Skip to content

Ciise Masiix wuxuu baray nadaafadda gudaha

Sidee bay muhiim u leedahay in daahir loo ahaado? Suuradda An-Nisa (Surah 4 – Haweenka) ayaa sheegysa

 kuwa (Xaga) Rumeeyow haw dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan iyo idinkoo Junub ah inaad Jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad tihiin kuwa Buka ama Safar ah ama ka yimid Ruux idin ka mid ah kortag, ama Taabataan haweeneey aadanna helayn Biyo ku Gagabaysta Carro Wanaagsan, kuna masaxa (Mariya) Wajiyadiinna iyo Gac- mihiinna, Eebana waa Cafiye Dambi dhaafa.

SurahAn-Nisa 4: 43

Amarka ku sugan Surah An-Nisa ayaa ah in wajigeena iyo gacmaheena lagu nadiifiyo dhulka daahirka ah salaadda kahor. Nadaafadda dibadda ayaa muhiim ah.

Suuradda Al-Shams (Surah 91 – The Sun) waxaa kalooy noo sheegaysaa in ruuxdeena – gudaha naftayada ay sidoo kale muhiim u tahay.

Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyayUna tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddabaEe waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa DaarhiriyaWaxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.

Suuradda Al-Shams 91: 7-10

Suuradda Al-Shams waxay noo sheegeysaa in haddii naftneena, ama gudaheena, aanu aanu guulaysanay, halka haddii nafsadeena ay kharribto markaas aan guul dareeyno.Ciise masiix ayaa sidoo kale na baray gudaha io nafaafadda dibada.

Waxaan soo aragnay sida ereyada Ciise Masiix ay awood u leeyihiin inay wax kaa baraan awoodda, Bogsiinta dadaka, iyo xitaa inay xakameeyaan dabeecadda. Wuxuu sidoo kale baray inan kashifno xaaladda qalbiyadeenna – si ay noogu keento inaan oganoShaqsiyadeena gudaha  iyo sidoo kale bannaanka. Waxaan naqaanaa nadaafadda banaanka ah, waana sababta weysada loo sameyo salaadda ka hor  iyo sababta loo cuno hilibka xalaasha ah. Sida ku xusan xadiiska Nebi Muxammad uu ka yiri ,isagoo leh

Nadaafadda waa qayb ka mid ah waa sida ku qoran

Muslim Ch.1 Buugga 002, Lambarka 0432

Ciise waxa kaleoo uu rabay inuu ka fikiro nuska ama qaybta-wuxuuna yiri nuska ama qaybta kale waa nadaafadda gudaha. Tanina waa mid muhiim ah maxaa yeelay aadanaha waxaay arki karaan qaybta debedda ama nadaafadda,laakiin Eebbe aragtidiisa way ka duwan tahay – oo isaga wuxuu arkaa Qaybta gudaha. Markii boqoradadii Yahuuda mid ka mid ahaa kaasoo waajibaada diinta oo dhan  ku dhowri jiray Qaybta dibidda,laakiin aan ku dhowri jirin qaybta gudaha oo ah qalbigiisa, ariintan waa sida ku qoran

Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay hor iyo dib u fiirinayaan dunida oo dhan inuu isu adkeeyo kuwa qalbigoodu isaga xaggiisa ku qumman yahay. Taas ayaad nacasnimo ku samaysay, oo hadda ka dib dagaallo baad ku jiri doontaa

.2 Taariikhdii 16:9 oo leh sidan

Sida fariintaas lagu dhawaaqay, nadaafadda gudaha waxay la xiriirtaa ‘qalbiyadeenna‘ – ‘adiga’ oo ka fikiraya, dareemaya, go’aansaday, gudbiyo ama diido, oo xakamaynaysa carrabkiisa. Nebiyadii  Axdigii hore ayaa baray inay taasi tahay  haraadka qalibiyadeena oo aan ka dhaxalnay dambigeena.. Qalbiyadeena ayaa aad  muhiim u yahiin in Ciise Masiixi uu kugu adkeeyo wax baridiisa isagoo is barbar dhigayo nadaafadda dibedda. Waana sidan sida uu Injiilka u dhigaayo, waqtiyadii kala duwanaa ee uu baray nadaafadda gudaha:

Nadiifi Gudahaaga sidaad dibidda u nadiifisay oo kale

.(‘Farrisiinta’ayaa halkan lagu sheegay. Iyagu waxay ahaayeen macallimiintii Yuhuudda ee waagaas, oo la mid ah imaamyada maanta. Ciise wuxuu ka hadlayaa bixinta ‘toban meelood’ Ilaah. Tani waxay ahayd zakada Yuhuudda.)

37 Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weydiistay inuu waxla cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.

38 Farrisigii markuu arkay waa yaabay, waayo, cuntada horteed ma uu

faraxalan.

39 Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin

ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin

xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.

40 Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin?

41 Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.

42 Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta

iyo kabsarta iyo khudaarta oo dhan toban meelood ayaad meel

ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah.

Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa

kale dhaafin. 43 Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo,

waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta

suuqa.

44 Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin.

Luukos 11: 37-44 ayaa leh sidan

Taabashada qof mayd ah ayaa nin Yuhuudi ah ku nijaasoobay sida uu sharcigu sheegayo. Markii Ciise (PBUH) dhahay dadku waxay dul marayaan ‘qabuuraha aan astaan ​​lahayn’ wuxuu ula jeedaa inay iyagu nijaas yihiin iyaga la’aantood xitaa ‘ogaanshaha’ maxaa yeelay waxay dayaceen nadaafad gudaha ah. Haddii aan dayacno waxaan u noqon karnaa sidii kuwa aan rumaysanaynin oo aan tixgalin ku hayn nadaafad.

Qalbigu wuxuu nijaaseeyaa qofka diinta ku nadiifiya

Barida soo socota, Ciise Masiix wuxuu ka soo xiganayaa nebi Ishacyaah oo noolaa 750 BC. (halkan wixii macluumaad ah ee ku saabsan Ishacyaah)

Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimmo ah, oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan.

Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis? Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey, aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen. Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,

Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan,
Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan,
Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

10 Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta. 11 Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya. 12 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen? 13 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa. 14 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la’ hadduu nin indha la’ hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.

15 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

16 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola’aan baad tihiin? 17 Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo? 18 Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 19 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda. 20 Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.

Matayos 15: 1-20

Kulankan, Ciise Masiix wuxuu tilmaamay in aan si dhakhso leh u dhisno waajibaadka diimeed ‘dhaqannada aadanaha’ halkii aan ka ahayn farriinta Ilaah. Waqtigii nebiga, hogaamiyaasha yahuuda ayaa iska indho tiray waajibaadka Ilaah hortiisa in ay daryeelaan waalidkood da ‘ahaan iyagoo lacagtooda siinaya sababao diimeed intii ay caawin lahaayeen waalidkood.

Maanta waxaan wajahaynaa isla dhibaatadii aan ka tagnay nadaafadda gudaha. Laakiin Ilaah wuxuu aad u daneeyaa  daahir laaanta ka imaanayso qalbiyadeena.Daahir laaantaana waxaay horseedi doontaa in la canbaareeyo doontaa maalinta Xukunka, Haddii aan la daahirin ama la nadiifin..

Quruxdiisa dusha sare, laakiin gudaha shar ayaa ka buuxaa.

25 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26 Farrisi yahow indhaha la’u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.

27 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.

Matayos 23: 25-28

Ciise Masiix wuxuu sheegayaa wixii aan soo aragnay oo dhan. Nadaafadda dibedda waxay noqon kartaa wax ku caam ah kuwa Ilaah rumaystayaasha dhexdooda , laakiin inbadan ayaa wali ka buuxa hunguri iyo damac gudaha ah  xitaa kuwa diinta muhiimada u tahay . Helitaanka nadaafad gudaha ah ayaa muhiim ah – laakiin aad bay uga adag tahay. Eebe wuxuu si taxadar leh u garsoor doonaa nadaafadda ama Daahirsanaanta gudaha. Markaa arrinta taagan ayaa ah: Sidee ayaynu u nadiifin karnaa qalbiyadeenna si aanu u galno Boqortooyada Ilaah Maalinta Qiyaame? Waxaan sii wadnay Injilka si aanu jawaab uga helno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *