Surada Dukhan (Surada 44 – Qiiqa ama qaca) Waxaay noo sheegeysaa qabiilkii qureeshta ahaa ee diiday fariintii nebi Maxamed iyagoo caqabad oga dhigaayo waxyaabahan soo socdo.
kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.
SuuraddaDukhan 44:34-36
Waxaay ku xujeeyeen inuu inuu ka soo sara kiciyo qof dhintay si ay fariintiisa runimadeeda u caawiso. SuuradaAhqaf (Suurada 46 – Dabeesha waxay isku rogeysaa buurta ciidda leh) Waxaay mar kale sheegeysaa caqabad la mid ah oo ka soo wejahday kuwii gaalada ahaa ee waalidkiisa an rumaysan.
Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba’; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore.
Suurada Ahqaf 46:17
Gaaladii sarakicidda waxaay u arkeen sida quraafaaf maadaama aynan weligeed dhicin.Suuradda Duqaan iyo suuradda Ahqaf labaduba waxaay tixraacayaan sida ay gaaladii ogu tijaabanayaan ka soo sara kicinta dhimashada ayaa ahayd midaay nabiga ku baarayaan iyo qasiidada aasaasiga ah ee dhamaan caasiyiinta.Ciise Masiixina wuxuu la kulmay baaritaan kuwa ka soo horjeedoay.Labadan tijaabo wuxuu u adeegsaday inuu labaduba ku muujiyo calaamadaha awoodiisa iyo ujeedada howshiisa.
Maxaay ahayd Howlgalka Masiix?
Ciise Masiix ayaa wax baray,oo bogsiiyay oo soo bandhigay mucjisooyin badan.Laakiin suaashii waxaay weli maskaxdooda ku dambeeysay xertiisa,kuwii raacsanaa iyo cadaawahiisii iyagoo leh: muxuu u yimid? Qaar badan oo ka mid ah nebiyadii hore, oo uu ka mid yahay Nebi Muuse ,sidaasoo kale waxay soo bandhigeen mucjisooyin xoog badan. Maadaama horeyba , oo Ciise laftiisa ayaa wuxuu yidhi “uma imaanin inaan baabi’iyo sharciga”, maxay ahayd waxa loo diray?
Ciise Saaxiibkii ayaa aad u bukooday. Xertiisii waxay filayeen in Ciise saaxiibkii uu saaxxiibkii uu bogsiin doono,siduu u bogsiiyay kuwoo badan oo kale.laakiin Ciise si ula kac ah uma bogsiin saaxiibkii siduu u bogsiiyay kuwoo kale oo badan , KQ waxaa ku qoran:
Ciise Masiixi wuxuu wajahay dhimasho
axaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.
Yooxanaa 11: 1-44
2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.
3 Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.
4 Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.
5 Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.
6 Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.
7 Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.
8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?
9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan.
10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.
11 Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.
12 Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.
13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada.
14 Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.
15 Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno.
16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
17 Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.
18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.
19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
20 Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.
21 Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
22 Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo.
23 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.
24 Maartaa ku tidhi, Waan garanayaa inuu kici doono wakhtiga sarakicidda ee maalinta u dambaysa.
25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.
26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
27 Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.
28 Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.
29 Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay.
30 Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.
31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.
32 Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.
34 Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.
35 Ciise waa ooyay.
36 Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.
37 Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la’aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
38 Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.
39 Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.
40 Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?
41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.
42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay.
43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.
44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.
Walaalahii waxaay rajeeynayeenn in uu Ciise Masiix dhaqso ugu imaan doono si uu walaalkood u bogsiiyo. Ciise Masiix safarkiisii dib ayuu u dhigay isagoo ujeedadiisa ahayd inuu ogolaado inuu Laasaroos dhinto,cid fahmi kartay ma jirin sababta.Laakiin tusaalahan waxaan ku arki karnaa qalbigiisa oo waxaan aragnay inuu xanaaqay.Laakiin yuu u xanaaqay? Ma Walaalaha? Ma Dadkii badnaa? Ma Xerta? Ma Laasaros? Maya, wuu u xanaaqay dhimashada lafteeda. Sidaasoo kale tani waa mid ka mid ah labadii jeer ee uu Ciise Masiix Ilmooday ee la og yahay.Muxuu u ooyay?Sababtuu u ooyay waxay ahayd isagoo arkay saaxiibkiis oo dhintay.dhimashada xanaaq ka badan am aka daran ayay Ciise ku keentay.
Bogsiinta dadka xanuunsan, waa sida ugu wanaagsan, oo taasina waxay dib u dhigtaa dhimashadooda. Ha bogsiiyo ama yuu bogsiinin geerida ama dhimashada dadka oo dhan waay dhintaan,Ha fiicnaado ama ha xumaado,rag ama dumar duq iyo dhalinyaro ,culumo iyo midaan ahaynba.Dhimashadana waxay run noqotay tan iyo ilaa Aadam, kii u dhintay caasinimadiisa darteed. Farcankiisii oo dhan, aniga iyo adiguba waan ku jirnaa, waxaana gacanta ku qabtay cadaawe – geeri. Wax Geerida ka soo hor jeeda waxan dareemeynaa inaanay jirin jawaab,rajo laaan.Marka uu jiro xanuun waxan yeelanaa rajo waana sababta walaalahii Laasroos ay u rajeynaayeen inuu bogsoonayo.laakiin markay dhimashada arkeen waxay dareemeen rajo laaan.Sidaasoo kalena inagana waxay noo tahay run.Isbitaalka wuxuu leeyahay rajo laakiin xabaashu rajo ma laha.Dhimashada waa cadaawaheena ogu dambeeya.Tanina waa miduu ciise masiix u yimid inuu naga difaaco waana miduu siduu u cadeeyay walaalahii ama ogu sheegay isagoo leh:
Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha.
Yooxanaa 11:25
Ciise Masiix wuxuu u yimid inuu dhimashada babiiyo oo uu nolosha siiyo kuwa doonaya oo dhan. Wuxuu awoodiisa ku tusay hawshiisa isagoo Laasaroos si cad oga soo sara kiciyey dhimashada. Wuxuu dhammaan dadka oo dhan u bixiyay si isku mid ah mid kasta oo doonaayo halkuu ka dhiman lahaa inuu noolaado.
Jawaabahii Nebiga
Iyadoo dhimashadu ay dhimashada tahay cadowga ugu dambeeya ee dadka oo dhan, inteena badan waxay qabsadaan oo haysta ‘cadowayaal’ yar, oo ka dhasha isku dhacyada siyaasadeed, diimeed, qowmiyadeed iwm ee ay sii wadaan kuwaa nagu xeeran waqtiga oo dhan. Sidaasoo kale Tanina waxay run ahayd wakhtigii Ciise Masiix. Jawaabahii ay markhaatiyaasha ka marag fureen mucjisadan waxaan arki karnaa walwalka weyn ee dadyowgii kala duwan ee waagaas noolaa. Waana sidan jawaabahii kala duwnaa sida ku qoran injiilka,waa
45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.
Yooxanaa 11: 45-57
46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.
47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.
48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.
49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan,
50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin.
51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono,
52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan.
53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.
54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.
55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan.
56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?
57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
Sidaa daraadeed xiisaddii ayaa kacday. Ciise Masiix wuxuu caddeeyey inuu yahay ‘nolosha’ iyo ‘sarakicida’ wuxuuna ka adkaday geeri nafteed. Hoggaamiyaashu waxay u dhigeen shirqool ay doonayen inay ku dilaan. Qaar badan oo dadkii ah ayaa rumaystay, laakiin kuwa badan waxay garan waayeen waxay rumaystaan. Way fiicnaan lahayd inan isweydiina haddii aan markhaati ka nahay Sara kicintii Laasaros oo ah waxaan samayn lahayn inaan doorano. Ma waxaan la mid nahay Farrisiinta , oo xoogga saaraya khilaafyada qaar oo si dhaqsa ah lagu lagu hilmaamayo Taariikh,iyo oo la waayo ka soo sara kicintii dhimasha? Mise ma waxan rumeyneynaa isaga oo aan rajadeena saaranaa sara kicinta uu bixiyo, xitaa haddaannan dhammaan wada fahamsanayn? Jawaabihii kala duwanaa waxaa dib loogu soo qoray waana isla jawaabihii laga bixiyay dalabkiisii ee aan maanta ka bixinay.
Khilaafaadkan ayaa sii kordhayay markii ay Iidda Kormaridda soo dhowaatay – isla dabaal dagii uu Nebi Muuse bilaabay 1500 sano ka hor taasoo ahayd calaamad kormarida dhimashada. Injil wuxuu sii waday oo muujiyay siduu Ciise Masiix u go’aansaday inuu howshiisa ku fuliyo iyadoo laga adkaanayo geerida iyadoo la caawiyo qof ka fogaaday dadka kale sida isagoo ‘khaa’in’ ah.