Skip to content

Su’aalo Guud

Waxaa jira wax badan oo jahwareer ku saabsan waxa ku dhacay Ismaaciil. Tawreedka, waxaa uu qoray 3500 sano maanta ka hor nebi Muuse (NNHK ), ayaa caawisaa in ay inoo caddeeyso arrintan. Ilaah baa u ballanqaaday Ibraahim (NNHK) in uu u duceeyey oo wuxuu ka dhigi Faraciisii kuwo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal oo kale (eeg halkan ballantii). Ibraahim baa (NNKH) ugu danbeyntiina helay labo wiil labadiisii naagood ay u kala dhaleen, laakiin xafiiltankoodii u dhexeeyay labadooda ayaa ku kalifay in uu u diro meel shishe Xaagaar  iyo Ismaaciil. Xafiiltankan waxa ay u dhacday labo marxaladood. Qaybta kowaad waxay u dhacday ka dib dhalashadii Ismaaciil iyo ka hor dhalashadii Isxaaq. Fadlan halkan ka akhriso waxa uu Tawreedku ka leeyahay arrinta ku saabsan tartankan iyo sida Ilaah u ilaaliyey Xaagaar, u muuqday iyada oo siiyey barako Ismaaciil (NNKH).

Haagaar Iyo Ismaaciil –Bilowgii 16

Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar. Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay. Saaray oo ahayd naagtii Aabraam waxay kaxaysay Haagaar tii Masriyadda ahayd, oo midiidinteeda ahayd, markii Aabraam toban sannadood joogay dalkii Kancaan ka dib, oo waxay iyadii siisay ninkeedii Aabraam inay naagtiisii u noqoto. Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay. Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo. Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda. Oo malaa’igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur. Oo malaa’igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa. Oo malaa’igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig. 10 Oo malaa’igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed. 11 Oo malaa’igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii. 12 Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda. 13 Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka? 14 Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyey Bi’ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered. 15 Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil. 16 Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.

Waxaan u aragnaa in ay Xaagaar ahayd nebiyad tan iyo markii ay la hadashay Rabbiga. Haddaba wuxuu ahaa Ilaaha qudhiisa Isagu in uu iyada u sheegay magaca wiilkeedii uu noqdo Ismaaciil. Oo markaasuu wuxuu iyadii siiyey ballanqaad in Ismaaciil uu noqon doonaa mid ‘aad u fara badan oo aan la tirin karin’. Sidaas kulantan iyo balanqaadkii waxay kula soo laabtay sayidaddeedii,  iyagoo xafiiltankooda ay jooqsadeen in muddo ah.

Loolankii oo kordhay

Laakiin markay Saaray dhashay Isxaaq, 14 sano dhalashada Ismaaiil ka dib, loolankii mar kale ayuu bilaabmay. Waxaan akhriney Tawreedka siday wax u dhaceen.

Haagaar Iyo Ismaaciil Oo La Eriyey

Wiilkiina wuu koray, naaskiina waa laga gudhiyey. Ibraahimna diyaafad weyn buu sameeyey maalintii Isxaaq naaska laga gudhiyey. Saarahna waxay aragtay wiilkii ay Haagaar tii Masriyadda ahayd Ibraahim u dhashay oo ku cayaaraya. 10 Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah. 11 Waxaasuna Ibraahim aad buu ula xumaa xagga wiilkiisa. 12 Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa. 13 Wiilka addoontana waxaan ka dhigi doonaa quruun, waayo, isna waa farcankaaga. 14 Ibraahimna aroortii horuu kacay, wuxuuna qaaday cunto iyo sibraar biyo ah, oo Haagaar buu siiyey intuu garbaha u saaray, wiilkiina wuu siiyey, markaasuu eryay: wayna iska tagtay, oo ku wareegtay cidladii Bi’ir Shebac. 15 Biyihii sibraarka ku jirayna way dhammaadeen, kolkaasay ilmihii ku xoortay geedihii midkood hoostiisa. 16 Wayna tagtay oo waxay fadhiisatay meel ku soo jeedda oo ka fog, oo qiyaastii ah intii fallaadh la ganay gaadho, waxayna tidhi, Yaanan eegin dhimashada wiilka. Iyadoo fadhida meel ku soo jeedda ayay codkeedii kor u qaadday oo ooyday. 17 Ilaah baana maqlay codkii wiilka; malaa’igtii Ilaahna Haagaar bay samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Haagaaray, maxaa ku helay? Ha baqin; waayo, Ilaah waa maqlay codkii wiilka, meeshuu joogo isagu. 18 Kac oo wiilka toosi, oo gacantaada ku hay; maxaa yeelay, quruun weyn baan ka dhigi doonaa isaga. 19 Markaasaa Ilaah indhaheedii furay, oo waxay aragtay ceel biyo ah; kolkaasay tagtay, oo sibraarkii biyo ka soo buuxisay, oo wiilkii waraabisay. 20 Ilaahna wiilkii buu la jiray; wuuna koray; oo cidladuu degay, wuxuuna noqday qaansoole. 21 Wuxuuna degay cidladii Faaraan: hooyadiis baana dhulka Masar naag uga qaadday. (Bilowgii 21: 8-21)

Waxaan halkan ka arki karnaa in Saarah (magaceedii loo bedelay Saaray) kumana wada noolaan karin isku guri Xaagaar, iyadoo dalbatay in loo diro meel shishe. In kastoo Ibraahim (NNHK) uu ahaa mid aad u diidan in uu arrintan sameeyo, Ilaah baa balanqaaday in uu ku barakayn doono Xaagaar iyo Ismaaciil (NNKH). Oo run ahaantii mar kale ayuu la hadleen iyada, indhaheeda u furay si ay ugu aragto biyo saxaraha una balanqaaday in Ismaaciil (NNKH) uu noqon doonaa ‘quruun weyn’. Oo Tawreedku uu sii socon doono si uu u muujiyo sida qoomiyadan u biloowday horumarkeeda. Waxaan akhrin karnaa wax ku saabsan Ismaaciil (NNKH) waqtigii dhimashada Ibraahim (NNKH).

Dhimashada Ibraahim (NNKH).

Ibraahimna waa naf baxay, cimri wanaagsan buuna ku dhintay, isagoo duq ah, oo sannado badan jiray; oo wuxuu ku darmaday dadkiisii. Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre; 10 berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba. 11 Ibraahim geeridiisii ka dib ayaa Ilaah barakeeyey wiilkiisii Isxaaq; Isxaaqna wuxuu ag degganaa Bi’ir Lahayroy.

Wiilashii Ismaaciil

12 Haddaba kuwanu waa farcankii Ismaaciil ina Ibraahim, kii Haagaar tii Masriyadda ahayd oo Saarah midiidinteedii ahayd ay u dhashay Ibraahim. 13 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe’el, iyo Mibsam, 14 iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa; 15 Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah. 16 Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil, kuwanuna waa magacyadoodii sidii ay tuulooyinkoodii iyo xeryahoodii ahaayeen; waxayna lahaayeen laba iyo toban amiir sidii ay qolooyinkoodii ahaayeen. 17 Sannadihii Ismaaciil noolaa waa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood, wuuna naf baxay, oo dhintay; wuxuuna ku darmaday dadkiisii. 18 Waxayna degganaayeen tan iyo Xawiilaah iyo Shuur tan ku hor taal Masar, haddaad u kacdo xagga Ashuur. Walaalihiis oo dhan hortooda ayuu degay.

Waxaan u aragnaa in Ismaaciil uu noolaa muddo aad u dheer, run ahaantii iyo wixii ay wiilashiisu noqdeen 12 qabiil oo wax xukuma.  Ilaah wuu barakeeyey isagii sidii uu u ballanqaaday. Dadkii Carabtu ahaa ilaa maantadan la joogo waxay abtirsigooda isir ku sheegaan in ay ka soo farcameen Ibraahim kuna absirsadaan wiilkiisii Ismaaciil.