Skip to content

Maalinta 7 – Sabtida nasashada ah

Ciise Masiix waa la khiyaameeyay oo iskutallaabta lagu qodbay maalinta Quduuska ah eeYuhuudda ee Iidda Kormaridda, oo hadda loo yaqaan Jimcaha Wanaagsan.  Iiddii Kormaridda waxay bilaabatay fiidkii Khamiista markii ay qorraxdu dhacday oo ay dhammaatay Jimcaha markii ay qorraxdu dhacday – maalinta 6 ee toddobaadka.  Dhacdadii ugu dambaysay maalintaas waxay ahayd aaskii Ciisahiii dhintay.  Injiilku waxaa ku qoran siday arkeen haweenkii Ciise raacay.Sida ku qoran

  55 Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.
56 Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.  

Luukos 23: 55-56

Haweenku waxay doonayeen inay diyaariyaan meydka Ciise laakiin waqtigu wuu idlaaday oo sabtidu waxay bilaabatay fiidkii jimcaha markay ahayd qorax dhaca.  Tani waxay ahayd maalintii 7aad ee todobaadka Yuhuuddana looma oggolaan inay shaqeeyaan maalintan.  Amarkani wuxuu dib ugu noqday qoraalkiii abuurista ee Tawreedka.  Eebe wax walba wuxuu ku abuuray 6 maalmood gudahood.  Sida ku qorani:

  amada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba.
2 Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.

Bilowgii 2: 1-2

Sidaa darteed dumarku in kastoo ay doonayeen inay jidhkiisa diyaariyaan, way u hoggaansameen Tawreedka wayna nasteen.

 Laakiin wadaaddada sare shuqulkoodii waxay sii wadeen sabtida.  Injilku waxaa ku qoron kulamadii ay la yeesheen guddoomiyaha.

  62 Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,
63 oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa’inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.
64 Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.
65 Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.
66 Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

Matayos 27: 62-66

Maalintii sabtida ahayd ayay wadaaddadii sare arkeen iyagoo ku ilaalinaya meydka qabriga.  Meydka Ciise wuxuu ku nastay geerida halka haweenkuna ku nasteen addeecid maalintaas sabtida ee todobaadka barakaysan.  Jadwalku wuxuu muujinayaa sida ay u nasteen maalintaas oo u ekeyd maalintii 7aad ee Abuurista halkaasoo Tawreedku sheegayo in Eebbe ka nastay Abuurka.

Sabtidii ku Nasashada dhimashada ee Ciise Masiixa.

Laakiin tani waxay ahayd nasasho aan xasilloonayn kahor soo-bandhigidda awoodda.  Suuradda al-Fajr (Suuradda 89 – Waag beri) waxay na xusuusinaysaa sida ay muhiimka u tahay  waa beriga habeenka madow ka dib.  Nasashada maalinta waxay u muujin kartaa waxyaabo la yaab leh ‘kuwa wax fahmay’.

By maalinta nasashada

Waxaan ku dhaartay Habeennada laba jeer shan;

Isaga oo siman oo aan caadi ahayn (ka duwan yahay);

Iyo Habeenku markuu tago.

Miyayna kujirin waxyaalahan dhaar (ama caddeyn) kuwa caqliga leh?

Suuradda al-Fajr 89: 1-5

Maalintii  xigtay guul la yaab leh ayaa dhacday sida aan halkan ku aragno.

 Waxaan aragnaa waxa ay muujinayaan fasaxa maalinta xigta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *