Calaamad Ibraahim – Quraanka | Calaamad Ibraahim – Tawreed |
ah Suurada 37: 83-84, 99-101 (As-Saffat)
83. Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. 84. Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). … 99. Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. 100. Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). 101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.
| Bilowgii 15:1-6Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa. 2 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla’aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. 3 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya. 4 Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid. 5 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. 6 Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. |