Skip to content

Calaamad Luudh -Quraanka

Calaamad Luudh – Tawreed

AL-A’RAF (ah Suurada 7:80-83)

 

Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad la imaanaysaan Xumaanta uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah.

Idinku waxaad u Tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed Haweenka ka sokow, waxaadse tihiin qoom Xad Gudbay.

Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye.

Waana Korinay Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku hadhay.

Hud ( 11:77-83)

markay Malaa’igtaan soo diray u timid Nabi Luudh wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi tani waa Maalin daran.

waxaana yimid Qoomkiisii oo u deg degi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala Xumaan, wuxuuna yidhi Qoomkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dhahiran ee ka dhawrsada Eebe bana igu dullaynina martidayda miyuusan Nin rashiida «fiican» idinku jirin.

waxay dheheen waaad ogtahay inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay waxaannu dooni.

wuxuu yidhi Nabi Luudh haddaan xoog idiin leeyahay ama u dumi tiir adag (waan idin ciqaabi lahaa).

waxay dheheen (Malaa’igtii) Luudhow waxaan nahay farriintii Eebahaa dhibna kuma gaadhsiinayaan ee Guuri Ehelkaaga qayb habeenka ka mida dibna hasoo dayina haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa ku dhacaya ballankooduna waa subaxa miyuusan subuxu dhawayn.

markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan.

lagu calaameeyey Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka fogna ma aha.

 

 

Bilowgii 19:1-26

Oo labadii malaa’igood baa Sodom fiidkii yimid; Luudna wuxuu fadhiyey iridda Sodom. Oo markuu Luud iyagii arkay ayuu u kacay inuu ka hor tago; wuuna sujuuday oo wejigiisuu dhulka saaray; oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, sayidyadaydiiyow, soo leexda, waan idin baryayaaye, oo gala guriga addoonkiinna, oo caawa oo dhan jooga, oo cagamaydha. Aroortii baanad kici doontaan oo iska tegi doontaane. Oo waxay ku yidhaahdeen, Maya; laakiin jidkaannu joogaynaa caawa oo dhan. Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen. Laakiinse intaanay jiifsan ka hor, waxaa gurigii hareereeyey nimankii magaalada, oo ahaa nimankii Sodom, yar iyo weynba, dadkii oo dhan oo ka yimid meel kastaba; oo Luud bay u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeye nimankii caawa kuu yimid? Dibadda noogu soo bixi iyaga, aannu fuulnee. Oo Luudna dibadduu ugu baxay iyagoo albaabka jooga, albaabkiina wuu xidhay. Oo wuxuu yidhi, Waan idin baryayaaye, walaalahayow, ee wax sidaas u xun ha samaynina. Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga. Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan. 10 Laakiinse nimankii baa gacmahoodii soo bixiyey, oo Luud bay gurigii soo gashadeen, markaasay albaabkii xidheen. 11 Wayna indho tireen nimankii guriga albaabkiisa joogay, yar iyo weynba: oo saas daraaddeed way ka daaleen inay albaabkii helaan. 12 Oo nimankii waxay Luud ku yidhaahdeen, Intan mooyaane wax kale ma ku leedahay meeshan? Wiil aad soddog u tahay iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo ku alla kaad magaalada ku leedahay kala soo bax meeshan; 13 waayo, meeshan waannu baabbi’in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi’inno. 14 Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi’in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya. 15 Oo markii waagii beryay ayaa malaa’igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba’daane. 16 Laakiin markuu raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda. 17 Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba’daaye. 18 Luudna wuxuu ku yidhi iyagii, Sayidkaygiiyow, saas yaanay noqon. 19 Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa. 20 Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa. 21 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal eeg, waxanna waan kaa aqbalay inaanan rogi doonin magaaladii aad ka hadashay. 22 Dhaqso, oo halkaas u baxso; waayo, waxba ma aan samayn karo ilaa aad halkaas tagto. Sidaas daraaddeed magaalada magaceeda waxaa loo bixiyey Socar. 23 Markii Luud Socar yimid ayaa qorraxdu dhulka u soo baxday. 24 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sodom iyo Gomora ku soo daayay baruud iyo dab ka yimid xagga Rabbiga oo samada ka soo daatay; 25 wuuna rogay magaalooyinkaas, iyo Bannaankii oo dhan, iyo dadkii degganaa magaalooyinkaas oo dhan, iyo wixii dhulka ka soo baxay oo dhan. 26 Laakiinse naagtiisii oo daba socotay ayaa dib u eegtay, waxayna noqotay tiir cusbo ah.