Skip to content

Suuradda 2: 67-73 (Sac)

xusa makuu ku (yidhi) (Nabi) Muuse Qoomkiisa Eebe wuxuu idin fari inaad gawraedaan sac, waxayna dheheen miyaad nagu jees jeesi, wuxuuna yidhi waxaan ka magangali Eebe inaan ka mid noqdo Jaahiliinta.

waxaayna dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahaye, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas (labadaas) ee fala waxa laydin fari.

waxay dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo Midabkeeda, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac Boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin (cajabin) kuwa eegi.

waxay dhaheen no hari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga, kaana shabbahday (isu ekaatay) Lo’dee, hadduu Eebe doonana waan toosaynaa.

wuxuu yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna Beerta, wayna ka nabadgashantahay (eeeb) midab kalana ma leh, waxay dheheen haddaad la timid dhabta, markaasay gawraccen Siccii, waxayna udhwadeen inayna falin.

xusa markaad disheen naf ood isku khilaafteen Eebana wuu soo bixin (muujin) Waxaad qarineyseen.

waxaan ku nidhi ku garaaca kan la dilay Saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebe wixii dhintay, idiina tusin aayaadkiisa si aad wax u kastaan.