Surat Yusuf (12: 22-29)

Markuu gaadhay Xooggiisa yaan siinnay Xikmad iyo Cilmi (Nabinimo) saasaana ku Abaal marina samafayaasha.Waxaa dalbatay naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi kaalay, wuxuuna yidhi magan gal Ilaah illeen waa Sayidkaygii wuxuu wanaajiyay hoygaygee mana Liibaanaan daalimiintu.

Way ku hamiday “doontay” isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebe, saasaana ugu iila Xumaanta iyo falxumida illeen wuxuu ka mid yahay addoomahannaga la doortay (Camalkana u kali yeela Eebe). Waxay u orotameen albaabka (irridda) waxayna ka goysay Qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmeen ninkeedii irridda agteeda, Waxayna ku tidhi maxaa lagu Abaal marin Cid la doontay Ehelkaaga (haweenaydaada)xumaan inla xidho ama Cadibaad daran la gaadhsiiyo mooyee.Wuxuu yidhi Nabi Yuusuf iyadaa i dalbatay Naftayda Wuxuuna ku marag furay ehelkeeda ah hadduu Qamiiskiisu ka go’an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna waa Beenalayaasha.Hadduu Qamiiskiisu ka go’an yahay xagga danbana iyadaa Beenalaay ah isna (Yuusuf) wuxuu ka mid yahay runlayaasha.Markuu arkay ninkeedii Qamiiskii Yuusuf oo Gadaal ka go’an wuxuu yidhi kaasi waa Dhagartiinii Dhagartiinuna waa wayn tahay.Yuusufoow iskaga jeedso Xaalkan (ha ka waramin), Haweeneeyahay adna ka Dambi Dhaaf warso Eebe danbigaaga waxaad kamid tahay kuwa gafaye (Surat Yusuf 12: 22-29)