Skip to content

From Books

Hadiyadda Ah Ruuxa Quduuska Ah

2 Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen. Oo waxaa filanla’aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan. Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta. Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.

Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta. Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya. Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn? Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay? Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya, 10 iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba, 11 iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn. 12 Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay? 13 Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.

Wacdigii Butros Wakhtiga Iidda Bentekoste

14 Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta. 15 Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed. 16 Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo’eel,

17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan,
Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan;
Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan,
Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan,
Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan;
18 Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba,
Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
19 Oo waxaan samada sare ka muujin doonaa yaabab,
Dhulka hoosena waxaan ka muujin doonaa calaamooyin,
Kuwaas oo ah dhiig iyo dab iyo uumiskii qiiqa.
20 Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur,
Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig,
Intaanay iman maalinta Rabbigu,
Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.
21 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.

22 Rag yahow reer binu Israa’iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin, 23 markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen. 24 Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin. 25 Waayo, Daa’uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi,

Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray,
Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.
26 Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey;
Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.
27 Maxaa yeelay, naftayda [a]Haadees kuma dayn doontid,
Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
28 Waxaad i tustay jidadka nolosha,
Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.

29 Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa’uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal. 30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono, 31 wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag. 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay. 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay, Daa’uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh,

Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso
35 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

36 Reer binu Israa’iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.

37 Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa? 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah. 39 Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho. 40 Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan. 41 Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.

Sidii Ay Masiixiyiintu U Soo Wada Jiri Jireen

42 Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.

43 Oo naf kasta cabsi baa gashay; oo rasuulladii waxay sameeyeen yaabab iyo calaamooyin badan. 44 Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen; 45 oo intay iibiyeen waxyaalahoodii iyo alaabtoodiiba ayay dhammaan u wada qaybiyeen sidii nin kasta baahidiisu ahayd. 46 Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen. 47 Ilaah bay ammaani jireen, oo dadka oo dhammuna waa u bogay iyaga. Ilaahna maalin walba kuwa badbaadaya ayuu ku dari jiray.

Falimaha Rasuullada 2: 1-47

Bilowgii

1 Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray. Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha. Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday. Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii. Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, isla maalin ah. Ilaahna wuxuu yidhi, Meel bannaani ha noqoto biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha. Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka sarreeyey; sidaasayna ahaatay. Ilaahna bannaankii wuxuu u bixiyey Samo. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad.

Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay. 10 Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 11 Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna ahaatay. 12 Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 13 Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii saddexaad.

14 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado; 15 oo iftiimmo ha u noqdeen meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay. 16 Oo Ilaah wuxuu sameeyey labada iftiin ee waaweyn; si uu iftiinka weynu u xukumo maalinta, iftiinka yaruna u xukumo habeenka; oo xiddigahana wuu sameeyey. 17 Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan, 18 oo ay u xukumaan maalinta iyo habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 19 Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii afraad.

20 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd. 21 Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 22 Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka. 23 Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.

24 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay. 25 Ilaahna wuxuu sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 26 Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan. 27 Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray. 28 Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa. 29 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto; 30 oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay. 31 Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

Bilowgii 1

2 Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba. Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba. Oo Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan.

Bilowgii 2

Aadan Iyo Xaawa

Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada. Dhirta duurkuna weli kuma ay oollin dhulka, geedaha yaryar oo duurkuna weli sooma ay bixin: waayo, Rabbiga Ilaah ahu dhulka roob kuma soo dayn, nin dhulka beeraana ma jirin; laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan. Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool. Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey. Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta. 10 Ceedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax. 11 Kan kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon: kaasu waa kan ku wareegsan dhulka Xawiilaah oo dhan, meeshaas oo dahab leh; 12 oo dahabka dhulkaasu waa wanaagsan yahay: oo meeshaasuna waxay leedahay beduliyum iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo. 13 Webiga labaad magiciisuna waa Giixoon: kaasuna waa kan ku wareegsan dhulka Kuush oo dhan. 14 Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad. 15 Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro. 16 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: 17 laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.

18 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon. 19 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday. 20 Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon. 21 Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam’ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday. 22 Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii. 23 Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin. 24 Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh. 25 Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.

Bilowgii 2

Wacdigii Ciise Dadka Ku Wacdiyey Markuu Buurta Joogay

1Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid. Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

Kuwa Barakaysan

Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa. Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan. Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan. Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa. Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan. Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah. 10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.

Wixii Laga Bartay Cusbo Iyo Laambad

13 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee. 14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

Sharcigii Hore Iyo Sharciga Ciise

17 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi’iyo; uma aan iman inaan baabbi’iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo 18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.

Cadhada Iyo Dhiigqabidda

21 Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka. 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah. 23 Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto, 24 hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi. 25 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. 26 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.

Daahirla’aanta

27 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan. 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa. 30 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa. 31 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo. 32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

Dhaaraha Iyo Runsheegidda

33 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah. 35 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa. 36 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow. 37 Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.

Aargudashada

38 Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. 39 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

Jacaylka Iyo Dabeecadda Daahirka Ah

43 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di’iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. 46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? 47 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? 48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

Matayos 5

Sadaqadbixinta Qarsoon

6 Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

Tukasho Qarsoon

Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona. Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis. Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

Tukashaduu Ciise Xertiisii Baray

Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado. 10 Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. 11 Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. 12 Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

14 Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

Soonka

16 Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 17 Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, 18 si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.

Hodannimada Runta Ah

19 Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi’iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan, 20 laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi’in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin. 21 Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.

Iftiinka Iyo Gudcurka

22 Ilayska jidhku waa isha; haddaba haddii ishaadu hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammi waa iftiimi doonaa. 23 Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!

Welwelka Iyo Aamminaadda Ilaah Lagu Aammino

24 Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal. 25 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka? 26 Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn? 27 Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

28 Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. 29 Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 30 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow? 31 Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa? 32 Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin. 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa. 34 Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

Matayos 6