Waxa aan leeyahay saxiibo fara badan oo Muslimiin ah. Waayo aniguba waxa aan ahay qof Ilaahay (Swt) yaqaana oo rumeysan, waxa anaan amiinsanahay Injiilka. Waxa aan inta badan saxiibahayga Muslimiinta ah ka wada sheekaysana amminaada iyo Iimaanka. Marka aad runtii eegto waxa yaabo fara badan ayaan iskaga mid nahay, in ka kabadan dadka reer galbeedka qaar ka mid ah oo Ilaahay (Swt)aan rumeysnayn ama aan u arag rumeysiga Ilaahay ( Swt) inu noloshooda sameyn karo.
Laakiin marka aay sheekooyin diinta kus saabsam na dhex maraan aniga iyo saxiibadeyda Muslim ka ah in aay ku andacoodan in Injiilka la badalay (Kitaabka Quduuska ah), ama la musuqmasuqay, arintaasina waxa aay tusaysa marka in Kitaabka Quduuska ah aan la aamini Karin oo khalad badanii ku jiro oo anay sax ahay waayo waxa lagu andacoonayaa in laga badalay sidi aay Nabiyaashi ama dadki Ilaahay (Swt) rumeysanayeen aay qoreen marku Ilaahay (Swt) uu uso waxyooday iyaga.
Tani waxa aay ka dhigan tahay inaanay ahayn arin yar oo fuduud, waayo macanaheedu waxa uu yahay inaan laba aamini karin Kitaabka Quduuska ah oo ah ereygiii Ilaahay (Swt). Anigu waxa aan akhriya Kitaabka Quduuska ah iyo Quraan Kariimka ah labadaba, waxa kale oo aan dhigta Sunahaa. Waxa aan aad ula dhakafara dadka ka shakisan Kitaabka Quduuska ah sida ugu badan aduunka maanta, laakin aad uguma dhakafaro Quraanka. Runtii, Waxa aan aad ugu dhakafaraa sida Quraanku uga hadlo Kitaabka Quduuska ah. Runtii waxa an raba inaan halkan ku so koobo waxa aan ugu jeedo waxan oo dhan aniga oo so xiganayaa Quraanka uu turjumay Yusuuf Cali).
Maxaa uu Quraanku kaga Hadlayaa Kitaabka Quduuska ah (Towreed, Sabuur iyo Injiilka).
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah. ( Suratul Maaidah: 68) ( waxa kale oo aad fiirisa Suratul an- Nisa, ayada 136)
Haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya.
Suratul Yoonis: 94.
Tani waxa aay ku tusaalaynaysan in waxayiga uu Ilaahay (Swt) u dhibay ‘ Dadka Kitaabada rumeysan’ ( Sida Masiixiyinta ama Yahuuda) aay tahay waxay kayimd Ilaahay (Swt) .
Hada saxiibadayeda Muslimiinta ah waxa aaay yirahdaan tani waxa aay ka dhigan tahay waxayigii hore ee runta ah ee Ilaahay ( Swt) soo dejiyeey, laakiin hadi la badalay macnihii ereygii Ilaahay (Swt) soo dejiyeey waxa aay ka dhigan tahay inaan maanta laysku halayn karin Kitaabadii ka horeyey Quraanka. Laakiin qaybta labaad ee ayadaha kor ku xusan waxa aay sheegaysa oo aay cadeynaysa in uu eryega Ilaahay [Swt] yahay joogto ee aanu aheyn ficil tagay.
Kama hadlayso waxaygii asalka aha laakiin markii waxayigaa Quraanka uu yimid. Waxa Quraanka lagu soo dejiyeey nabi Muxammad [S.c.w] wakhati fara badan ilaa 600 A.D. Marka waxa aay ka dhigantahay in uu Kitaabka Quraanku cadeynayo in kutubada Yahuudu aay jireen xiligii 600 A.D kutubta kalena waa la mid. Halkan hoos ka eeg wixi cadeyna ah sida Quraanka ku qoran:
waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn ( Suratul Al- Nahal 16:43)
Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn
Suratul Al- Anbiyaa :7.
Ayaada sare ku xusan waxa aay ka hadlaysa Rasuuladii ka horeyeey Nabi Muxammad [ S.c.w] Laakiin waxa muhiim ah in ayaadu cadayensayso in fariinta loo soo dhibay Rasuuladii/ Nabiyaashii aay aheyn qaar la isticimalayeey oo la haystay ilaa (600 A.D) dadka rumeysna. Waxana cad inaan Nabi Muxammad [ S.c.w] anu badalin ama aanu musuqmasuqin waxaygii isaga ka horeyeey wakhatigaas uu joogay.
Quraanka Kariimka ah waxa uu cadeynayaa inaan ereyga Ilaahay (Swt) aan la badali karin.
Marka aan dareen weyn ka qaadan in suurta gal aay tahay in Kitaabka Quduuska ah la badali karo / ama wax aan ku jirin lagu dari karo ama laga saari karo taasi Quraanka kariimka ah ma cawinayoo ama ma tageerayo. Bal maskaxda ku ahaay Suratul Maaidah, ayada 68 ( Towreeda… Injiilka… inaay tahay waxayii xaga Ilaahay ( Swt) ka yimiid ee aanu bini’aadan soo dejiniin), fadlan bal akhri ayaad soo socoda:
Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii
Suratul Al- Ancaam :34.
Waxay ku Taam Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle og
Suratul Al- Ancaam :115
Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn
Suratul Yoonis :64.
akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid
Suratul Al-kaahaf :27.
Kadib, hadii aan ku heshiino Nabiyaashii [S.c.w] uu ku xigay Nabi Maxammad (S.c.w) in Ilaahay (Swt) uu u dhibay waxaygiisa sida ku qoran ( Suratul Maaidah: 68-69), oo aay ayadahanii in badan ku celcelinayaan in aan qofna ereyga Ilaahay (Swt) badali karin. Sidee ayeey ku dhacday in dad badan aaminan in qof shaqsiya ama dad aay badali karan Kutubta Ilaahay (Swt) sida Towreeda, Sabuur ama Injiilka ( kitaabka Quduuska ah)? Hadii aad Quraanka akhrido waxa aay ka dhigantahay inaad xatta dafirto Quraanka laftiisa oo ka hadlayaa inaan ereyga Ilaahay ( Swt) la badali karin.
Run ahaantii, fikrada ah in waxayiga Ilaahay (Swt) soo dajiyeey kuwi hore iyo kuwii danbe la kala sooco oo qar la yidha waa la badalay, taasi oo Quraanka ugu danbeyeey anu marna taagerayniin fikradaas.
waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe ( Suratul Al- Baqarah: 136) ( Waxa kale oo aad fiirisa Al- Baqarah : 285).
Sidaa daradeed waa inaynaan kala soocin waxayiga Ilaahay (Swt) iyo Kutubtiisa. Waa inaan dhamaan wada barana oo aan akhrisana kutubtiisa. Runti, waxa aan kula taliyaa Masiixiyinta inay Quraanka bartan sido kale waxaan Muslimiinta kula taliyaa inay Kitaabka Quduuska bartaan.
Waxa aay u bahantahay in la barto Kutubta Ilaahay wakhti iyo dhiirigelin badan. Su’aalo fara badan ayaa ka so bixi. Runti waa arin faa’iido badan ino leh inta aan aduunka joogno in aan barano Kitaabada Ilaahay (Swt) ku so dejiyeey Nabiyashii oo dhan. Anigu hadii aan shaqsi ahaan iska hadlo in badan ayeey igu qadaatay inaan barto kutubta Ilaahay (Swt), su’aalo farabadana maskaxdeyda ayeey ku dhasheen, laakiin waxa weyn ayaan ka faa’iidaystay Ilaahayna (Swt) wuu igu barakeyeey.
Run ahantii waxa aan filayaa inaad wax badan ka baran doonto maqaalka shabakadan https://al-injil.net/. Laga yaabee in meesha ugu horeysa ee casharkaga aad ka bilaabi karta yahay maqaalka ah maxuu xadiiskii Nabi Maxammad (S.c,w) ka leyahay isticimaalka iyo barashada Towreeda, Sabuurka iyo injiilka ( Kuwaas oo marka laysku daro la yira Kitaabka Quduuska ah).
Haa waalabadaly anaa daliil haayo in lanasaqay
Waan kugu raacsanahay
Saaxiib quraanka in aad qayb daliishato oo u keensato adigoo doonaya in aad bible-ka uga dhigto daliil oo sidaad u rabto noogu soo gudbiso qaybna aad diido oo ka tagto lama ogola, quraanka waxaa soo daliilsan kara oo kaliya qof rumaysan. Alle (swt) wuxuu ku leeyahay quraanka (qofkii diinta islaamka diin aan ahayn ka diin dhigta lagama aqbalayo ,Aakhirana kuwa khasaaray ayuu ka mid noqonayaa) wuxuu kale Alle quraanka ku yiri (ma rumaynaysaan kitaabka qaarkii mana beenineysaan qaar,qofka saa yeela abaalmarintiisu in lugu duleeyo aduunka dhexdiisa aakharana cadaab daran in loo celiyo maaha ee wax kale ma aha) , hadaba saaxiib arinka aad ku jirto ka joog diinta xaqa ah oo diimaha ugu danbeysey oo rasuulka muxamed nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee lugu soo dejiyey raac oo rumee inta goori goor tahay.
Waad ku mahadsan tahay comment. Laakiin waxa aad sheegayso ma khilaafsana fekradda ah in buugaagta oo dhan waa in la bartay by Eebe Mu’miniinta
Xuseen iyo ragoborn..fadlan ila aqriya
Xuseen waan kuugu raacsanahay..100%
Sh. Axmed Deedaat baa wuxuu sheegay in 50,000 khalad laga helay buugga bibalka..kii Injiilka mar hore yaa lafaha loo qaaday…way u socon waysay illeyn Muxammad RasuuluLLaah SCW inuu imanayo yaa ku qornaa…bal hadda
fadlan ka jawaab deh su’aalahan halkaa kugu soo qoray…
waxan kuu sii raacinayaa…
waligiinna waa waxa ciisa been ku sheegtoo dhan ma ka soo saari kartaan hal mar uu CIISAA CSW ku baybalka (waayo injiil waa kitaabkii saxa ahaa, waatii ay qidhanayaan inaysanba injiil haysan oo mid baybal la yidhaahdo ay la yimaadeen ma indhahaad ciid noogu shubi?) yidhi: ‘ILAAH BAAN AHAYEE I CAABUDA” fadlan su’aasha u fiirso.. waa Ciisaa CSW oo afkiis ku yidhi… ma doonayno Sh.St paul ama james swegart IWM…
subxaanAllaah!!! bal eeg Allah oo na odhanayo Surah TAHA 14 (Innanii AnAllaah, laa ilaaha -walaa ciisaa walaa buudaa, walaa madaxweyne, notaayo, hanti- illaa ANA facbudnii wa aqimis-salaata lidikrii) macaan badanaa Allahu Akbar…
http://quran.com/search?q=%D8%A7%D9%86%D9%86%D9%8A%20%D8%A7%D9%86%D8%A7%20%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87
ila fiiri Qur’aan aayadahiis siduu u habaysan yahay.. Surah Maryam (CS) oo siday u badan tahay aayadaha ay ku dhammaadaan (يا) suurat Taha (ى) surah al-insaan oo laba kor dhig ku dhammaata,
surah shams oo ku dhamaata (haa)…ma sii wadaa mase waad isku noqon..sidaasaana kuu wanaagsan aniga iyo adigaba inaa Allah addoon u ahaano, oo Ciisaa maskiinka inaanan nabin oo wuxuusan dhihin madaxa aydaan u galinin…Isaga CSW xittaa wuxu yiri suurat Maryam (Qaala Innii CabduLLaahi aataaniyal kitaaba wajacalanii nabiyyaa) micnuhu ay tahay -waa isagoo naas nuug ah sidii aniga iyo adiga markaan yareyn oo nappiga na loo galin jirayba yaa Allah ku hadalsiiyay inuu hooyadiis maskiinta u marag kaco inay mucjizo ku dhashay markii dadka tawraatka sheegan jiray ku nabeen ina zina ay ku dhashay…nacuudu biLLaah…-wxana kaga sii daran in uu loo nasabay ciisaaha karishtaanka caabuda 60 aabe iyo awoowe isku jira oo magaciis la hoos dhigay oo la yiri Yuusuf najjaar baa dhalay!!! aah aaaaah aaaaah xanuun badanaa hadalada Ummad Allah sharafay lagu nabayo wAllah waa WADNA xanuun… micnaha (Wuxuu yiri Ciisaa CWS anigu CabduLLaah adoon Allah yaan ahay kitaaben i siiyay, oona nebina iga dhigay..)
Waad ku mahadsan tahay comment. Laakiin halkan waxa aanu Tawreed reading nebiga Musa (SCW) iyo Quraanka. Miyaanay ahayn in aan Akhrino, in?
Waad ku mahadsan tahay comment. Laakiin aad faalloonaya wax walba marka laga reebo waxa maqaalka waxa uu ka hadlayaa
Walaalayalaalow yaysan idiin sirin dhaldhalaalka dunida , hantida aad ku raadsanaysaan inaad gaalowdaan qabri baa idin sugaya idinkoo haya adduunka oo dhan isku furan karin xagga alle , lacagtan yar way dhamaanaysaa , allaha ha idiin toosiyo oo jidka toosin idinku hanuuniyo isagaa hanuunka hayee, Aamiin,
Asc walalayaal kitaabka saxda ah waa kan ilaahay soo dajiyay ee furqaan Ciise calayhi salaam waa nabi ilaahay waa adoon ilaahay taasna kitaabka quraank Ku aragtaan hadaydaan xaqa iska indho tireenin idinkana wadadi shaydaanka haysaan wuxuuna idinka fariistay wadadi toosneet ilaahay utowbad keena
Aad baad ugu mahadsantey maqaalkan quruxda leh.
Waxaan ahey ruux islaam ah, waanan kugu raacsaney in la barto kutubta Eebe oo dhan, waana dhab in aduunka korkiisa laga heli karo kitubtii ka horeysey Quranka, waxa kaloo dhaba in laga heli kutub badan oo loo eekeysiiyey aheyna ereyga Eebe. Laakiin Eebe wuxuu basharka ku maneystey Garaad iyo Garasho, iyadooy taa dheertey in Aayada ‘miyeydun kaseyn’ ka badanyiin ‘miyeydun aaminin’ saa awgeed waxey ku wacantey in ka hor rumeynta la mariyo qoraal walba Logic&Reasoning sababtoo ah ereyga Eebe mar waa mid la socda Macquuliyada.
Thanks.