Skip to content

Ciise Masiix Waxaa jarabay ama tijaabiyay shaydaan

Suuradda Al-Anfal (Surah 8) waxay noo sheegaysaa sida Shaytanku dadka u tijaabiyo.

 Markuu u Qurxiyey Shaydaanku Camalkooda kuna Yidhi wax idinka Adkaan oo Dada ma jiro Maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay, markay isarkeen Labadii Kooxoodna wuxuu u gurtay Cidhibtiisa, wuxuuna yidhi anugu Bari baan idinka ahay, waxaana arkaa waxaydaan Arkin waxaana ka Cabsan Eebe Ilaahayna waa Ciqaab darane

Suuradda Al-Anfal 8:48

Suuradda TaHa (Surah 20 – TaHa) waxay sharraxaysaa sida Iblis u keenay dembiga Aadan. Waxay sheegaysaa:-

waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn.

Surah TaHa 20: 120

Shaydaanka wuxuu isku dayey inuu xeeladeeyo Ciise Masiix. Injil wuxuu cadeeynayaa aflagaadadiisa imaatinkii Yaxye ka dib, Waxaan aragnay sida nebi Yaxye ugu  yimid dadka inuu diyaariyo ama u sii sheego  imaatinka Masiixa. Farriintiisu waxaay xoogga saareysay in qof walba looga baahan yahay inuu toobad keeno. Injil wuxuu sii wadey inuu sheego in Ciise uu Yaxye (NNKH) baabtiisay. Tani waxay caddeysay in howshii Masiixa sidaay ahayd u bilaabeeysa. Laakiin intuusan bilaabin ka hor shaydaan oo ah cadawgeena wayn  ayaa jarabay ama tijaabiyay Ciise .

Injil wuxuu u sharraxayaa tijaabadan saddex tijaabo ama Jarabaad oo gaar ah oo Shaydaana u keenay Ciise. Haddana aan eegno Jarabaad kasta siday ahayd.(Jarabaadahaa waxaan ku arki doonaa in sheeydaanka  u sheegay Ciise waxa uu yahay oo ah Wiikii Ilaah. Si aad si fiican ogu fahanto  macnaha halkan ka eeg)

 Rootida

  Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo. Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday. Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda. Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado. 

Mataayoos 4: 1-4

Markaan is bar bar dhigno Halkan waxaan ku arakeeynaa  Shaydaanka  Aadan iyo Xaawau jarabayay  Jannada dhaxdeeda. Jarabaadiisa waxaay ahayd isagoo u sheegay in midhaha laga celiyay yahiin kuwoo cunidda ku wanaagsan. Tanina waxaay ahayd  sidii loo jarabay. Jarabaadana Waxaa sababay Ciise oo Soomanaa,oo soonkiisana ahaa joogsi laaan-aan saxuuraneynin-ama aan habeen kasta aan waxba cunaynin intii muddo ahayd,haddaba fikirkan rootiga ayaa ahaa mid la fahmi karo, iyadoo jarabaadani ka duwnayd midii Aadan,oo Ciisana u adkeeystay jarabaadda halka uu aadan ka cunay.

Laakiin waa maxay sababta uu wax u cunin mudada 40 maalmood ah?Injiilka si gaar ah nooguma sheegi,laakiin Axdigii hore wuxuu sii sheegay in adoonka  imaatinaya uu wakiil u noqon doono Yahuudda oo ah qaranka IsraaiilQaranka reer binu Israa’iil, oo ku jiray ama uu maamulaayay nebi Muuse (NNKH), muddo 40 sano ah cidlada dhex wareegayeen oo cunayay cunto la  yiraahdo manna oo sammada oga soo degeeysay. Afartan maalmood ee soonka iyo ka fiirsashada ereyga Eebbe sidii cuntada ruuxiga ahi waxay ahayd astaan ​​dib-u-dhaqan galinta wakhtigaas cidlada ah sidii Addoonkii loo ballanqaaday.

Jarabaadii inuu Ilaah ama Eebbe Tijaabiyo.

Tijaabaddii ama Jarabaadii labaad waxay ahayd mid iyadanana adag.Taasna Injilka ayaa noo sheegaya.

 Markaasaa Ibliisku magaaladii quduuska ahayd geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay,

Malaa’igihiisa ayuu amri doonaa,
Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan,
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.

Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

Matayos 4: 5-7

Sabuurka ayaan ka soo xiganay shaydaan inuu Ciise la jarabayo). Sidaa darteed way cadahay inu Ilaah ka soo horjeedo,Wuxuuna bartay qoraalada xurmada leh si uu u dejiyo wadooyin uu kaga horyimaado. Wuxuu si fiican u yaqaana buugaagta, waana khabiir ku xeeldheer qoraalka.

Waxaan soo saari karaa marin dhameys tiran oo Sabuur ah oo uu sheydaanka ka soo xigtay qayb ka mid ah. (Waxaan hoosta ka xarriiqay qaybta uu soo xigtay).

Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.

Sabuurradii1: 10-14

Waxaad halkan ku arki kartaa in Zabur uu ku saabsan yahay ‘Isaga’, taasoo uu shaydaanka rumeyay in loo yaqaano Masiixa. Laakiin qoraalkaasi si toos ah uma oranayo ama uma sheegayoso’ ‘Masiix’, Sidaa daraadeed sidee buu Shaydaanku u ogaan karaa tan?

Waxaad kale oo aad arki doontaa inuu ‘Isaga’ uu ku tuman doonaa ‘libaaxa weyn’ iyo ‘abeeso’ (v.13 – waxaan galiyay casaan). ‘libaaxu’ wuxuu u taagan yahay qabiilkii reer Yahuudah ee reer banii Israa’iil tan iyo markii nabi Yacquub (NNKH) uu wax ku sii sheegay Towreed:

Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan.
Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda,
Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,
Yahuudah waa libaax dhashiis.
Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay.
Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar,
Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?
10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah,
Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto;
Ilaa Shiiloh yimaado;
Dadkuna isagay addeeci doonaan.

Bilowgii 49: 8-10

Yaquub oo nabi ahaa ayaa 1700 CH towered ku sheegay in qabiilka reer yahuudiya ay la mid yahiin Libaax ka yimid `isaga` kaasoo imaan doono oo isaga ku xukumi doono.Sabuurka oo waxsii sheegidiisa sii watay,isagoo cadeeynaya isaga inuu ku tuman doono `Libaaxaa`,Sabuurka ayaa yiray isaga inuu noqon doono xukumaha ah Yahuudiya.

Fariintaa sabuurka ah ee uu shaydaanka ku hadlay ayaa sidaasoo kale ku sheegtay `Isaga` inuu burburin doono abeesada.Tanina waa cadeeybta tooska ah ee ogu horeeysay oo Ilaah ballanta ku qaaday oo uu aadan u sheegay in farcanka naagta uu burburin doono abeesada. Mar kale waxan idiin haynaa Jaantuus cadeeynaya dabeecadahii iyo ficiladii ballantii ogu horeeysay.Sidaa daraadeed Ilaaha rabbiga wuxuu abeesadii ku yiri:-

Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi,

 15 oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.

Bilowgii 3: 15

Ballanqaadkan waxaa markii ugu horreysay la siiyay  Adam, laakiin faahfaahintu markaas ma aysan caddayn. Hadda waxaan ognahay in ‘Naagtu’ tahay Maryan waayo iyadu waa qofka keliya ee dhashay dhadig la’aanteed – waxay ahayd bikrad. Haddaba carruurteeda, waa isaga oo loo ballanqaaday hadda waxaan ognahay inuu yahay Ciise al-Masih (NNKH). Marka waxaan magacyadan ku soo daray shaxdan. Sida aad ka arki karto jaantuskan, ballanqaadkii hore ayaa sheegay in Isa al Masih (the ‘he’) uu burburin doono abeesada. Wax sii sheegidda ku jirta Zabur oo Shaytan soo xigtay ayaa ku celisay tan markay tiri

Libaaxa weyn iyo abeesadaad ku burburin doontaa. (v13)

Shaydaanka wuxuu ka soo xigtay Zabur taas oo iyana jeedinaysa labadan waxsii sheegyada hore ee Taurat ah in ‘uu’ imanayo kaas oo amri lahaa addeecida oo burburin Shaytan (maska). Shaytan wuxuu ogaa in aayadaha uu soo xigtay Sabuur ay tixraacayaan Masih inkasta oo aysan dhihin ‘Masih’. Shaytanku wuxuu isku dayay inuu iskudaydo inuu sidan u fuliyo qaab qaldan. Waxsii sheegyadaan ka socda Zabur iyo Towteed waa la fulin doonaa, laakiin ma aha Ciise (NNKH) inuu ka boodboodo macbudka si uu u soo jiito naftiisa, laakiin adoo raacaya qorshaha, ayadoon loo jeedin, ayaa shaaca ka qaaday Toreedka iyo Sabur Eebbe.

Tijaabada Caabudidda

Shaytan wuxuu markaa ku tijaabiyey Ciise waxkastoo uu haysto – boqortooyooyinka adduunka oo dhan. Injil wuxuu sheegayaa:

  Haddana Ibliiskii ayaa buur aad u dheer geeyey, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan iyo ammaantooda. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid. 10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto. 11 Markaasaa Ibliiskii ka tegey, oo waxaa u yimid malaa’igo, wayna u adeegeen.

Matayos 4: 8-11

‘Masiixa’ waxaa loola jeedaa ‘la subkay‘ inuu wax xukumo sidaa darteed Masih wuxuu xaq u leeyahay inuu wax xukumo. Shaytan wuxuu ku tijaabiyey Ciise (NNKH) wixii saxda ahaa, laakiin Shaytan wuxuu ku tijaabiyey inuu marin habaabin qaldan ka qaato xukunkiisa, wuxuuna ku tijaabiyey Ciise (NNKH) inuu caabudo si uu u helo – taas waa shirkada. Ciise wuu iska caabiyey Shaytan tijaabadiisa, (mar labaad) isagoo xiganaya Taurat. Isa al Masih (NNKH) wuxuu Taurat u arkay inuu yahay buug aad muhiim u ah oo sida muuqata si fiican u yaqaanay kuna aaminay.

Ciise oo ah – qof na fahmaya

Muddadan jirrabaadda Ciise (NNKH) aad ayey muhiim noogu tahay. Injiilkana wuxuu wax inooga sheega Ciise:-

Muddadan jirrabaadda Ciise (NNKH) aad ayey muhiim noogu tahay. Hargaha wuxuu sheegayaa ku saabsan ciise

Cibraaniyada 2:18

  15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn. 16 Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.

Cibraaniyada 4: 15-16

Xusuusnow Haruun (NNKH) sidii  uu Wadaadka Sare ogu keenay allabaryo si reer binu Israa’iil ay u helaan cafis. Hadda Ciise (NNKH) si la mid ah ayaa loo arkaa inuu yahay Wadaadka Sare oo na nooga noolaan kara oo na fahansiin kara – xitaa wuxuu inaga caawiyaa tijaabooyinkeena, si sax ah maxaa yeelay isaga laftiisu waa la jirrabay – oo haddana dembi ma lahayn. Markaa waxaan ku kalsoonaan karnaa Allah hortiis Isxaaq (NNKH) isagoo u ah wadaadkeena sare maxaa yeelay wuxuu maray tijaabooyinkii ugu adkaa laakiin waligii isma dhiibin oo dembaabin. Isagu waa qof na fahansada oo naga caawin kara tijaabooyinkeena iyo dembiyadeenna. Su’aashu waxay tahay: Had ma ayaaynu fasixi doona?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *