Skip to content

Calaamad Ibraahim – Quraanka

Calaamad Ibraahim – Tawreed

ah Suurada 37: 83-84, 99-101 (As-Saffat)

 

83. Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim.

84. Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey).

99. Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin.

100. Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo).

101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.

 

Bilowgii  15:1-6

Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla’aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya. Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid. Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.