Qoraaladii hore ee Nabi Yeremyaah waxaan ku soo aragnay in dembigaa,dhaxdeena ku yahay waxyaabo kale, oo calaamad u ah haraaddeenna.Waxaan ognahay inay wax dambiga ah ay yahiin qalad oo ay kuu horseedi karaan ceeb badan.oo xitaa haraadkeenu uu noo hogaaminayo dembi. Nebi Yeremyaah wuxuu noolaa dhammaadka wakhtigii boqortooyadii reer binu Israa’iil – wax yar ka hor xukunka Ilaah – wakhti uu dembiga sii badanaayay…
oo ahayd xiligii nabi Yeremyaah(600 BC) ku dhawaad ku sano ka dib markii Nabi Muuse la siiyay sharciga,oo noloshii reer banii Israa`iil furfurnaan.iyaga ma aanay dhowrin sharciga sidaa Waxaa loo xukumi doonay qaran ahaan.Diin ahaan waxaay Ilaah iyo dadka haraadsanba u muujisay niyad jab.Laakiin nebi Yeremyaah oo ahaa kii Fariin wadaha xunka ahaa sidoo kale wuxuu wadaday fariin ku saabsan waxyaabo …mustaqbalka maalin un imaan doonto maxaayse tahay ?
31 Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa’iil iyo reer Yahuudah, 32 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay. 33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa’iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
Yeremyaah 31: 31-34 oo leh sidan:-
Sharciga Koowaad(Qaynuunka Koowaad) – Sharciga la siiyay nabi Muuse – Sharciga muuse ma ahayn (oo weli ma ahayn) mid aad u wanaagsan.Laakiin dhibaatadu waxaay ahayd iyadoo sharciga si fudud loogu qoray Dhagax korkiis. Iyada oo dadka qalbigooda haraad qabay ayay dadka u adeeci waayeen sharciga.Dhibaatadu kuma ekayn waxa ku qoran sharciga, laakiin ahayd meesha lagu qoray. Sharciga wuxuu ubaahanyahay in lagu qoro qalbiga dadka si dadku ay u raacaan,ee aan lagu kor qorin dhagaxa . Sharcigu wuxuu u baahnaa in lagu qoro gudaha dadka, si ay u lahaadaan awood addeecis.
Laakiin miyay ku guuldareysteen inay dhawraan sharciga maxaa yeelay waxay ahaayeen Yuhuud? Dad badan, sababo kala duwan awadeed, waxay dhakhso ugu eedeeyaan guuldarrada Yuhuudda. Laakiin arintaa iyada ah inaan si wanaagsan marka hore u imtaxaano nafahaanshaheena.waxyaabahaa ka dibna, Maalinta Xukunka Waxaa keliya oo aan ka jawaabi doonaa ciladaheena iyo guulihii aan ku gaadhnay Ilaah hortiisa,Cid kalena waxba nagama quseeyaan. Isla markaad aad noloshaada ku guuleysato, miyaad dareentaa inaad sharciga ilaalineyso – ku qoran qalbigaaga inaad leedahay awood addeecis? Haddii aad dareento inaad dhawraysid Sharciga sida loogu baahan waxaad u baahan tahay inaad tixgeliso ficilladaada iyadoo la tixraacayo waxbarista Ciise Masiix. Mise adiga sidaasoo kale waxay kuu ahayd sidii reer binu Israa’iil wakhtigii Yeremyaah ahaa – in sharcigu wanaagsan yahay – laakiin waxaa si fudud loogu qori doonaa looxyo dhagaxa ah iyada oo aan lagu siin awood aad ku addeeco? Xusuusnow heerka aan ka baranay Nebi Muuse. ma aha mid Ku filna in la addeeco sharciga badanaa. Waa inaan adeecnaa dhamaan, waqtiga oo dhan.
Haddii aad naftaada ku xukuntid inaad si uun uga dhacday Sharciga, haddad ceeb u dareento ficiladaada qaar, qalbi qaboow. Naxariista Ilaah, farriinta kore wuxuu ku yaboohay ballan kale, oo ah axdi cusub – inuu Nebi Yeremyaah Mustaqbalka ka imaani doono. Axdigan cusub wuxu ka duwanaan doonaa maxaa yeelay shuruudaha waxaa lagu qori doonaa ‘gudaha’ dadka axdiga cusub, iyadoo la siinaya awood ay ku noolaadaan qaynuunnadiisa.
Laakiin ogsoonow in axdigan cusubi u noqon doonoo mid loogu talagalay ‘reer binu Israa’iil’ – Yuhuudda. Sidee ayaynu taas u fahmi karnaa? Waxay u muuqataa in dadka Yuhuuda yeeshaan waqtiyada ugu xun, iyo waqtiyo kale oo xaaladaha wanaagsan ah. Waxaa kale oo jira nabi kale oo ku weynaa Axdigii hore, oo la odhan jiray Ishacyaah oo ahaa kii sii sheegay inuu Masiixa ka imaan doono gabadh bikrad ah.Waxaa kale oo uu sii sheegay wax sii sheegis la xidhiidh kan ka imaan doono Yarmiyaah.. Labadan nebi, in kasta oo ay kala noolaayeen 150 sano sida aad ku arki karto Jadwalka hoose oo sidaasna aysan is aqoon, waxaa xagga Ilaah laga soo siiyay farriimo.sidaa darteed is-waafajinta midba midka kale oo aan ku ogaan karno inay farriimo ka yimid xagga Eebe.
Nebi Yeremyaah wuxuu Jaantuuska ku tusaya Waqtiga ay la jiraan Nebiyo kale oo Axdigii hore
Ishacyaah, oo sidoo kale eegaya mustaqbalka, ayaa ka hadlay Addoonka imaan doona. Waana sidan sidiiuu sii sheegay sida ku qoran
5 Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa’iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal) 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa’iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho :
Ishacyaah 49: 5-6 oo leh sidan
Si kale haddii loo dhigo, midiidinkani soo socda ayaa badbaadada Ilaah siin doona dadka Yuhuudda ah iyo kuwa aan ahaynYuhuudda iyada oo badbaadadu gaari doonta dhulka darfihiisa. Oo yuu ahaa midiidinka soo socda? Sidee ayuu u gudan doonaa howshan? Oo sidee bay wax sii sheegidda Yeremyaah ee Axdiga Cusub ku qortay qalbiyadeenna halkii dhagax lagu dhagax lagu qori lahaa? Waxaan sii wadaynaa raadinta waxsii sheegida Axdiga hore..