Skip to content

Maalintii Kafaaraggudka

16 Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka. Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah. Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa. Oo ururka reer binu Israa’iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo. Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa. Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow. Oo markaas Haaruun waa inuu labada orgi saami u kala ridaa, oo saami kan Rabbiga ha ahaado, saamiga kalena kan Casaaseel ha ahaado. Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa, oo qurbaan dembi u bixiyaa.10 Laakiinse orgigii saamigu ugu dhacay Casaaseel waa in isagoo nool Rabbiga hortiisa la taagaa si kafaaraggud looga kor sameeyo, oo Casaaseel aawadiis cidlada loogu eryo. 11 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo. 12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa. 13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane. 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer. 15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba. 16 Oo isagu waa inuu meesha quduuska ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa’iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda. 17 Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa’iil oo dhan. 18 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa’iil. 20 Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa. 21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa’iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan. 22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda. 23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa, 24 oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba. 25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa. 26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa. 27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa.28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.

29 Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba, 30 waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa. 31 Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira. 32 Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah. 33 Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan. 34 Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa’iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.