidan oo kale:

Aabaha Jannada ku jiroow. Waxaad soo dirtay nebi inuu na baro jidka toosan. Ciise Masiix wuxuu na baray inaan u baahnahay inaan jaclaado xitaa aan caawiyo xitaa kuwa u muuqdo sidii cadawgeeyga oo aanan taas sameyn  oo aan geli karin ama heli karin nolosha weligeed ah. Fadlan i caawi oo i beddel si aan jidkan u raaco oo aan u helo nolosha weligeed ah. Ii naxariiso aniga oo ah dambiile.

Waxaan kugu baryayaa dhiira gelinta iyo Ballan qaadkii Ciise Masiix.

Injiilka Waxaa ku qoran Markii Ciise Masiix la kulmay ninka reer samaariyaanka ah.Siduu nabigu ula dhaqmi lahaa qof loo arko inuu yahay cadow neceb dadkiisa (Yahuudda)? Wixii ku dhacay Samariyaanka, iyo waxa aan ka baran karno si ku noogu caawino in aan noqonno nooca Dariska aan u baahan nahay, waxaan ku eegeynaa cashirka xigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *