Skip to content

Ciise Masiix wuxuu badbaadiyay Khaa`inul wadan

Suuradda Ash-Shuraa (Suuradda 42 – La Tashi) Ayaa noo sheegeysa

kaasi waa midka ugu bishaareyn Eebe addoomihiisa ah kuwa rumeeyey (xaqa) camal fiicanna falay, waxaadna dhahdaa Nabiyooy maydin warsanaayo ujuuro xaqa gaadhsiintiisa oon ahayn jacayl qaraabanimo, ruuxii kasbada wanaagna waxaannu u siyaadin wanaag, Eebana waa dambidhaafe mahdiyo.

Suuradda Ash-Shuraa 42:23

  Ee (Eebana) wuxuu ajiibaa kuwa rumeeyey xaqa oo camal fiican falay wuxuuna u siyaadiyaa fadligiisa, gaalana waxaa usugnaaday cadaab daran.

Suuradda Ash-Shuraa 42:26

Sidoo kale Suuradda Al-Qasas (Suuradda 28 – Sheekooyinkii) ayaa cadeeysay

Laakiin qofkasta oo (noloshan) ka toobad keenay, rumeeyay, oo samayay, wuxuu rajayn doonaa inuu ka mid noqdo kuwa badbaadada gaadha

Suuradda Al-Qasas 28:67

Laakin waa maxay haddaanan ‘u shaqeeynin si Xaqnimo ah’, sameeyno‘Camal wanaagsan’ oo aan ku dhacno adeeg wanaagsan?  sharcigii Muuse ayaa sharaxaya addeecidda buuxda ee loo baahan yahay iyo ‘ciqaabta xun’ ee qof kasta oo ku dhaca wax yar, kuwaas oo ay cadeeynayaan aayadahan ku jira Suuradaha Ash-Shuraa iyo Suuradahaha Al-Qasas.Warka wanaagsan ama farxada leh ee Ciise Masiix waxay ahayd arinta ku saabsan dadkaasi oo ah kuwaa seegay camalka wanaagsan ee ay cadeeynayaan aayadahan.Ma waxaad ka mid tahay kuwaa aan u shaqeyneeynin Xanimada dhabta ah?

Ka dib akhri kulunka uu Ciise la kulmay ninka aan u shaqeeynin wax xaqnimadda—Weliba khaa`inka ahaa.

Ciise Masiix Wuxuu nooleeyay oo dhimashada ka soo kiciyay Laasaroos –Isagoo ku cadeeynaya qorshaha shaqadiisa- si uu u burburiyo dhimashada lafteeda.Hadda isagoo ku sii socdo xagga Yuurasalem si uu shaqadiisa u soo dhameys tiro.Jidka maraayo Yerxoow( midka manta ku dhexyaalo Falastiin ee Daanta Galbeed).Maxaa yeelay Mucjisooyinkiisii iyo Wax baridiisii aawadeed Dad badan ayaa u soo baxay si ay u arkaan. Dadkaa isu soo baday waxaa ka mid aha nin taajir ah oo la quudhsaday oo la yiraahdo Saqiyoos.Wuxuu ahaa Taajir maxaa yeelay wuxuu Roomaanka wadanka Yahuudiya xoogga ku haystay u uruurinaayay Cashuur.Wuxuu aruurin jiray cashuur ka badan intaay Roomaanka doonayeen,oo inta dheeraadka ahina isaga ayaa qaadan jiray.Waxaa quursaday Yahuudii maxaa yeelay,in kastoo isaga laftiis ahaa Yahuud,Wuxuu u shaqeyn jiray Roomaanka wadanka haysta isagoo sidaas ah ayaa haddana dadkiisa qiyaaneynayay. Dadkiisa wuxuu ula muuqday sida mid Khaaimaya dadkiisa.

Sidaadaraadeed Saqiyoos Gaabnidiisa awadeed wuxuu dadkii buuxay ka arki waayey Ciise,mana jirin qof ogolaa oo caawinaayay isaga.Injiilka ayay ku qoran tahay siduu Ciise kula kulmay iyo siduu yiri waa:

ad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,
2 siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey.
3 Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te’ofilosow sharaf weyn lahow,
4 inaad garatid hubniintii hadalkii lagu baray.
5 Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.
6 Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla’aan ku socon jireen.
7 Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da’weynaayeen.
8 Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,
9 sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.
10 Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.

Lukoos 19:1-10

Dadkii waxaanay jaclaysanin waxa uu Ciise sameeyay iyo casuumaada uu Saqiyoos ku casuumay gurigiisa.Saqiyoos wuxuu ahaa mid xun oo qof weliba yaqaano.Laakiin Saqiyoos wuxuu is ogaaday inuu dambiile yahay. Inteena badan waan qarinaa dambiyadeena,ku daboolno ama iska dhignaa inaanan dambi lahayn.Laakiin Saqiyoos sidaa ma ahayn. Wuxuu sheegay waxa uu sameeynayo inay yahiin qalad. Talaabadii ogu horeeysay ee uu qaaday inuu Ciise la kulmo,Ciise Jawaabtiisii waxay ahayd mid diiran oo cid weliba ka yaabisay.

Ciise Masiix wuxuu Saqiyoos ka doonayay inuu toobad keeno, ka fogaado dembiga, oo uu u soo jeesto xagiisa sida ‘Masiixa’. Saqiyoos  markuu sameeyay sidan wuxuu arkay inuu Nebiga saamaxay isaga.isagoo cadeeyay inuu ka badbaaday lunsanaantii uu ku dhex jiray.

Ka waran aniga iyo adiga xaalkeena? Caadi ahaan waxaan u maleeynaynaa inaanan sameeynin wax ceeb ah sida Saqiyoos oo kale ah.laakiin inagoo aan ahayn kuwoo aan xumeyn, Waxan Maleyneynaa, Sida Aadan oo kale, inaan qarin karno, dabooli karno ama iska dhignaa inaan ka fognahay ‘Dambi yar iyo Qaladaad aan sameynay.Waxaan rajeeynaynaa inaan sameyn karno waxyaabo wanaagsan oo ku filan inaan ku bixino falalkeena xun. Taasi waa waxa dadkii badnaa ee u yimid inay arkaan fikirkiisa nebiga. Sidaa darteed, Ciise iskama tagin mid kasta oo ka mid ah guryahooda, mana uusan sheegin in mid ka mid ah uu ‘badbaaday’ keliya Saqayoos. Aad ayey noogu fiican tahay inaan dambiyadeena ku qiranno Iaah hortiisa oo aan isku dayin inaan qarinno.

Markaa markaynu nafteennu u helno  naxariistii Masiixa waxaan ogaan doonnaa in saamaxaada  iyo cafiska la ina siin doono  ka badan tahay waxan qiyaasi karno.

Laakiin sidee ayaa loo tirtiri karaa falalkiisii ​​xumaa ee Saqiyoos si uu u lahaado dammaanad qaadka cafiskaas isla waqtigaas – isaga oo aan sugin Maalinta Xukunka? Waxaan raacaynaa Ciise  intii uu u socday Yeruusaalem si uu u dhammaystiro howlgalkiisii ama himiladiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *