Howl galkii Ciise Masiix waxaa ka mid ah soo kicintii Laaseroos

Surada Dukhan (Surada 44 – Qiiqa ama qaca) Waxaay noo sheegeysaa qabiilkii qureeshta ahaa ee diiday fariintii nebi Maxamed iyagoo caqabad oga dhigaayo waxyaabahan soo socdo.

 kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.

SuuraddaDukhan 44:34-36

Waxaay ku xujeeyeen inuu inuu ka soo sara kiciyo qof dhintay si ay fariintiisa runimadeeda u caawiso.  SuuradaAhqaf (Suurada 46 – Dabeesha waxay isku rogeysaa buurta ciidda leh) Waxaay mar kale sheegeysaa caqabad la mid ah oo ka soo wejahday kuwii gaalada ahaa ee waalidkiisa an rumaysan.

 Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba’; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore.

Suurada Ahqaf 46:17

Gaaladii sarakicidda waxaay u arkeen sida quraafaaf maadaama aynan weligeed dhicin.Suuradda Duqaan iyo suuradda Ahqaf  labaduba waxaay tixraacayaan sida ay gaaladii ogu tijaabanayaan ka soo sara kicinta dhimashada ayaa ahayd midaay  nabiga ku baarayaan iyo qasiidada aasaasiga  ah ee dhamaan caasiyiinta.Ciise Masiixina  wuxuu la kulmay baaritaan kuwa ka soo horjeedoay.Labadan tijaabo wuxuu u adeegsaday inuu labaduba ku muujiyo calaamadaha awoodiisa iyo ujeedada howshiisa.

Maxaay ahayd Howlgalka Masiix?

Ciise Masiix ayaa wax baray,oo bogsiiyay oo soo bandhigay mucjisooyin badan.Laakiin suaashii waxaay weli maskaxdooda ku dambeeysay xertiisa,kuwii raacsanaa iyo cadaawahiisii iyagoo leh: muxuu u yimid?  Qaar badan oo ka mid ah nebiyadii hore, oo uu ka mid yahay Nebi Muuse ,sidaasoo kale  waxay soo bandhigeen mucjisooyin xoog badan.  Maadaama horeyba , oo Ciise laftiisa ayaa  wuxuu yidhi “uma imaanin inaan baabi’iyo sharciga”, maxay ahayd waxa loo diray?

 Ciise Saaxiibkii ayaa aad  u bukooday.  Xertiisii ​​waxay filayeen in Ciise saaxiibkii uu saaxxiibkii uu bogsiin doono,siduu u bogsiiyay kuwoo badan oo kale.laakiin Ciise si ula kac ah uma bogsiin saaxiibkii siduu u bogsiiyay kuwoo kale oo badan , KQ waxaa ku qoran:

Ciise Masiixi wuxuu wajahay dhimasho  

axaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.
2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.
3 Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.
4 Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.
5 Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.
6 Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.
7 Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.
8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?
9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan.
10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.
11 Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.
12 Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.
13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada.
14 Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.
15 Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno.
16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
17 Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.
18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.
19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
20 Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.
21 Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
22 Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo.
23 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.
24 Maartaa ku tidhi, Waan garanayaa inuu kici doono wakhtiga sarakicidda ee maalinta u dambaysa.
25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.
26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
27 Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.
28 Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.
29 Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay.
30 Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.
31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.
32 Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.
34 Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.
35 Ciise waa ooyay.
36 Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.
37 Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la’aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
38 Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.
39 Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.
40 Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?
41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.
42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay.
43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.
44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

Yooxanaa 11: 1-44

Walaalahii waxaay rajeeynayeenn in uu Ciise Masiix dhaqso ugu imaan doono si uu walaalkood u bogsiiyo.  Ciise Masiix  safarkiisii dib ayuu u dhigay isagoo ujeedadiisa ahayd  inuu ogolaado inuu Laasaroos dhinto,cid fahmi kartay ma jirin sababta.Laakiin tusaalahan waxaan ku arki karnaa qalbigiisa oo waxaan aragnay inuu xanaaqay.Laakiin yuu u xanaaqay?  Ma Walaalaha?  Ma Dadkii badnaa?  Ma Xerta?  Ma Laasaros?  Maya, wuu u xanaaqay dhimashada lafteeda. Sidaasoo kale tani waa mid ka mid ah labadii jeer ee uu Ciise Masiix Ilmooday ee la og yahay.Muxuu u ooyay?Sababtuu u ooyay waxay ahayd isagoo arkay saaxiibkiis oo dhintay.dhimashada xanaaq ka badan am aka daran ayay Ciise ku keentay.

Bogsiinta dadka xanuunsan, waa sida ugu wanaagsan, oo taasina waxay dib u dhigtaa dhimashadooda.  Ha bogsiiyo ama yuu bogsiinin geerida ama dhimashada dadka oo dhan waay dhintaan,Ha fiicnaado ama ha xumaado,rag ama dumar duq iyo dhalinyaro ,culumo iyo midaan ahaynba.Dhimashadana waxay run noqotay tan iyo ilaa Aadam, kii u dhintay  caasinimadiisa darteed.  Farcankiisii ​​oo dhan, aniga iyo adiguba waan ku jirnaa, waxaana gacanta ku qabtay cadaawe – geeri.  Wax Geerida  ka soo hor jeeda waxan dareemeynaa inaanay jirin jawaab,rajo laaan.Marka uu jiro xanuun waxan yeelanaa rajo waana sababta walaalahii Laasroos ay u rajeynaayeen inuu bogsoonayo.laakiin markay dhimashada arkeen waxay dareemeen rajo laaan.Sidaasoo kalena inagana waxay noo tahay run.Isbitaalka wuxuu leeyahay rajo laakiin xabaashu rajo ma laha.Dhimashada waa cadaawaheena ogu dambeeya.Tanina waa miduu ciise masiix u yimid inuu naga difaaco waana miduu siduu u cadeeyay walaalahii ama ogu sheegay isagoo leh:

 Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. 

Yooxanaa 11:25

Ciise Masiix wuxuu u yimid inuu  dhimashada babiiyo oo uu  nolosha siiyo kuwa doonaya oo dhan.  Wuxuu awoodiisa ku tusay hawshiisa isagoo Laasaroos si cad oga soo sara kiciyey  dhimashada.  Wuxuu   dhammaan dadka oo dhan u bixiyay si isku mid ah mid kasta oo doonaayo halkuu ka dhiman lahaa inuu noolaado.

 Jawaabahii Nebiga

 Iyadoo dhimashadu ay dhimashada  tahay cadowga ugu dambeeya ee dadka oo dhan, inteena badan waxay  qabsadaan oo haysta  ‘cadowayaal’ yar, oo ka dhasha isku dhacyada siyaasadeed, diimeed, qowmiyadeed iwm ee ay sii wadaan kuwaa nagu xeeran waqtiga oo dhan.  Sidaasoo kale Tanina waxay run ahayd wakhtigii Ciise Masiix. Jawaabahii ay markhaatiyaasha ka marag fureen mucjisadan waxaan arki karnaa  walwalka weyn ee dadyowgii kala duwan ee waagaas noolaa.  Waana sidan jawaabahii kala duwnaa sida ku qoran injiilka,waa

  45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.
46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.
47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.
48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.
49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan,
50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin.
51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono,
52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan.
53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.
54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.
55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan.
56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?
57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

Yooxanaa 11: 45-57

Sidaa daraadeed xiisaddii ayaa kacday.  Ciise Masiix  wuxuu caddeeyey inuu yahay ‘nolosha’ iyo ‘sarakicida’ wuxuuna ka adkaday geeri nafteed.  Hoggaamiyaashu waxay u dhigeen shirqool ay doonayen inay ku dilaan.  Qaar badan oo dadkii ah ayaa rumaystay, laakiin kuwa badan waxay garan waayeen waxay rumaystaan.  Way fiicnaan lahayd inan isweydiina haddii aan markhaati ka nahay Sara kicintii Laasaros oo ah waxaan  samayn lahayn inaan doorano.  Ma waxaan la mid nahay  Farrisiinta , oo xoogga saaraya khilaafyada qaar oo si dhaqsa ah lagu  lagu hilmaamayo Taariikh,iyo  oo la waayo ka soo sara kicintii dhimasha?  Mise ma waxan rumeyneynaa isaga oo aan rajadeena saaranaa sara kicinta uu bixiyo, xitaa haddaannan dhammaan wada fahamsanayn?  Jawaabihii kala duwanaa waxaa dib loogu soo qoray waana isla jawaabihii laga bixiyay dalabkiisii ee ​​aan maanta ka bixinay.

 Khilaafaadkan ayaa sii kordhayay markii ay Iidda Kormaridda  soo dhowaatay – isla dabaal dagii uu Nebi Muuse  bilaabay 1500 sano ka hor taasoo ahayd calaamad kormarida dhimashada.  Injil wuxuu sii waday oo muujiyay siduu Ciise Masiix u go’aansaday inuu howshiisa ku fuliyo iyadoo laga adkaanayo geerida iyadoo la caawiyo qof ka fogaaday dadka kale sida isagoo ‘khaa’in’ ah.

Ciise Masiix iyo Calaamaddii Yoonis

Qurayshta (ama Quryashi) waxay ahayd qabiilka Carabta ah ee gacanta ku hayey Makka iyo Kabcada, waxayna ahayeen qabiilka uu ka yimid nabi Maxamed.  Suuradda Quraysh (Suuradda 106 – Quraysh) waxay sharaxaysaa axdiyada wanaagsan ee ay Qureesheedu ku raaxaysteen.

 Caadaysigii Qureesheed.Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jilaalka darteed.

Suuradda Quraysh106: 1-2

Laakiin Suradda Yoonis (Suuradda 10 – Yoonis) ayaa ka sheekeynaysa wixii dhacay markii nebi Maxamed fariinta u qaaday farriinta Qureeshta,

 Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad.

Suuradda Yunus 10: 2

 Markii la diidey fariintiisii, Surah Al-Qamar (Surah 54 – Dayax) wuxuu uga digay Qurayshta inay la kulmaan …

 Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la’aanbaa idiin ku sugan Kutubta.Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.

Suuradda Qamar 54: 43-46

Waxaa kale oo Surada Yoonis sharaxaysaa in inkastoo nebiyada badankood iska dhega tireen dhageeystayaashooda(sida Qurayshta), haddana waxaa ka reeban – Nebi Yoonis 

maxay u jiriwayday Magaalo rumeysa (Xaqa) oo uu anfaco Iimaankeedu, laakiin Qoomkii (Nabi) Yuunus markay nimeeyeen waxaan ka faydnay Cadaabkii dulliga ee Adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo Muddo.

Suradda Yunus10:98

 Nebi Yoonis waxaa loo diray dad shisheeye.walina way heleen farriintiisa. Laakiin isagu ma uusan aqbalin kaalintiisii ​​isagoo isku dayaya inuu ka cararo waxaa liqay kalluun weyn  isagoo nool.  Suuradda Al-Qalam (Surah 68 – The Pen) waxay sharaxayaa sida uu isagoo kujiro kalluunka  uu uga toobadkeeyay amardiidadiisii, isla markaana dib loogu soo celiyey  nebinimadiisii.

 Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.

Suuradda Al-Qalam 68: 48-50

 Sidii Nebi Maxamed, Ciise Maxiixina wuxuu u tagay dadkiisii ​​(Yuhuuda) oo iyagu waxay ku eedeeyeen sixir oo fariintiisii ​​way diideen.  Markaa Ciise Masiix wuxuu sidoo kale uu nabi Yoonis ogu yeeray sida calaamad.Maxaase loogala jeedaa calaamad?

Ciise Masiix dadkiisa aya wax ka wediiyay awoodiisa.

Waxaan aragnay siday Injiilka ugu qoran tahay waxbaristii, bogsiintii iyo mucjisooyinka Ciise Masiix. Had iyo goor inaga iyo dhageeystayaal kaleba wuxuu u casuumi jiray  inay helaan wuxuu ogu deeqayo.Wuxuu ogu deeqay Biyaha nolosha,wuxuu u naxariistay dambiilayaasha,wuxuu raadiyaa kuwa lumay. Oo dhammaan wuxuu ku casuumay kuwa doonayo inay galaan Boqortooyada Ilaah.

Xiligaas Waxbaristiisa waxaa ku wareeray hoggaamiyeyaasha diinta (waxaana ka mid ahaa imaamyada).  Gaar ahaan waxay isweydiinayeen Amarka uu wato.  Tusaale ahaan, dhammaan isagu runtii awood ma u lahaa inuu u bixiyo naxariista Eebbe dadka dambiilayaasha ah, iyo awoodda ma u  leeyahay inuu ku bixiyo gelitaanka Boqortooyada Ilaah?  Markaana hoggaamiyeyaashii diinta ayaa waydiiyey calaamad uu ku caddeeyo xukunkiisa.  Injil waxaa ku qoran wada hadalkoodii waa:

 Ciise wuxuu tilmaamayaa Calaamadahii Yoonis (Yunus) waa sida ku qoran

  38 Markaas qaar culimmada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno.
39 Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee.
40 Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.
41 Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

Matayoos 12: 38-41

 Waqtiga Taariikhda ee Nbi Yoonis

Ciise Masiix wuxuu ku jawaabay isagoo tilmaamaya nebi Yoonis (oo sidoo kale loo yaqaan Yunus ama Yunis).  Waxaad ku arki kartaa jadwalka hoosta ku yaal in nabi Yuusus noolaa 800 sano ka hor Ciise Masiix.

                         Nebi yoonis jaantuus taariikheed tusaya isaga iyo Nebiyadii Axadigii hore

Nabi Yoonis iyo waxa uu Quraanka ka sheegaayo.

 Yoonis wuxuu qoray Kitaab ku jira Qoraaladii nabiga. Laakiin Quraanku wuxuu ku soo koobaya buuggiisa sidan waa:

  Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray).Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).Maka dia ditelan oleh ikan besar dalam keadaan tercela.Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa).Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.

As-Saffat37: 139-144

 Nebi Yuusus waxaa liqay kalluun aad u wayn maxaa yeelay wuxuu ka cararay hawshii uu Eebbe siiyay si uu ogu wacdiyo toobadda magaaladii Ninweh oo waqtigan la joogo u dhow Mosuul ee  dalka Ciraaq.  Aqoon yahaynka diinta Islaamka oo la yiraahdo ayaa sidan ka yiri aayadahaa:

 Tani waa sarbeeb.  Tani waxay ahayd aasitaankii iyo qabrigii Yoonis.  Hadduusan toobad keenin ma ka bixi wayayy jidhkii liqay isaga, ilaa Maalinta soo sara kicidda ama Qiyaame , goorta Dadka dhintay oo dhan la soo sara kicin doono. 

waa qoraalka Xusuusinta 4125 ee Yuusuf Cali uu ku turjumay Qur’aanka

 Sidaa darteed, isagoo ku jira kalluunka dhexdiisa waxaa lagu xukumay xukun shimasho ah taasoo caadi ahaan laga sii dayn doono Maalinta Qiyaame.

 Nebi Yuusus wuxuu Kitaabkiisii uu qoray sheegayaa

Kitaabka Yoonis wuxuu faahfaahin ka bixinayaa waxa ku saabsan Jiritaanka Kaluunka weyn,Wuxuuna leeyahay:

  17 Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

hen Jonah prayed unto the LORD his God out of the fish’s belly,
2 And said, I cried by reason of mine affliction unto the LORD, and he heard me; out of the belly of hell cried I, and thou heardest my voice.
3 For thou hadst cast me into the deep, in the midst of the seas; and the floods compassed me about: all thy billows and thy waves passed over me.
4 Then I said, I am cast out of thy sight; yet I will look again toward thy holy temple.
5 The waters compassed me about, even to the soul: the depth closed me round about, the weeds were wrapped about my head.
6 I went down to the bottoms of the mountains; the earth with her bars was about me for ever: yet hast thou brought up my life from corruption, O LORD my God.
7 When my soul fainted within me I remembered the LORD: and my prayer came in unto thee, into thine holy temple.
8 They that observe lying vanities forsake their own mercy.
9 But I will sacrifice unto thee with the voice of thanksgiving; I will pay that that I have vowed. Salvation is of the LORD.
10 And the LORD spake unto the fish, and it vomited out Jonah upon the dry land.

Yoonis 1: 17–2: 10

 Waa maxay ‘Calaamadda Yoonis’?

   Caadi ahaan waxaan fileynaa in marka qof marka awooda la looltamayo, siduu Ciise Masiix ahaan jirat, wuxuu isagu isku muujiyaa calaamad muujinaysa awood, guul ama guuleeysi.  Laakiin Cise Masiix wuxuu difaacday awoodiisa isaga oo tixraacaya nabi Yoonis 3 maalmood ‘ee boqortooyada kuwa dhintay’  ‘godka’ ama qabriga.  Intii lagu jiray 3-da maalmood, caasinta uu caasiyay amarka Ilaah, isaga ‘waxa laga fogeeyey aragtidaada’. Xaadirnimada Ilaah.  Dhacdadii Yoonis ee ku jirtay gacanta geerida 3 maalmood ee mugdiga ah, oo xagga Alle laga reebay, maahan calaamad aannu fileynay. Waa maxay sabatuu Ciise Masiix u doortay calaamadda u muuqatay inuu Baajinaayo ama baabiinayo awoodiisa?

Tani maahan markii ugu horreysay oo daciifnimo iyo geeri loo bixiyo sida calaamad.  Nebi Ishacyaah ayaa wax ka sii sheegay  Imaatinkii Addoonka.  Ishacyaah wuxuu sii sheegay in Addoonkan ‘la quudhsan doono’ oo ay dadku diidi doonaan ‘oo’ qaddarka Ilaah loo ciqaabi doono ‘iyo’ in laga gooyo dhulka kuwa nool ‘oo’ lagu aasi doono qabriga kuwa sharka leh ‘.  Shisheeyaha weli, wuxuu ahaa “rabitaanka Sayidku inuu ku burburiyo Addoon”. Taasi waxay u egtahay sidii Yoonis soo maray – iyo siduu Ciise tilmaamay.

 Garaadkaa keenay fahamku ayaa ahaa dhamaadka ducadii Yoonis intuu ku jiray caloosha kalluunka.  Hadalkii ugu dambaysay ee ducadiisu waxay ahayd “Badbaadintu waxay ka timaadaa xagga Ilaah”.  Waxaan soo aragnay sida magaca ‘Ciise’ uu ahaa magaca ka mid ah nebiyada ee soo  socda.  Laakiin waa maxay micnaha magaca ‘Ciise’?  Micnaha Af Cibraaniga ayaa micnaha loola jeedaa ‘Rabbigaa badbaadiyaa’.  Nebi Yoonis tukashadiisa wuxuu ku qirtay in isaga u baahan yahay  badbaado kan sidaas sameeynayana waa Rabbigu.  Ducadiisu waxay caddeysay baahidayada ah in la badbaadiyo iyo inuu Ilaah yahay kan badbaadinta sameeynayo.  Micnaha Magaca Ciise Masiix afka Cibraanigan waxaa loola jeedaa run la mid ah in Yoonis oo kalluunka ku jira uu ugu dambeyntii qiray maadaama magaca Ciise  macnaheedu yahay ‘Rabbigaa badbaadiyo’.

Ciise Masiix wuxuu hadaladiisii uu la lahaa hogaamiyayaasha diinta ku soo  gabagabeeyey isagoo xusuusinaya in dadka Nenweh oo ah magaaladii loo diray Yoonis inuu wacdiyo inay rumaysteen oo ku toobadkeeneen farriinta Yoonis , laakiin hoggaamiyeyaashii dhageystay  ama Maqlay Ciise Masiix diyaaruma ahayn inay toobad keenaan , Iyagoo aan raalli ka ahayn inay qirtaan badbaado inay u baahan yihiin.  Waa inaan baarnaa qalbiyadeena si aan u aragno haddii aan nahay sida ragga Ninewah (kuwii toobadda keenay) oo ah hoggaamiyeyaasha Yuhuudda (midda ay sameynin).  Labadaa kee baad tahay?

 Waxaan sii wadaynaa inaan raacno Ciise Masiixa si aan u aragno sida calaamaddan Yoonis loo oofiyey iyo sida ‘Rabbiga u badbaadiyay’ iyo siduu howlgalka Ciise Masiix u bilaabay dhamaadkiisa.

Ciise Masiix wuu ‘ Xajiyay

Surada al-xaj (Surada 22 – xajinta ina) Waxay noo sheegaysaa in laysugu imaan jiray isu imaashooyin kala duwan iyo dabaaldegyo la siin jiray waqtiyo kala duwan.Laakiin ma ahayn sadqayn hilibeed oo gaar ah,laakiin waxa muhiimsanayd waxa gudaheena ku jiray. Sida ku qoran

Ummad kasta waxaan u yeellay Cibaado (Ciid) inay ku Xusaan Eebe wuxuu ku Arzaaqay oo Xayawaanka Nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah kaliya ee u Hogaansama una Bishaaree, kuwa Xasilloon (ee Cabsada) ee ah.Kuwa marka la Xuso Eebe ay Cabsato Quluubtoodu, kuna Samra waxa ku Dhaca ee Ooga Salaadda, waxaan ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya.Loogga (Hadyada) waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana idiinku Sugan Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib Xidhan, markay U dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan Warsanba, Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan.Ma gaadho Eebe Hilibkeedu iyo Dhiiggeedu waxaase Gaadha ka Dhawrsoonidiinna, Saasaana Eebe idiinku Fududeeyaa inaad ku Waynaysaan wuxuu idinku Hanuuniyey una Bishaaree kuwa Wanaagga Fala.

Surada al-Xaj 22:34,37

 Biyo waa qaybta ogu muhiimsan ururka ama isu imaashaha iyo dabaaldegyada Xajjka sida ay xujaayda u raadiyaan inay Biyaha Zam Zamka ka cabaan ceelka.Laakiin Suradda al-Mulk (Surada 67 – Madaxbanaanida) waxay na weydinaysaa suaalo muhiim ah sida ku qoran

Dheh balse Warrama hadday Biyuhu Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma jiro Eebe waxaan ahayn).

Surada al-Mulk 67:30

Ciise Masiix wuxuu suaashan oga hadlay Xajka Yahuuda ee lagu subkay Nebi Muuse.Waxan ku eegi doonaa oo aan soo qaadaneynaa aragtida xajka.

Xajka ayaa si fiican loo yaqaan.  Waxa aan aad loo aqoon ayaa ahayd Shareecada Nebi Muuse ,oo  la helay 3500 sano ka hor, sidoo kale yahuuda rumeysadka leh ayaa looga baahnaa inay ku sameeyaan xajkooda  Yuurasaleem ama Al Qudus sanadkiiba. Halkii Xaj ayaa loogu Iiddii Waababka ama Sukkot. Xajkan ayaa lahaa meelo badan oo ay iskiiga mid yahiin Kana ma Xajka Maanta.Tusaale ahaan, labadan Xujaay xagga taariikhda todobaad qaas ah,labaduba waa kuwoo lagu bixiyo xoolo alabarayo ah, labadooduba waxay ahaayeen helitaanka biyo gaar ah sida biyaha zamzamka ah, labaduba waxay lahaayeen in bannaanka la seexdo, iyo iyadoo labadaba lahaayeen in todobo jeer lagu soo wareego si socod ah meesha Barakadeeysan.Ciidda waababka  ayaa Yahuudda u ahayd sida Xajka.Ilaa iyo hadda Yahuudda ayaa u dabaal degtaa Ciidda waababka laakiin markii macbudkoodii ay boqortooyadii Roomaankii sanadkii 70 si ka yar duwan u debaal degaa.

Sida ku qoran siduu Injiilka u qoray Yooxaana cutubka 7 inuu Ciise ka qayb galay Ciidii Waababka.Waxaa kale oo uu injiilka cadeeynayaa siduu Ciise Masiix u qabtay waajibaadka xajka-Xajkiisa.Cutubka ayaa si faahfaahsan  u qoraya.

Ciise wuxuu u aaday Iiddii Waababka (Yooxanaa 7)

Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan. Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd. Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid. Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji. Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.

Yooxaanaa 7:1-5

Ciise masiix oo walaalahiis ola dhaqmaayeen si kakan rumeysiga ay rumeeynin aawadeed.Walaalaha Isa al Masih waxay nebiyada kula dhaqmayeen nebi sababtoo ah ma ay rumaysan isaga.  Laakiin mararkii dambena dhacday in isbedel ku dhacday maskaxdooda sabata ah labo ka mid ah walaalahiis  Yacquub  iyo Yudaas ,oo markii dambe qoray waraaqo (loo yaqaan Yacquub iyo Yuudas) kuwaas oo qayb ka ah Axdiga Cusub (Injil).  Maxaa beddelay?  Sarakiciddii Ciise Masiix.Sida ku qoran

 

Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa. Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin. Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan. Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.10 Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey. 11 Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? 12 Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa. 13 Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

Ciise Wuxuu Dadkii Baray Inuu Ilaah Ka Yimid

14 Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray. 15 Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran? 16 Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray. 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo. 18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto. 19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan? 20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen. 22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan. 23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey? 24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.25 Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan? 26 Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa? 27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.

Yooxaana 7:6-27

Doodda wakhtigaas ka dhex jirtay Yuhuuddu waxay ahayd in Ciise Masiix isaga ahaa iyo in kale.  Yuhuudda qaar ayaa rumeysanaa in meesha Masiixa uu ka imaan doono aan la ogeeyn. Maadaama ay ogaayeen meesha uu ka yimid waxay moodayeen inuusan markaa Masix ahayn. Sidaa daraadeed xaggee bay ka heleen xaqeeqadan ah  in asalka Masiix aan la ogaan doonin?  Ma waxaay ka heleen Towreed ? Mise Qoraalladii nebiyada?  Dhamaantoodba ma aha!  Nebiyadu waxay si cad u sii sheegeen halka uu Masiixa ka imaan doono.  Nebi Miikaah  wuxuu qoray taas sanadkii 700 BC ,waa

Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa’iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis

Miikaah 5:2

Waxsii sheegiddan (ka eeg halkan si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah) waxay ku bilaawday in taliyaha (= Masih) uu ka imaan doono Beytlaxam.  Runtii dhalashadii Ciise  uu ku dhashay Beytlaxam sida loo sii sheegay 700 oo sano ka hor dhalashadiisa.

Waxay ahayd dhaqan diimeed oo waqtigaas la yiri meesha uu Masiixi ka imaan doono lama yaqaan.  Waxay sameeyeen qalad sababta oo ah ma aysan xukumin wixii  ay nebiyadii qoreen laakiin  intay ku xukumi lahaayeen taa bedelkeeda waxay ku xukumeen figradaha wadada, fikrado maalmeedkooda – xitaa figradaha ka socda culimada diinta. Waxaan ku dhicin inaan qalad la mid ah sameynin.

Cutubkii ayaa sii socda……….

? 27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.

28 Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin. 29 Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.

30 Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman. 31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?

32 Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga. 33 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray. 34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan. 35 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah? 36 Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

Biyaha Nool

37 Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin

Yooxanaa7: 27-39

Maalintaa Ciidda ah Yuhuuddu waxay biyo ka soo qaadaan il gaar oo ay biyo ka soo burqadaan oo ku taal Koonfurta Yuurasaalem,oo waxaay magalada ka galaan xagga ah xagga koonfureed ee Yeruusaalem oo waxay galeen magaalada ilaa ‘IAlbaabka Biyaha’ oo biyaha waxaay u qaada meesha allabariga ee macbudka.  Intii ay ku guda jireen qabashada xafladan biyaha xurmada leh ayuu Ciise qayliyey, sidii uu horay u sii sheegay, inuulahaana isagu ahaa isha ‘Biyo nool’.  Markuu sidaas lahaana wuxuu iyaga xusuusinayay harraadkan ku jira qalbiyadeenna taasoo noo hogaaminaya xagga dembi taasoo wax ku saabana nabiyadii ka qoreen.

40 Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii. 41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa’uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa’uud joogay? 43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis. 44 Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.

Yooxanaa 7: 40-44

Dib maraan u soo noqono, sida maanta oo kale, dadku waxay ku kala qaybsameen Ciise Masiix.  Sidaan kor ku soo aragnay, nebiyadu waxay sii sheegeen dhalashada Masiix ku dhalan doono Beytlaxam (oo uu Ciise ku dhashay). Laakiin maxay tahay suaasha ah inuu Ciise ka imaanaynin Galili?  Nebi Ishacyaah wuxuu qoray 700 BC wax ku saabsan arintan.

  Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah. Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.

Ishaaciyaah 9: 1-2

Nebiyadu waxay sii sheegeen in Ciise wax baridiisa ku bilaabayo (inuu waag ka baryi ‘Galililee’ – oo runtii ahayd meesha uu Ciise ka bilaabay waxbaristiisa oo uu inta badan ku sameeyay mucjisooyinkiisa.  Mar labaad dadku way qaldameen maxaa yeelay iyagu si taxaddar leh uma aysan baran nebiyadii oo waxay rumeyseen oo keliya waxa la aqbali karo.

45 Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen? 46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay. 47 Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey? 48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga? 49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin. 50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi, 51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo? 52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.

Yooxaanaa 7: 45-52

Khubaro ku xeel dheer sharciga ayaa gebi ahaanba khaldanaa tan iyo markii Ishacyaah uu sii sheegay in Iftiiminta ay ka imaanayso ‘Galiilee’.

 Laba cashar ayaa maskaxda ku soo dhacadaa oo ah xagga cutubkan. Marka hore way fududahay inaan soo bandhigno dhaqdhaqaaqeena diiniga ah si qiiro badan leh laakiin aqoon aqoontu yar tahay.ku qabsanno howlaheena diiniga ah qiiro badan laakiin aqoon yar.  Xukunkaani run ma u qaadan karnaa?

  Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha.

Rooma10: 2


Waxaan u baahanahay inaan baranno waxay nebiyada  qoreen  si ay u ahaadaan hab wanaagsan.

 Midda labaad, Ciise wuxuu bixiyay dalab.  Xajkooda wuxuu ku yidhi

  37 Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.

Yooxaanaa 7: 37-38

Bixintan Waxa la siiyay ‘qofkasta’ (Yuhuudda oo keliya lama siin, ama Masiixiyiinta oo keliya iwm) ee waxa la siiyay kan ‘ooman’.  Adiga ma haraadsan tahay? (halkan).  Way fiican tahay in laga cabo ceelka zamzamka.  Sidoo kale maxan oga cabbi waayney Masiixa  kaasoo qancin kara haraadkeena gudaha?

Ciise Masiix wuxuu u yimid inuu raadiyo……kuwa lunsan

Suratul Fussilat(Suradda 41- ayaa u sharaxeysa si faahfaahsan )iyadoo eegeeysa maalinta xunka oo dadka loo safi doono si ay xitaa maqaarkooda ogu noqdo marqaati.Sida ku qoran-

 kaasina waa malihiinii aad u malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray.()

Surada Fussilat 41:23

Xukunkooda ugu dambeeya ayaa noqon doona

Waxaan u darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray

Surada Fussilat 41:25

Tanaa xusuusin xoog badan u ah in badan oo naga mid ah oo kaamilnimadii ka luntay.Laga yaaba xitaa adiga.Tanina waxaay abuurtaa dhibaato sida ku qoran Surada Al-Mu’minun (Surada 23 – Muminiin) ayaa sharxeeysa

 Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari.

Surada Al-Mu’minun 23: 102-103

Kuwaas oo  ahaa kwa miisaamay camalkooda wanaagsan ayaa rajo weyn u leh badbaadada, laakiin kuwa miisaanka miisaamaa waxay u lumiyaan rajola’aan.  Suurad Al-Mu’minunna waxay leedahay waxay ku lumeen halaag.  Markaa waxaa jira kala qaybinta dadka u dhexeeya kuwa diinta iyo daahirka ah (rajo rajo u qaba badbaadada) iyo kuwa aan nadiif ahayn – aan nijaas lahayn.  Isa al Masih wuxuu si gaar ah u yimid inuu caawiyo kuwa aan nadiifka ahayn – kuwa lumay ee loogu talagalay Naarta sida looga digay Suuradda Fussilat iyo Surah Al-Mu’minun.

Inta Badanaa, dadka diinta haysto waxay ka fogaan jireen kuwa aan diinta haysan iyagoo ka baqaya inay Nijaasoobin.  Tanina waxaa  rumeeysnaa macallimiinta shareecada  xilligiii Ciise Masiix.  Oo waxay iska fogeeyn jireen kuwaa nijaasta ah, Si ay daahir u sii ahaadaan.  Laakiin Ciise Masiix wuxuu baray in Daahirsanaanteena iyo nadaafaddeena ay tahay ogu horeeyn Qaluubteena ama Qalbigeena.soay tahay tan ugu horreysa quluubteenna.  Oo sidaasuu kula joogi doonaa kuwa aan daahirka ahayn.  Waana sida ku qoran Injiilka oo sheegayo xiriirkii uu la lahaa Dambiilayaasha iyo fal celintii uu siiyay Macalimiintii shareecada,waana.

  Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan. Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.

Lukoos 15: 1-2

Haddaba waa maxay sababtuu ciise Masiix u soo dhaweeyay oo ula cunteeyay Dambiilayaasha?Dembiga ma ku farxay?Ciise Masiix ayaa eedeeyntaasi oga jawaabay isagoo u sheegayo seddax masaalo ama sheekooyin.

Masaalkii ku saabsanaa laxdii luntay.

 Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi, Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo? Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan. Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.

Lukoos15:3-7

Cise Masiix Sheekadan  wuxuu inala barbardhigay ide isagana  uu yahay ilaaliyaha idaha.  Sida adhijir kasta uu u raadinayo idaha lumay, isaga wuxuu laftiisu goobayaa raadinyaa dadka lunsan.  Waxaa laga yaabaa in aad sameeysay dambigoo – xitaa ha ahaado mid qarsoodi ah oo uu qof ka mid ah qoyskaaga ogayn.  Ama waxaa laga yaabaa in noloshaada, ay u dhibaateeysan tahay oo ay jaha wareersan tahay oo uu kaa dhigo mid uu kaaga tago dareen lunsanaan. Sheekadani waxay siinaysaa rajo maxaa yeelay waad ogaan kartaa in Ciise Masiix uu doonayo inuu ku soo helo  oo ku caawiyo.  Wuxuu doonayaa inuu ku badbaadiyo intaanay dhibaato ku baabi’inin.Sida ku qoran-

Ka dib wuxuu u sheegay mid ama sheeko labaad.

Masaalkii lacagtii luntay.

Ama naagtee baa toban [a]daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa’igaha Ilaah hortooda.

Lukoos15:8-10

Qisadaan waxaan nahay kuwoo qaymo leh Laakiin lacagta  lumay iyo kan raadinaayo inuu yahay isaga.  Waxyaabaha birta lihi  in kasta oo lacagta guriga meel ka mid ahi ku luntay, laakiin iyada ahaan isma oga’ inay luntay. Isuma  dareemayso lumid.  Waa haweeneyda dareensan dareen lumintaan sidaa darteedna waxay guriga u nadiifisaa si taxaddar leh iyadoo eegaysa hoosta iyo dhabark wax kasta oo guriga dhexdiisa ah.Mana ku qanacsanayn ilaa ay ka hesho lacagtaa luntay.  Laga yaabee inaadan ‘dareemin’ lumitaan.  Laakiin runtu waxay tahay inaan dhamaanteen u baahanahay inaan toobad keenno, oo haddii aadan taa ahayn, markaa waad lumisay, inaad adigu dareemato iyo haddii kale.  Ciise Masiix qaymo ayaad u leedahay laakiin lacagtii luntay oo wuxuu dareemayaa wixii lumay in la raadiyo oo laga shaqeeyo oo laga dhigo mid si cad kugu soo laabatay ama si cad kugu toobad keento.sida ku qoran –

 Sheekadiisa labaad ayaa ah midda ogu Xoogga badan.

Masaalkii ku saabsanaa wiilkii lumay.

11 Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa. 12 Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa. 13 Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya. 14 Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo. 15 Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo. 16 Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin. 17 Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa. 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale. 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday. 21 Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga. 22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya. 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno,

Sida ku qoran Lukoos15:11-32

Sheekadan dhexdeeda haddaan noqon lahayn wiilka weyn, ee diiniga ah ama wiilkii yaraa ee aadka u fogaaday. In kasta oo wiilka weyn uu dhawro dhammaan qawaaniinta diimeed  oo waligiis ma uu fahmin qalbiga jacaylka aabihiis . Wiilkii yaraa wuxuu moodayay  inuu xorriyadda helayo haduu ka baxo guriga laakiin wuxuu isu arkay isagoo adoonsi xagga badbaadada iyo aadminimada. Ka dib dareenkiisq ayaa u soo noqday oo wuxuu isku yiri gurigaada dib waad ogu noqon kartaa .  Dib ugu noqoshadiisa waxay muujinaysaa inay qalad ahayd inuu ka tago meeshii hore oo uu ku noolaan jiray, in la sameeyo tanina waxaay u baahan tahay is-hoosaysiin ama hoos isu dhigid.  Tani waa tusaale naloo siiyay inay naga caawiso inaan fahano waxa ku saabsan’toobad keenida’, Tan oo ahayd  sidii geesimada lahayd ee Nebi yaxye wax u baray,oo micna run aha ahayd.

Markuu kibarkiisii ogaaday oo uu  ku soo noqday aabihiis wuxuu helay jacayl ka badan  ka badan jacaylkii uu rajeynaa.  Kabahii, Xargahii, Faraatigii ,iidii, barakadii, aqbalaaddii – dhammaantood waxan waxaay ka hadlaayee jacayl.  Sheekadani waxay naga caawineysaa inaan fahanno  jacaylka weyn ee Ilaah noo qabo, isagoo doonaya inaan isaga u soo noqonno.  Waxay u baahan tahay ‘toobad keenid’ laakiin markii aan doonistena sidaas ku samayno waxaan arki doonaa isagoo diyaar noo ah inuu na aqbalo. ka heli doonnaa isaga oo diyaar u ah inuu na aqbalo.  Tani waa waxa uu doonaayay inuu Ciise masiix na baro.  Ma iisu dhiibi kartaa oo ma aqbali kartaa jacaylka noocaas ah?

Ciise Masiix wuxu bixiyay naxariis

Weligaa ma jabisay amar ku saabsan shareecadda ?  Midkeenna kasta oo naga mid ah ma doonayo inuu sidan sameeyo, laakiin runtu waxay tahay in badan oo naga mid ah ay qarinayaan guuldarooyinkeenna, annagoo rajeyneynaa in kuwa kale aysan ogaan doonin dembigeenna ayna soo bandhigi doonaan ceebteenna.  Laakiin ka waran haddii guuldaradaada la ogaado, maxaad rajeyneysaa intaas ka dib?

 Sida ku qoran Surda Luqman (Suuradda 31 – Luqman) ayaa na xusuusinaysaa

tan waa aayaadka Kitaabka (Quraanka) xigmada leh.waana hanuunka iyo naxariista samalfalayaasha.

Surada Luqman 31: 2-3

Surah Luqman waxay cadeyneysaa in ‘kuwa wanaag sameeya’ ay ilaah ka rajeynayaan  ‘naxariis’.  Marka Surada Al-Hijr (Surah 15 – dhagaxa) waxay weydiinaysaa su’aal aad u muhiim ah

 Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.

Suuradda Al-Hijr 15: 56

 Maxaad ka leedahay kuwaa habaabay ama marin habaabay? Howl galkka Ciise ayaa ku saabsanaa kuwaa marin habaabay ama lumay ee aan u baahnayn Naxariis.  Nebiga wuxuu fursad u helay in uu tan ku muujiyo qof lagu sheegay inay ceebeysantahay. 

Sida ku qoran injiilka ayaa waxa uu sheegataa in arintani ay ku dhacday naag dhalin yara ha goortii wax baristii Ciise Masiix.

Naagtiina waxay qabtay sino

Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray. Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen, oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino. Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada? Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray. Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro. Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray. Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay. 10 Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin? 11 Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.

Yooxaana 8:2-11

Naagtan waxaa lagu qabtay dhaq dhaqaaq ficil Macsiya ah oo Macalamiintii  Shareecadii nebi Muuse ayaa doonayay in dhagax lagu dilo,Laakiin markii hore waxay u wadeen xagga Ciise Masiix si ay u arkaan waxa uu goaankiisa yahay. Miyuu taageeri doonaa runta sharciga?  (Dhacdo ahaan, sida sharciga waafaqsan ninka iyo naagta labadooduba waxaa lagu xukumay dhagxin, laakiin Naagta keliya waxaa loo keenayin la ciqaab.)

Cadaaladda Ilaah iyo Dembiga aadanaha.

Ciise Masiix kama hor imaanin sharciga,waayo waxaay ahayd wuxuu ahaa sharci uu Ilaah keenay oo ka turjumaya caddaaladda buuxda,Laakiin Ciise Masiix wuxuu ku yiri, kuwa aan dembiga lahayn ha ku tuura dhagaxa.  Sida ay macallimiintu ogu fikirayeen tan, Waxa uu dul saaray xaqiiqada ku jirta Sabuuradda oo ah

Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.

Sabuuradda14:2-3

Tan macnaheedu  ma aha oo keliya kuwa aan rumeysadka lahayn, kufaarta iyo mushrikiinta inay dembaabaan – xitaa kuwaa Ilaah rumeeyay iyo nebiyadiisa sidaasoo kale way dambaabaan rumeeya Eebe iyo rasuulkiisa iyaguna way dembaabaan.  Dhab ahaantii, sida ku xusan aayadahan, marka Ilaah eegay Aadanaha wuxuu ogaaday inuu jirin hal qof oo wanaag sameeyay.

  Sharcigii Nebi Muuse  waxay ahayd  Hashiis uu Ilaah la galay aadanaha oo ku saleysan cadaalad buuxdda, oo kuwaa raacaayna waxay helayaan xaqnimo.  Laakiin jaangooyooyinku waa dhammaystiran yihiin, iyada oo aan xitaa hal  wecsanaan ah aan loo oggolaan.

Naxariistii Illah             

Laakiin ,maadaama ay ‘dhammaantood  kharibmeen’, qorshe kale ayaa loo baahnaa.  Qurshahan kale Ayaan ahayd middan cadaalad  ku saleeysan mid u qalanta – maxaa yeelay dadku ma gudan karaan waajibaadkooda sharciga ah – marka waa in lagu saleeyaa dabeecad kale oo Ilaah – naxariisa ah.  Oo Naxariis ayuu u fidin lahaa meeshii waajibka ahayd.  Tani waxay ahayd mid laga filaayay sharciga nebi Muuse markii wankii Iidda Kormaridda naxariis iyo nolol u siiyay kuwii albaabkooda ku rinjiyeeyey iyo Baqara oo ah  ( suuradda 2 – Baqarah – oo loogu magic ka dib) Harun.  Xitaa ka hor waxaa la sii saadaalinayay taas ka dib markii dharka Adam loogu naxariistay, Alla baraygii Haabiil , iyo naxariistii la siiyay nebi Nuux .  Waxaa sidoo kale Axdigii hore lagu arkaa markii Eebe  ballanqaaday taas,Sida ku qoran

oo leh dambigan ayaa waxaan dhula ka qaadi doonaa maalin qudha.

Zekariyaah 3: 9

Hadda Ciise Masiix wuxuu naxariis u fidiyay qof aan rajo kale lahayn .  Waxaa xiiso leh in aan la xusin ama naagta shuruud laga dhigin diinta. haweenaydan.  Waxaan ognahay inuu Ciise Masiix nagu baray Wacdigii buurta Sida ku qoran

Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.

Mataayoos 5:7

iyo

Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa .

Mataayoos 7:1-2

Kordhiso Naxariista si aad u hesho Naxariis

 Adiga iyo anigba waxaan maalinta xukunka u baahanahay inay naxariista noo korodho maalinta xukunka ama xitaabta.  Ciise Masiix wuxuu ogolaaday  inuu u gudbiyo Qof si cad ammarada u jebiyay – kaasoo aan u qalmin.  Laakiin waxan u baahan nahay  sidoo kale  u naxariisno kuwa hareereena ah.  Sida uu nebigu u sheegay, heerka naxariista ee aan fidinno in la eg oo naxariis ah ayaan heli doonno.  Waa sababta oo ah inaan si dhaqso leh u xukuno dembiyada kuwa kale taasoo khilaaf badan  inaga keeni karto.  Way fiicnaan laheyd inaan u naxariisno kuwa na dhaawacay.  Aan weydiisano Eebbe inuu naga caawiyo inaan noqonno dad kuwa uu Ciise Masiix  uu u naxariistay iyagoo aan u qalmin, sidaa darteed innaga oo aan u qalmin, waxaan sidoo kale heli karnaa Naxariis markii aan u baahano.  Markaa waxaan diyaar u nahay in aan fahanno naxariista naloogu deeqay warka wanaagsan ee Injilka.

Nebi Yaxye wuu silcay oo muujiyay shahiidnimadiisa dhabta ah.

Suuradda Al-Munaafiqun(Suuradda 63-Munaafiqunta ama laba wejiilayaasha) Waxay sharaxeysaa qaar ka mid ah kuwii u marag furay Nebi Maxamed,in markii dambe loo arkay beenaalayaal aan qiimo lahayn.

 Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay Munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xaqa niyada).Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u xunyahay.

Surada Al-Munafiqun 63:1-2

Marka la barabar dhigo munaafiqunta,surada Az-Zumar (Surada 39- Ciidankaa) waxaay sharxeysaa Marqaatiyaasha aaminka ama Daacadda ah.

 Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa’igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.

Surah Az-Zumar 39:69

Waqtigii Ciise Masiix,Marqaati run ah ayaa loogu yeeray Shahiid.Shahiidka ayaa ahaa midka ka marag furo runta iyo wixii dhaco. Ciise Masiix ayaa xertiisii ogu yeeray Shahiidiin.

Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

Falimada rasuulada 1:8

Ereyga Shahiid waxaa loo isticmaali jiray oo keliya kuwa ahaa maragfurayaasha daacadda ah.

Laakiin ereygan Shahiid maalmahan ayaa loo isticmaalaa wax badan.Tanina waxaan maqlay marka uu qof uu ku dilo mid ka mid ah dagaalada socda, ama iskudhacyada ka dhaxeeyo markaay dagaal yahanada midba midkooda kasta is dilayaan oo uu qof dhinto.isagaa ayaa inta badan no ah shahiid marka loo eego dhankuu ka socday,Laakiin kuwii uu ka soo horjeedayna ogu yeeraan Kaafir.

Laakiin tani ma saxbaa? Injiilka waxaa ku qoran siduu Nebi yaxye u shahiiday intii howlgalkii Ciise masiix, oo inagana noo noqday tusaale si aan u fahano tan.Waana sida ku qoran

 Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

Mataayoos 14:1-12

Marka hore waxaan arkeynaa sababta Nebi Yaxye loo xiray.Boqorkii la odhan jiray Herdoos qaatay naagtii walaalkii qaatay si ay naag ogu noqoto iyadoo ah mid ka soo hor jeedo sharcigii muuse.Nabigii Yaxye ahaa ayaa si cad ogu sheegay isagoo leh tani waa qalad laakiin qaribnaa,intuu maqli lahaa Nebiga,wuu xiray.Haweeneydii ka faaiideeysatay guurkan cusub ayaa noqotay naagta boqorka quwadda badan leh, oo doonayay inuu nebiga  aamusiiyo sidaa daraadeed waxay ku tashteen in gabadheeda weyn ku ciyaarto boqorka hortiisa iyo martida casuumaadda ka soo qayb gashay. Wuxuu aad ugu farxay waxqabadka gabadha oo u ballanqaaday inuu siin doono wax alla wixii ay weyddiisato.  Hooyadeed waxay u sheegtay inay weydiisato madaxa nebi Yaxye .  Markaa oo nebi Yahya , loo xiray maxaa yeelay isagoo run sheegay, waxa madaxa laga gooyay si fudud sababta oo ah qoob ka ciyaarka gabadha ayaa Boqorka qasab oga dhigtay martidiisa daraadeed.

Waxaa kaloo aan arkeynaa inuusan Nebi yaxye cidna uu la dagaaleynin, ama uu san dooneynin inuu dilo Boqorka.Si fudud ayuu runta oga hadlaayey. Kama baqin inuu oqorkaa qaldan u digo xitaa isagoon lahayn awood uu kaga kaga soo hor jeedo rabbitaanka boqorkan. Jacaylka uu u qabo shareeciga lagu soo dejiyay Muuse aawadeed ayuu run uu ka hadlay.Maanta waa mid tusaale fiican noo ah oo na tuseeysa sidaan u dagaali lahayn inagoo runta sheegeyna oo u dagaalameeyna runta nabiyada.Nebi yaxye isku ma dayin inuu boqorka dilo,ma hogaamineynin kacdooda ama mid dagaal bilaabayo.

Natiijada shahiidnimadii Yaxye

u dilay isagoo markaasi ku fikiray inay taasi ahayd wax baris xoog leh iyo mucjisadii Ciise masiix  ay Nabi Yaxye uu nolosha dib ogu soo noqday.

Hedroos dilmadii Qaainimo ee uu Nebi yaxye Waxay ahayd mid marin habaabsan. Qorshahiisan ayaa tusaale fiican u ah Surada Al-Fil (Surada Fiil 105 – Maroodigii).

Ma Ogtahay sida Eeba ku falay asaxaabtii Maroodiga «Colkii».Miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah.Kuna tuuraysa Dhagaxyo la kululeeyay.

Surada Al-Fiil 105:1-4

Sida ku qoran KQ Ciise ayaa kaga hadlay wax ku saabsan Yaxye

Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10 Kanu waa kii laga qoray,Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga,
Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.11 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Mataayoos 11:7-15

  Halkan Ciise Masiix ayaa cadeeyay ama Xaqiijiyay inuu Yaxye  uu ahaa Nebi weyn oo sii diyaariyay wax sheegidiisii imaashahiisa.Galitaanka  Boqortooyada Ilaah ee janadda ilaa manta la joogoi goortuu Boqor Hedroos oo xoog badan jiray ama joogay,isagoon waxba haysan aawadeed ayaa diiday inuu sii daayo Nebiyadii.

 Waxaa dhacday rabshooyin maalintii Nebi yaxye madax laga gooyy kuwoo kalena sidaasoo kale waxaay rideen ama sameeyen rabshado. Xitaa Dadkan rabshadaha waday ayaa  ‘warer kedis ku noqotay’ Boqortooyada jannada.  Laakiin iyagu ma geli doonaan.  Micnaha gelitaanka boqortooyada Ilaah ee Jannada ayaa noqon dariiquu Yaxye qaaday ahaansha maragga ay runt ka buuxdo.Waan aqli badanahay haddaan raacno tusaalahiisa oo aan tusaale u noqon kuwaa manta rabshada wada.

Ciise Masiix wuxuu bixiyaa ‘Biyaha Nolosha’

 Suuradda Al-Mutaffifin (Surah 83 – Qayaamida) il biyo ah oo laga helayo Jannada ayaa loo rajeynayaa kuwa ugu dhow Ilaah.

 Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.

Suuradda Al-Mutaffifin 83: 25,28

 Suuradda Al-Insan (Surah 76 – Dadka) ayaa si la mid ah u sharraxaysa ilaha sharafta leh eek u sharfa kuwa gala Jannada.

kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,

Suuradda Al-Insan 76:5-6

Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi). 

Suuradda Al-Insan76: 17-18

Laakiin waa maxay waxa ku saabsan haraad ama Oomanaanta aan noloshan ku haysanno?  Waa Maxay wax ku saabsan kuwa inaga mid ah oo aanan ‘ugu dhowaanin Allah’ sababta dembiilenimo iyo xishood horeba?  Ciise Masiix wuxuu wax ka baray arintan markay la kulmeen naag la diiday.

 Horey waxaan u soo baranay siduu Ciise Masiix uu baray sida aan ula dhaqami lahaayn cadaawayaasheena. Adduunka aanu manta joogno waxaa ka jirna khilaafyo badan oo dunida aanu joogno ka dhigtay midaay ka buuxdo murugo ama tiiraanyo aad u xun leh.  Ciise Masiix ayaa masaalo ku baray in gali taanka jannada ku xidhan tahay sidaan ula dhaqanay cadaawaheena.

Way fududahay in hal shay la baro, iyadoo falimadeedana kala duwan tahay.  Imaamyo badan iyo kuwoo kale oo  macalimiin diimeed ayuu baray shay laakiin waxay ku noolaayeen si kale.  Ka waran Ciise Masiix?  Mar ayuu la kulmay Naag reer Samaariya ah.  (cadaawayaashii Yuhuudda ee waagaas). Sida ku qoran injiilka

 Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen), ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili. Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro. Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf. Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.

Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi. Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan. Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.) 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool. 11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool? 12 Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba? 13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa, 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. 15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado. 16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay. 17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi. 18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay. 19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. 20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo. 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. 22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. 23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. 24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta. 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.

27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada? 28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii, 29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa? 30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii. 31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun. 32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn. 33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo. 35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska. 36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. 37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa. 38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.

39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. 40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood. 41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis, 42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

Yooxanaa 4: 1-42

Naagtii reer Samaariya waxay la yaabtay in Ciise Masiix xitaa uu la hadli doono – Waqtigaana waxaa jirtay cadaawad u dhaxaysay Yuhuudda iyo reer Samaariya.  Ciise Masix wuxuu hadalkiisa ku isagoo weydiisanaya cabitaan labo arimo awgood.  Marka hore, sida ay leedahay, wuu harraadsanaa. Laakiin isaga (isagoo nebi ah) sidoo kale wuxuu ogaa inay iyada u oomman tahay si ka duwan sidii hore.  Waxay harraad u qabtaa farxad iyo raynrayn xagga nolosheeda ah.  Waxay moodeysay inay qancin karto haraadkan iyadoo xiriir sharci darro ah ay la leedahay ragga.  Waxay lahayd niman ama Rag badan, oo xitaa markii ay Ciise la hadlaysay  waxay la noolayd nin aan ninkeeda ahayn. Qof kastaa wuxuu u arkay inay tahay mid akhlaaq darn.  Tani waa sababta ay kaligeed u tagtay waqti duhur ah inay biyo soo dhaansato, madaama dumarka kale ee tuulada aysan dooneynin inay la joogto  ceelka aroortii hore.  Naagtani waxay lahayd rag badan, ceebaheedaana waxay ka fogeysay haweenka kale ee tuulada.

Axdigii hore wuxuu muujiyey sida dembigu u yahay haraad aad u daran ee xagga nolosheena ah

– haraadka  u baahan in la demiyo.  Dad badan, oo manta joogo ayaa si un dembi la nool sabab ah Omanaantan ama haraadkan ah. Ciise Masiix kama uu fogaan naagtan dembilaha ah.  Halkii uu oga sheegay inuu siin karo ‘biyo nool’ taas oo ka jibinaysay haraadkeeda.  Laakiin isaga kama hadleynin biyaha jirka (taas oo haddii aad cabto mar uun aad oommi doontiid mar dambe) laakiin isbeddel qalbigeeda, oo ah isbeddel xagga gudaha ah.  Nebiyadii Axdigii hore waxay sii sheegeen in axdigan cusub uu imanayo.  Ciise Masiix wuxuu axdiga cusub ogu ballanqaaday qalbi is beddelaya ‘xagga nolosha weligeed ah’.

  Si aad u Aaminto – Qirashada xagga runta ah

 Laakiin dalabkan ‘biyaha nool’ ayaa haweeneyda ku riday dhibaato.  Markuu Ciise u sheegay inay ninkeeda keento ujedada uu ka laha ayaa ahayd inay garato oo qirto dambigeeda – inay qirto.  Tani waa wax aan oga fogaaneyno qaymo kasta!  Waxaan door bidnay inaan qarinno dambiyadeena, annagoo rajeyneynaa inay cidna arkin.  Ama waxaan si macquul ah u qiimeynaa,oo marmarsiinyo u sameynaa dembigeenna.  Aadan iyo Xaawo ayaa Janada dhexdeeda ku dambaabay. welina maanta waxaan door bideynaa inaan qarinno ama aan raali galino dembigeenna.  Laakiin haddii aan rabno in aan helno naxariista Eebbe ee noo horseedaysa ‘nolosha weligeed ah’ markaa waa inaan daacad ahaano oo aan qiranno dembigeenna, waayo injiilka waxaa ku qoran balan qaadyo,

Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.

waa 1 Yooxanaa1: 9

Sababtaas darteed, markuu Ciise u sheegay Naagtii reer Samaariya  arinta ah Ilaah waa ruux, kuwa cibaadada waa inay ku caabudaan Ruuxa iyo runta …

 ” Runta ‘wuxuu ula jeeday inay run naga buuxdo oo runta ka sheegto

nafsadeena, ma aha inaan ka cudurdaarano ama qarino khaladkeena.  Warka wanaagsan ee eebbe  ‘doonayo’ oo aan ka leexan doonin waa cibaadada kuwa sida daacadnimada ah ula yimaadda.

 Laakiin hadday iyada aad ogu adagtahay inay qirto dambigeeda.  Qaabka ugu caansan ee loo qariyo ceebta ayaa ah in mowduuca dembiga loo beddelaa muran diineed.  Maanta adduunka waxaa ka buuxa khilaaf ama murun diimeed.  Waqtigaana waxaa jiray khilaaf diimeed oo u dhexeeya reer Samaariya iyo Yuhuudda oo ku saabsan meesha saxda ah ee lagu cibaadeysto.  Yuhuuddu waxay sheegeen in cibaadada ay tahay in lagu sameeyo Yeruusaalem gudaheeda, dadka reer Samaariyana waxay qabeen in lagu cibaadeesto  Buur Gerizim.  U jeesashada khilaafkan diimeed waxay doonaysay inay sheekadeeda ka leexiso  dembigeeda.  Hadda waxay kartaa inay dambigeeda ku qariso arin diimeed.

Si sahlanaan oo dabiici ah Ayaan isla wax u sameeynaa,gaar ahaan haddaanu nahay kuwoo diimeed.Kadibna waxaan xukumi karnaa siday kuwa kale u qaldan yahiin iyo sidaan inaga u saxsanahay inagoo iska indho tireeyno baahideena ah inaan qirano dambigeena.

Ciise Masiix qalaafkaa diimeed ee jiro kuma uu darin iyada.  Wuxuu ku adkeystay inaysan ahayn meel in badan lagu cibaadeysto, laakiin muhiimadda waxay tahay daacadnimada nafahaanteeda u tahay cibaadada.Meel kastoo ay ahaataba Ilaah hortiisa way imaan kartaaa (maadaama uu Ruux yahay ), laakiin waxay u baahantahay inay run ka sheegto nafteeda intay biyaha nool helin ka hor.

Sidaa daraadeed waxay ahayd inay goaan muhiim ah qaadato ama gaarto. Way sii wadi kartay inay ku qariso khilaaf diimeed amaba inay ka tagto.  Laakiin waxay aakhirkii dooratay inay ogolaato dembigeeda – inay qirto – sidaa daraadeedna  si toos ahna tuuladii ogu laabato  oo ay dadka  ugu sheegto siduu ciise u ogaadaya iyo waxa ay sameysay iyada.  Iyadu mar dambe si ay u qarin.  Markaa sameynta ay taasi sameeysay aawadeeda waxay noqotay ‘rumeeyste’.  Ka horna waxaay ahayd qof diimeed, sida inteena badani nahay, laakiin hadda iyada – iyo kuwoo badan ee tuuladeeda joogaba waxaay noqdeen rumeystayaal.

In la noqdo rumeyste ma aha mid u fudud in maskaxda laga cadeeyo wax barista saxda ah –iyo inay tahay fikirad muhiim ah .  Haddana sidoo kale rumaysashadaa Waxay ku saabsan tahay  ballanqaadkiisa leh naxariistiisa la aamini karo, sidaa darteedna mar dambe looma baahna in la daboolo dembiga.  Tanina waa siduu waqti aan dhaweyn u sameeyay Nebi Ibraahim (PBUH) si uu xaqnimo u helo – wuxuuna aaminay ballanta.

Miyaad ka cudurdaarn ama  qarin dembigaaga?  Miyaad ku qarinaysaa dhaqan diimeed oo wanaagsan ama khilaaf diineed?  Mise dembigaaga waad qiran?  Maxaad ugu imaan weyday Eebbe oo ah Abuuraheena oo aan si run ah ugu qiran waaynay dembiga oo keenaya gabood fal iyo ceeb?  Ka dib Markaasaad ku farxi kartaa inaad isagu caabudo .cibaadadaada oo kaa nadiifin doono xaqdarrada oo dhan.

Wadahadalada waxaan ka fahmi karnaa inay naagtan ogaatay Ciise Masiix inuu yahay ‘Masiixa’ (= ‘Masiixa’ = ‘Masih‘) oo muhiimad ahayd iyo ka dib markii Ciise  joogay oo uu laba maalmood baray iyaga.  Waxayna u fahmeen inuu yahay Badbaadshaha Aduunka “.  Malaha waxaa laga yaabaa inan si buuxda u fahmin waxaay tahay micnahan oo dhan.  Laakiin siduu Nebi Yaxye  uu u diyaariyey dadka si ay u fahmaan,oo dambiyadeena u qirano uu noo diyaarinayaa inaan xaggiisa ka helno Naxartiisa.  Tani waa talaabada ugu horeysa ee wadada toosan.

 Ilaahow, iiga naxariiso, dembiilanimadeeyda.

Ciise Masiix wuxuu wax ka baray…galida Jannada

Suuradda Al-Kahf (Surah 18 – Ilaah) wuxuu caddeeynyaa kuwa camal wanaagsan leh ‘jannada geli doonaan:

kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid, (martiqaad).

Suuradda Al-Kahf 18: 107

Xaqiiqdii, Surah Al-Jathiyah (Surah 45 -) waxay ku celcelineysaa in kuwa ‘camal wanaagsan’ay jnada ku geli doonaan Naxariista Ilaah.

kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn.

Suuradda Al-Jathiyah 45: 30

Maalin un Ma rajaynaysaa inaad jannada gasho ? Maxaase nalooga baahan yahay aniga iyo adiga inaan Jannada galno? Ciise Masiix waxaa suaal weydiiyay ‘khabiir’ Yuhuudi ah oo wax ka bartay  turjumaada sharcigii Nebi Muuse. Ciise Masiix wuxuu siiyay jawaab lama filaan ah. Hoos waxaa ku qoran wadahadalka lagu qoray Injil. Si aad u fahanto masaalda Ciise waa inaad fahanto in ‘reer Samaariya’ ay nebcaadeen Yuhuudda maalintaas. Taas bedelkeedna reer Samaariya way necbadeen Yuhuudda. Nacaybka u dhexeeya reer Samaariya iyo Yuhuudda ayaa markaa la mid lahayd maanta oo laga yaabo inay u dhexeyso Yuhuuda israailiyiinta iyo falastiiniyiinta, ama tan u dhaxaysa Sunniyiinta iyo Shiicada.

Masaalka ku saabsan nolosha weligeed ah iyo deriska wanaagsan

25 Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah?

26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.

28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

29 Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?

30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah. 31 Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray. 32 Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray. 33 Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay. 34 Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay. 35 Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

36 Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

37 Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.

Luke10: 25-37

Markii khabiirkii sharcigu ku jawaabay ‘Waa inaad rabigaaga Ilaahaaga ka jaclaataa qalbigaaga oodhan’ iyo ‘deriskaaga u jeclaada sida naftaada’ wuxuu ka hadlayaa Sharcigii Muuse. Ciise wuxuu muujiyey inuu si sax ah ugu jawaabay laakiin tani waxay kicisay su’aasha ah cidda deriskaaga ah. Markaa Ciise kula hadlay masaalka kula hadlay..

Tusaalaha waxaan filaynaa in dadka diinta (Faarisiinta iyo reer Laawi) ay ka caawin doonaan ninka la garaacay, laakiin way iska indhatirayaan oo waxay oga tagayaan xaaladdiisa oo waay iska indhay. tireen oo waxaay oga tageen meeshii lagu garaaca taban. Oo Diintooduna kama dhigin inay lahaadaan Daris Wanaagsa intii aan ugu yaraan ka sugeeynay,ayaa noqday cadaawahiisa- waa midka caawiya ninka la garaacay.

Ciise Masiix wuxuu faray inuu tago oo sidaasi sameeyo.. Ma garanayo adiga xagaaga, laakiin falcelinteyda ugu horreysa ee masaalkan waxay ahayd in ay ahayd in aan si qaldan u fahmay ama Isfahan laaan ahayd, ka dibna waxaa la ii dhigay inaan iska iloobo. 

Laakiin ka fikir dhammaan dagaallada, dilka, Qalbi xanuunka iyo murugada ku dhaceeysa hareeraheena maxaa yeelay dadka intooda badanu way diidaan amarkan. Haddaan u noolaan lahayn sidii reer samaariyaan oo kale magaalooyinkeena iyo dalalkeena nabad bay ahaan lahaayeen halkuu dagaalkaku sii kordhi lahaa Waxaan sidoo kale lahaan lahayn dammaanad ama balan qaad ay Jannada ku galaan. Sida ay hadda tahay, dad aad u tiro yar ayaa haysta dammaanad galayaan – xitaa haddii ay aad ugu noolyihiin camal diineed sida khabiirnimada sharciga  ula hadlay Ciise .

Miyaad qabtaa dammaanad nolosha weligeed ah?

Laakiin deriska noocan ah ma yahay Macquul? Sidee baan tan u samayn karnaa? Haddii aan nafteena daacad u noqono waa inaan qirnaa in noqoshada deris sida uu amray ay adagtahay in la sameeyo.

Halkanna waxaan ku arki karnaa rajo xoog leh maxaa yeelay markii aan aragnay oo aannan samayn karin waxaan noqonnay ‘kuwoo xagga ruuxa ka daciif ahh’ – Sidaasoo kale Ciise Masiix wuxuu baray inay lama huraan tahay in la galo Boqortooyada Ilaah.

Halkii aan iska indhatiri lahayn Masaalkan, ama aan ka cudurdaarn lahayn, waa inaan u isticmaalnaa si aan isu eegno oo aan u qiranno inaynaan sameyn karin – way adag tahay. Kadib, caawimaaddayada, waxaan Ilaah weydiisan karnaa caawimaad. Siduu Ciise Masiix ogu balln qaaday wacdigii wacdigii Buurta.sida ku qoran

7 Weydiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8 waayo, mid kasto oo weydiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.

9 Ninkiinnee baa haddii wiil-kiisu kibis weydiisto, dhagax siinaya? 10 Ama hadduu kalluunweydiisto, abeeso siinaya? 11 Haddaba idinka oo shar lehhadaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinnasiisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa waxwanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weydiista?

Matayos 7: 7-11

Marka waxaan haysanaa ogolaashaha Masiix si aan u weydiisano caawimaad – caawimaadaana waa la ballanqaaday. Waxaad u baahan tahay inaad Ilaah u baraydo sidan oo kale:

Aabaha Jannada ku jiroow. Waxaad soo dirtay nebi inuu na baro jidka toosan. Ciise Masiix wuxuu na baray inaan u baahnahay inaan jaclaado xitaa aan caawiyo xitaa kuwa u muuqdo sidii cadawgeeyga oo aanan taas sameyn  oo aan geli karin ama heli karin nolosha weligeed ah. Fadlan i caawi oo i beddel si aan jidkan u raaco oo aan u helo nolosha weligeed ah. Ii naxariiso aniga oo ah dambiile.

Waxaan kugu baryayaa dhiira gelinta iyo Ballan qaadkii Ciise Masiix.

Injiilka Waxaa ku qoran Markii Ciise Masiix la kulmay ninka reer samaariyaanka ah.Siduu nabigu ula dhaqmi lahaa qof loo arko inuu yahay cadow neceb dadkiisa (Yahuudda)? Wixii ku dhacay Samariyaanka, iyo waxa aan ka baran karno si ku noogu caawino in aan noqonno nooca Dariska aan u baahan nahay, waxaan ku eegeynaa cashirka xigga.

Ciise Masiix ayaa wax ku baray-Masaalo

Waxaan soo aragnay siduu Ciise Masiixa wax ogu baray isagoo leh awood gaar ah. Waxaa kale oo uu baray isaga oo adeegsanaya sheekooyin muujinaya mabaadiida runta ah. Tusaale ahaan, waxaan soo aragnay siduu wax oga baray Boqortooyada Ilaahay isagoo adeegsanaya sheekadii xafladii weyneyd, iyo sida uu u baray wax ku saabsan cafiska iyadoo loo marayo sheekada Addoonkii naxarii laabaha ahaa. Sheekooyinkaan ayaanwaxaa lagu magacaabaa Masaalo, Tan oo Ciise Masiix nabiyada dhexdooda gaarka u ahayd isticmaalidda Masaaladda siduu u muujinaayay masaaladiisa waxay ahayd sodan

Suuradda Al-‘Ankabut (Surah 29 – Spider) Waxaay noo sheegeysaa sidaasoo kale in Allah uu adeegsanayo Masaalo sida ku qoran:-

taasina waa tusaale aannu u yeelayno Dadka’wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro.

Suuradda Al-Ankabut29: 43

Surah Ibrahim (Surah 14) Waxaay noo sheegeysaa siduu Ilaah u isticmaalay masaalka ku saabsan geedka,waana:-.

ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan).oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan.Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn

Suuradda Ibrahim 14: 24-26

Masaaladii Ciise Masiix

Xertiisii ​​ayaa u timid oo ku tidhi maxaad masaalo ogula hadashaa?

10 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula

hadashaa? 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan,

 kuwaase lama siiyo. 12 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siindoonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waalaga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, ooiyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.

Matayos 13: 10-13

Aayadda ogu dambeeysay waxay ahayd fal celinuu ka falcelinayay Nabi Ishaaciya oo noolaa 700 BC oo ka digay waxyaabaha ku dhici kara qalbiyadeena.Si kale haddaan u dhigno Mararka qaar ma fahmi karno wax yaabaha maxaa yeelay Waxaa laga yaabaa inaanan haleelin sharaxaada ama waxaay ahaan jirtay wax adag oo aan fahmi karin. Xaaladda noocaas ah sharraxaadaha cad ayaa keeni karta jahwareerka. Laakiin waxaa jira marar kale oo aanan fahmi karin sababta oo ah iyada oo si qoto dheer aanan u doonaynin inay qalibiyadeena ku nagaato.Waxaa laga yaabaa inaanan aqbalin tan, markaa waxaan sii wadnaa weydiinta su’aalo ah sida haddii faham la’aanta xagga maskaxdeena ah ka timid xannibaadaa. Laakiin haddii wareerkeena u ka jiro qalbiyadeenna oo aan maskaxdeenna ku jirin markaa sharraxaad kuma filnaan doonto. Dhibaatadu markaa waa inagoo anan dooneynin inaan soo gudbino, ma aha inaan maskax ahaan fahmi karno.

Markii uu Ciise Masiix wax ku baray baray masaallo, saameynta uu ku yeeshay dadkii isu soo uruuray waxay ahayd mid la yaab leh. Kuwa aan si fudud ugu fahmin maskaxdooda waxay ka ogaan doonaan sheekada oo ay sii wareysan doonaan, iyagoo helaya faham, halka kuwa aan dooneynin inay soo gudbiyaan ay ula dhaqmi doonaan sheekada si xushmad iyo qaawan oo iyagu ma heli doonaan fahan dheeraad ah. Adeegsiga Masaalada waxay ahayd dariiqa macallinka weyn u dadka u kala sooco iyada oo uu beeruhu u kala baxayo sarreenka iyo caarada isaga oo aan xooreyn. Kuwa diyaarka u ah inay soo gudbiyaan waa laga soocay kuwa aan doonayn. Dadkaas oo aan doonaynin inay soo gudbiyaan waxay heli lahaayeen masaalkan jahwareersan maadaama quluubtoodu aysan diyaar u ahayn inay u soo gudbiyaan runta. In kasta oo ay arkeen, ma arki doonaan muhiimadda ama dhibacda.

Masaalo ku saabsan Haramaha

Markaay xertii Ciise masiix weydinaayay suaasha ku saabsan wax baridiisa ah Masaalada,ayaa markaa uu wax ku barayay boqortooyada Ilaah iyo saamaynta ay ku leedahay dadka.Midda koowaadna waxay ahayd sidan:-

 Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerray baxay inuu wax beer4 oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay.Kolkaasaa shimbiro yimaadeen oo cuneen. 5 Qaar kalenwaxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahaynkolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn6 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana enge-geen, waayo, xidid ma lahayn. 7 Qaar kalena waxay ku dhaceenqodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay. 8 Qaar kalenadhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol midna lixdan, midna soddon. 9 Kan dhego wax lagu maqlolahu ha maqlo.

Matayos 13: 3-9

Haddaba naxaay tahay micnaha masaaladan?Ma qiyaasi karno, maaddaama kuwa diyaarka u ah inay soo gudbiyaan ay xiisaho u lahaayeen Masaaladda oo ay weydiisteen macnaha ay leedahay, oo ay na siinayso oo ah:

18 Haddaba maqla masaalkii beerrayga. 19 Mid kasta oohadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kansharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray. 20 Oo kii meelaha dhagaxa ah lagubeeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.21 Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortidhib ama silec ugu dhaco hadalka aawadiis, markiiba waa kaxumaadaa. 22 Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalkamaqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaahadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midho la’aan. 23 Kii dhulkawanaagsan lagu beeray waa kan hadalka maqla oo garta, oo isaguwaa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

Mataayos 13:18-23

Waxaa jira afar jawaabood oo ku saabsan farriinta Boqortooyada Ilaah. Kan hore ma laha fahan’ oo Shaydaan (Iblis) ayaa farriinta qalbigooda ka qaaday. Saddexda jawaabood ee soo harayna dhammaantood waa kuwo aad u wanaagsan oo ay farriinta ka helayaan iyagoo faraxsan. Laakiin farriintani waa inay ku kortaa qalbiyadeenna waqtiyada ay xaaladda adagtahay. Kaliya maahan inay qalbigeena ku aqoon si aan u sii wadan nolosheena sida aan doonayno inaan ku noolaano. Markaa laba ka mid ah jawaabahan, in kasta oo markii hore ay heleen farriinta, uma ogolaanin inay ku koraan qalbigooda. Kaliya qalbiga afraad, oo ‘maqla erayga oo fahmaya “ayaa run ahaantii u soo gudbin lahaa qaabkii Eebe raadinayay.

Hal qodob oo masaalkan ka mid ah ayaa ah inaan annaga is  weydiinno su’aal; dadkaasi keen ahay anigu? ”kuwa run ahaan u ‘fahmaya’ ayaa noqon doona dalagga ama saraca wanaagsan. Hal dariiqo oo lagu xoojiyo fahamka ayaa ah in si cad loo arko wixii nebiyadii hore, ee ka soo bilaawday Aadan, ee lagu muujiyey qorshaha Eebbe oo ah Tawreed iyo Sabuur. Adam ka dib, Calaamadaha muhiimka ah ee Tawreed waxay ka yimaadeen ballan qaadkii loo sameeyay Ibraahim iyo allabarikiisii, Muuse, Tobanka Amar, Harun.. Waxaa lagu ogaaday sabuurka asalka uu ahaa Masiixa iyo Muujintii Ishaaciya,Yirmiyaah,Sakariyaah,Daaniyeel,iyo Malaakii ayaa sidaasoo kale noo diyaariyay sidaan ku fahmi lahayn Boqortooyada Ilaah.

Masaalka ku saabsan Gocandhada.

Ciise Masiix Sharaxa masaalkan ka dib ayaa xertii wuxuu wax ka baray masaalka ku saabsan Gocandhada sida ku qoran:-

24 Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyadajannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan kuabuuray. 25 Laakin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday,oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuutegey. 26 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midhodhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.

27 Kolkaasaaodayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen,Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurinXaggee haddaba gocondhadu uga timid?

28 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay kuyidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno ooururinno?

29 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan.

Matayos 13: 24-29

Micnaynta masaalka gocondhada ku saabsan

36 Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xer-tiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaal-kii gocondhadii beerta.

37 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi,Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha, 38 beer- tuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqor-tooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39 Oocadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dham-maadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa’igo.

40 Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay,sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu 41 Wiilka Aadanaha ayaa malaa’igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyokuwa dembiga fala. 42 Oo waxay ku tuuri doonaan foornadadabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43 Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyadaAabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.

 Matayos 13: 36-43

Masaalka ku saabsan iniin khardal ah, iyo masaalka ku saabsan khamiir

Ciise Masiix wuxuu sidoo kale wax ku baray Masaal aad u kooban

31 Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyadajannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oobeertiisa ku beeray. 32 Taas waa ka wada yar tahay iniinaha odhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oodhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbiraha cirku uyimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

33 Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxayu eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasoooo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.

 Matayos 13: 31-33

Si kale haddii loo dhigo, Boqortooyada Ilaahay waxay ku bilaaban doontaa wax yar oo dunidan ah laakiin ka dib waxay ku kori doontaa adduunka oo dhan sida khamiir ka dhex shaqeeya cajiinka iyo sida abuurka yar oo u baxa geedo waaweyn. Kuma dhicin xoog, ama dhammaan mar, koritaankiisu waa mid aan muuqan laakiin meel kasta oo aan la joojin karin.

Masaal ku saabsan Qarsoodiga khasnadaha iyo Luul ee qiimaha weyn

44 Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.

45 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayac- mushtari luul wanaagsan doonaya. 46 Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuuiibiyey oo iibsaday.

Matayos 13: 44-46

Masalooyinkaani waxay diirada saarayaan qiimaha Boqortooyada Ilaahay. Ka fikir khasnad beerta ku dhex qarsoon. Maaddaama ay qarsoon tahay qof walba oo ag mara oo beerta jooga wuxuu u malaynayaa in beerta qiimo yar yahay sidaa darteedna uu faaiido ku lahayn. Laakiin qof ayaa gartay inay jirto khasnad halkaas beerta ka dhigaysa mid aad u qiimo badan – Qaymo ku filan in lagu iibiyo wax kasta oo lagu iibsado laguna helo khasnadda. Sidaas oo kale ayay la mid tahay Boqortooyada Ilaah – waa qiima inta badan aan la arkin,laakiin kuwa yar oo arkay waxay u qalmaan waxay heli doonaan qiimo weyn.

Masaalka ku saabsan shabagga

47 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabagbadda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey. 48 Kan markuubuuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteenoo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaanaway tuureen. 49 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakh-tiga dunidu. Malaa’igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwasharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50 oo waxayku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doontabaroor iyo ilko jirriqsi.       

(Matayos 13: 47-50)

Boqortooyada Ilaah dadka ayey kala sooci doontaa. Kala soociddan ayaa si buuxda loo muujin doonaa Maalinta Xukunka – marka quluubtu qarsoon yihiin.

Boqortooyada Ilaah si qarsoodi ah ayey ugu kortaa, sida khamiirka cajiinka ah, oo ay u leedahay qiimo weyn oo inta badan laga qariyo, oo dadka ku dhex keenta jawaabo kaladuwan. Waxay kaloo dadka u kala saaraysaa kuwa fahma iyo kuwa aan fahmin. Kadib markii Ciise baray Masaalkaa,markaa dhagaystayaashii wuxuu weydiiyay su’aal muhiim ah.

 

51 Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen,Haah.

Matayos 13: 51

Adinkana ma fahantay?

Ciise Masiix wuxuu wax ku baray is cafintaa

Surah Ghafir (Surah 40 – Is cafinta) waxay baraysaa in Eebbe dambi dhaafo

Ee dhaafa danbiga aqbalana toobadda, ayna darantahay ciqaabtiisu, ee nicmada badanleh, Eebe aan ilaahay ahayna ma jiro, xaggiisaana loo noqon Kuwa (Malaa’igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna Mahadin Eebehood wayna rumeysanyihiin, waxayna u dambi dhaaf warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Eebahanow waxaad ugu waasac noqon wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambidhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana dhawr cadaabka jaxiimo.

Surah Ghafir 40: 3 & 7

Suuradda Al-Hujurat (Surah 49 – Rooms) waxay noo sheegaysaa inaan nabada ilaalino midba midka kale si aan u helno naxariis.

Mu’miniintu waa uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee.

Suuradda Al-Hujurat 49:10

Ciise masiix wuxuu baray wax ku saabsan Ilaah, wuxuuna sidoo kale ku xidhiidhinaya is cafinta m idba midkeen kale.

Isa al Masih cafiya dadka kale

Markaan daawado wararka adduunka waxay umuuqataa in dhiig daata iyo rabshadu ay ku sii kordhayaan adduunka oo dhan. Qaraxyada ka dhaca Afgaanistaan, dagaallada ka dhacaayo Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, rabshadaha Masar, dilalka ka dhaca Pakistan, rabshadaha ka socda Turkiga, afduubka iskuulada ee Nigeria, dagaallada Falastiin iyo Israa’iil, magaalooyin lagu xasuuqay Kenya – kuwaasoo dhan waa waxaan maqlay oo aan arag anigoo raadinaya war xun. Intaas kor ku xusan waa denbiyo, dhaawacid iyo cabashooyinka aan isku qaadnay midba midka kale oo aan ka dhigin cinwaanno warar – laakiin si kastaba ha ahaatee na dhaawacaya. Maalintani aargudashada iyo aargoosiga, barida Ciise Masiix ee saamaxa waa cafis aad u weyn. Maalin maalmaha ka mid ah xertiisii ​​waxay weyddiiyeen inta jeer oo ay tahay inan is cafinaa. Waana sida kucad Injil:-

Sheekadii Addoonkii Aan naxariis laheyn

21 Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa?

22 Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.

23 Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato. 24 Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo [a]talanti uu ku lahaa. 25 Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.

26 Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye. 27 Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.

28 Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay.

29 Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye.

30 Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa. 31 Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan. 32 Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.

33 Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay? 34 Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.

35 Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis

Matayos 18: 21-35

Ujeeddada sheekadiisu waa haddii aan aqbalnay naxariistiisa, Ilaah (Boqorka) aad ayuu noo cafiyaa. Oo tanina waxaa lagu muujiyey tobanka kun oo kiish oo dahab ah oo uu addoonku lahaa. Addoonkii wuxuu caddeeyey inuu u baahan yahay waqti dheeri ah si dib loogu bixiyo. Laakiin taasi waa lacag aad iyo aad u weyn oo aan weligeed dib loo bixin, sidaa darteed Boqorka ayaa cafiyay deynta oo dhan. Tani waa waxa Eebbe noo sameeyo haddii aan helno naxariistiisa.

Laakiin isla addoonkaas wuxuu helay nin kale oo amaah ku lahaa boqol qalin oo lacag ah. Wuxuu dalbaday lacag oo dhan, mana siin doono addoonkii kale wakhti dheeri ah. Markaan iska cafino midba midka kale waxaa jira dhaawac iyo burbur, laakiin marka la barbar dhigo sida dembigeennu u murugooday oo u dhaawacay Eebe wax aan micno lahayn – sida 100 xabbo oo lacag ah marka loo eego toban kun oo jawaan dahab ah.

Markaa Boqorka (Ilaah) ka dib Adoonkii u diray xabsiga si uu u bixiyo wax walba. Wax baristan Ciise Masiix,ee ah in aan la cafiyin dembiyada iyo carada ay dadku nagu sameeyeen waa in aan iska cafinaa cafiska Allah oo aan naarta naloogu xukumin. Ma jiraan wax ka sii daran.

Caqabadda ayaa ah in la haysto ruuxa cafiska. Markuu qof wax na yeello rabitaanka aargudashada wuxuu noqon karaa mid aad u weyn. Marka sidee baan ku heli karnaa ruuxan cafinta? Waxaan u baahanahay inaan sii wadno sahaminta Injil.