Skip to content

Kanu waa sabuur Daa’uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Ayeled Shaxar.

22 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid,
Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
Laakiinse adigu quduus baad tahay,
Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa’iil.
Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen,
Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen,
Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo,
Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey,
Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay,
Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow,
Qof i caawiyaana ma jiro.
12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan,
Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13 Afkooday iigu fureen,
Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen,
Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale,
Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale,
Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay,
Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo,
Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha,
Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa,
Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18 Dharkayga bay qaybsadaan,
Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan,
Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta,
Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa,
Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga,
Farcanka Yacquubow, sharfa isaga,
Oo kuwiinna Israa’iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa,
Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii,
Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow,
Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan,
Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga.
Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga,
Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan,
Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan,
Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30 Farcan baa isaga u adeegi doona,
Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan
Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.