Quran ka ayaa badalay Kitaabka Quduuska ah! Maxu Quraanku ka leyahay arinkaas?

Xataa haddii aan aqoonsanahay in Quraanka iyo Sunnaha labada xaqiijinayaan in Kitaabka ( Tawreed , Injiil iyo Zabur uu ka samaysan yahay al Kitab ) aan la bedelay ama kharribeen (sida aan halkan iyo halkan muujiyey ) waxaa weli ka tago furo su’aasha ah ee in ay Kitaabka Quduuska ah / al Kitab waxaa superseded , baabi’iyo ama bedelay Quraanka . Muxuu Quraanka laftiisa dhihi fikraddan ?

Waxaana kugu Soo Dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo Rumayn wixii ka Horeeyey oo Kitaab ah. Isagoo Marag iyo ILaaliye u ah, ee ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe hana ka Raacin Hawadooda waxa kuu Yimid oo Xaq ah, Dhammaan waxaan u Yeellay Shareeco iyo Waddo hadduu Doono Eebana wuxuu idinka Yeeli Umad kaliya, Laakiin wuu idinku Imtixaami wuxuu idin Siiyey ee u Tartama Khayrka, Xagga Eebe yey Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idiinka Warrami waxaad isku Diidanaydeen… Suratul Al-Maa’iida 5:48.

Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay. Suratul Al- Ahqaaf 46:12
Kanna wan Kitaub aan soo Dejinay oo Barakaysan, oo Runiayn wixii ka Horreeyey iyo inaad ugu Digtid Maka ye Dhinaeyadeeda. kuwa Rumayn Aakhira waxay Rumeyn Quraanka salaaddana way ILaalin. Suratul Al- Ancaam 6:92
Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay, arkaana. Suratul fatir 35:31

Marinnada waxa aay ka hadlayaa oo aay ku saabsanyihiin inu Quraanka xaqiijinaayo ( nasaqay , gardarroodo ama bedelida ) fariinta hore ee Kitaabka Qudduuska ah ( al Kitab ) . Si kale haddii loo dhigo , ayaadahanu ma sheegayaan in Mu’miniintu aay ka foogadan barashada waxaygii hore oo aay baratan waxaygii ugu dambeyeey . Sidaa darteed Mu’miniinta waa inay barataan oo aay adeecan waxaygii hore sido kale.

Tan waxa aay sidoo kale xaqiijiyanasa ina aay ayadaha inayna jirtin ‘ kala soocnaaan’ ‘ u dhexeeya ama kala duwaansho waxyiga Ilaahay (Swt). . Halkan waxaa ku qoran laba ayadood oo aan ogaaday :

“Wuu rumeeyey Rasuulku wixii looga soo dajiyey Xaga Eebihiis, Mu’miniintuna (way rumeeyeen) dhamaana waxay rumeeyeen Eebe, Malaa’igtiisa kulubtiisa iyo Rasuuladiisa, mana kala geynayno mid ka mid ah Rasuuladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalay oon adeecnay, dhaafidaada. Eebahanow xaggaagaana loo ahaan.” ( Suratul Al-Baqarah 2:285)

waxaad dhahdaan “ waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe.” Suratul AL- Baqarah 2:136

Ayaada koowaad waxa aay ino sheegaysa inaan waxa kala soocnaan ah u dhaxayniin ama kala duwanasho Rasuulladdii- oo waxa weeye in dhamaantood la dhagaysto ama la maqlo ta labaad waxa jira inaan wax farqiya u dhaxyniin waxyigii lagu so kala dejiyeey Nabiyadii ( Cs) Ilaahay (swt)- waan in dhamaantood la aqbalo. Dhamaan ayadaha sare ku xusan midna ma soo jeedinayso in ayadahii hore in la halmaamo ama aan la akhrisan waayo maxa yeelay waxyigii danbe ayaa nasaqay.

Arinkan aan hore u soo xusnay waxa uu tusaale u yahay wax baridii Isa al- Masiix (NNKH). Isaga laftiisa muu odhaniin waxygii hore ee tawreed iyo Sabuur waa la nasaqay markii waxyiga lagu soo dejiyeey. Runtii isagu waxa uu baray arin arinka ka duwan oo ka so horjeeda. Hoose ka akhri sida uu u xushmayn jiray Tawreed ee sida joogtada uu uga hadli jiray waxbarsitii Nabi Muuse(Cs).

17 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi’iyo; uma aan iman inaan baabbi’iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo 18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada. (Matayos 5:17-20)

Runti, si aaynu wax uga fahano wax baridiisi waxa uu ino sheegay in marka hore aaynu ku bilowno Tawreed kadibna aan barano Sabuur. Sida soo socota ayuu Ciise wax u bari jiray xertiisi:

Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa. ( Luukos 24:27)
Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse ( tusaale ahan Tawreed) iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray ( tusaale ahan Sabuur). ( Luukos 24:44).

Isa al Masiix (NNKH) iskumu dayin inu iska ilaaliyo waxyigii isaga ka horeyaay. Runti waxa uu baristiisa iyo toosintiisa uu ka bilaabi jiray waxyiga hore. Marka aniguna waxa aan raacaya tusaalihiisi oo waxa aan ku bilaabay barida Tawreed si aan asaaska lagu fahmo ee Injiil.

Waa la badalay Injilka! Maxuu Sunnaha uu ariinkas ka qaba?

Qoraalkaygii hore  waxa aan eegay waxa uu Quraanka ka leeyahay waxaygii Tawreed, Sabuur iyo Injiilka ee hada loo yaqaan Kitaabka Quduuska ah.  Waxa aan dareemay in Quraanka markii Nabi Maxamed (NNKH) lagu so dejiyeey waxayiga in dadka aaminsana waxaygi Injiilku aay wali ahayeen dad Ilaahay (Swt) rumeysan ( Taasi oo ka dhigan inaan wakhatigaas aan la badalin) taasi oo aheyd ilaa 600 AD.

Xatta sida Quraanka karimka ah ku cad waxa aay ayadaha Ilaahay (Swt) cadeynayaan in uu Injiilku yahay ereyga Ilaahay (Swt) taasina aan qof shaqsiyada anu badali karin. Haddii aan rumeysano ereyga Ilaahay (Swt) waxa aay ka dhigan tahay inaan cidina bedali karin waxyiga Ilaahay uu isagu Ilaashanayo sida Quraanka oo kale  , waxayiyadii ka horeyeey sida Tawreed, Sabuur iyo Injiilka.

Waxaan doonayaa inaan sii daraasadeeyo  arinka uu Sunnah Rasuulka (Cs) uu ka qabo ariinkan.  Ka fiirso sida  Axadiista soo socota aay u xaqijinayso jirtaankii Tawree iyo Injiil  wakhtigii uu Nabi Maxamed (NNKH) io istimaalkoodiba.

“Khadija [ xaaskiisa ] markaas isaga la socday [Nebiga – NNKH]  ina-adeerkrrd Waraqa … , kaas oo , inta lagu jiro xilliga Islaamka ka hor wuxuu noqday Masiixi oo waxa uu isticmaali jiraay ku qoro qoraal ama xarfaha Cibraaniga ee Yahuuda . Waxa uu qoralka ku turjumi jiray sida Injiilka afka Cibraaniga sida uu Ilaahay (Swt) uu ka raalida yahay .” Al- Bukhari Vol 1 , Kitaabka 1 , No 3

Waxa uu Abuu Hurayrah (A.K.R.)wareyiyeeya :.. Dad eheludiinku waxa aay akhrisan jireen Kitaabka Tawreed oo ku qorna afka Cibraaniga ee Yahuuda waxana dadka Muslimiinta ah loogu fasiri jiray afka Carabiga . Markaas ayaa  Rasuulkii yidhi, ” Ha rumaysaniina  ehelu Kitaabka ah , hana  beenina iyaga ama ha rumeysan waayina ,laakin  waxaad dhahdaa waxaan rumaynay Eebe iyo wax kasta oo uu nagu soo Dejiyey … ‘ Al- Bukhaari Vol 9 , Kitaabka 93 , No. 632

Yuhuuddu waxa ay u yimaadeed  Rasuulka  Eebe  waxayna u sheegen in nin iyo qof dumar oo iyaga ka mid ah aay isksutaggeen galmo sharci-darrada ah . Kadib Rasuulki Eebe wuxuu iyagii ku yidhi , ” Maxaad ku qoranTawreed oo ku saabsan ciqaabta sharciga ah ee Ar- Rajm ( dhagax lagu dilo ) ? ” Waxay ku jawaabay , ” (Laakiin ) waxaan ku dhawaaqi  dambigooda oo waa la shabuugayn . ” Abdullah bin Salam  ayaa ku yidhi, ” Waxa aad sheegaysaan been ; Tawreedka waxa ku qoran amarka Ar- Rajm . ” … Aayadda ee Rajm halkaas ayeeyku qorantahay . Oo waxay ku yidhaahdeen , ” Muhammad ayaa u sheegay runta ; Tawreed waxa ku jirta  Aayadda Rajm . Al- Bukhaari Vol. 4 , Kitaabka 56 , No. 829 :

Waxa so wariyeey Cabdillahi Ibnu Cumar :..  Koox Yuhuudda ayaa u yimid oo casuumay Rasuulka Allah ( NNKH) in Quff . … Waxay yirahdeen: ” AbulQasim , mid naga mid ah ayaa ka sinaysatay qof dumar ah ;  marka waxan doonayna inaad iyaga kala saarto ‘ . Waxay meeshaas barkin  u dhigeen Rasuulka (SCW) oo ku fadhistay oo wuxuu ku yidhi : ” keena Tawreed ” . Markaas ayaa loo keenay . Ka dibna barkinti ayuu ka kacay oo saaray Kitaabka Tawreed: ” . Waxaanu yidhi waxan rumeysanahay idinka iyo kan inugu so waxyooday oo Rabiga,” sunankiisa Abu Daawuud Book 38 , No. 4434 :

Waxa soo wariyeey Abuu Hurayrah (A.K.R.): Rasuulkii Allah ( NNKH) ayaa yiri : maalintii ugu wanaagsan ee qorraxdu soo baxdo waa Jimce , oo maalintaas ayaa Aadan l;a abuuray, … .Ka’b yiri : Taasi waa hal maalin sannad kasta . Sidaas waxaan ku idhi : Waa Jimce kasta . Ka’b akhriyeey Tawreed oo wuxuu ku yidhi : Rasuulkii Allah (NNKH)  runta ayuu ku hadlay. Sunankiisa Abu Daawuud Book 3 , No. 1041

Xadiiskan aan lagu murmeyn ee saxeexah waxa uu ino sheegaya dabeecadii Maxamad ( NNKH) sida uu Kitaabka Quduuska ugu dhaqmi jiray. Xadiiska ugu horeyaa waxa uu ino sheegaya jiritaanka Injiilka markii ugu horeysay ee uu waxyiga Ilaahay (Swt) uu ku so dejiyeey isaga. Xadiiska labaad waxa uu inoo sheegay sida Yahuudu aay cibraaniyada luuqadooda aay Tawreeda ugu bari jireen bulshada Muslimiintii ugu horeysay. Nabiga (NNKH) kamu murmi jirin jiritaanka kitaabadii isgaa ka horeyaay, laakiin waxa jiray kala duwanaansho ( Taasi oo aheyd in la cadeeyo ama la dafiro) sida aay ugu macneeyan lugada carabiga.  Labada Xadiis ee ugu danbeeya waxa aay ino sheegayan in Nabi Maxamad (NNKH) inu isticmaali jiray Tawreed xiligiisii taasi oo uu ku go’aan qaadan jiray.  Xadiiska ugu danbeeya waxa uu inoo sheegaya in Tawreed, sida ku qoran aay tahay in la abuuray ninki ugu horeeyay aduunka oo ah Aadan (Maalin Jimce ah).  Dhamaan axdiista aan soo aragnay oo dhan midna wax yar oo madmadowi kuma jiraan ama sheegaya in Kitaabka Quduuska ah la badalay ama la musuqmasuqay. Waxa lo isticmalaa codsiyada ama arimaha bulshada.

Qoraalladii dhawaa ee Injiilk ( Axdiga Cusub)

Waxan haysta buug ka hadlaaya dukumentiyada Axdiga Cusub. Waxa uu ku bilawoda sida tan:

 “ Buugani waxa uu ina tusinayaa 69 qoraaladii kuwi ugu horeyeey Axdiga Cusub oo luqada kala duwan ku qoran… kuwasii oo aha ilaa qarniga 2baad ama bilowgii qarnigii 4aad  ( 100-300 AD)…Kaasi oo ka koobaan 2/3 Axdiga Cusub qoraallkiisa”  (P. Comfort, “The Text of the Earliest New Testament Greek Manuscripts”. Preface p. 17. 2001).

Tani waa muhiim waayo qoraalladanii waxa aay yimaadeen Boqortooyaddii Roomaniyinta ee Konistitina ninki la odhan jiray uu hoogaminayeey ee ( ca 325 AD ) , kaasii oo inta badan lagu eedeeyay inu beddelaay qoraalka Kitaabka Quduuska ah. Haddii uu isgu badeley qoraalka oo isaga ka horreeyey (Waayo wakhatiga uu yimid isagu waay jireen kitaabtu)  hadii aay inu is barbardhigno qoraalka  waxa jiraa Kitaabka Quduuska ah oo dhamaystiran xatta inta aanu Nabi Maxamd ( NNKH) anu iman.  Waxaa ugu caansan Codex Sinaiticus ka ( ca 350 AD ) iyo Codex Vaticanus ( CA 325 AD ) .

Kuwani oo kale kumanaan qoraalladii ka horeyeey 600 AD waxa aay ka yimaadeen qaybo kala duwan oo dunida ah . Fikradda ah Kiristanka ama Masiixyinta ayaa beddelaay qoraalka, kuwaasi wax macno ah ma sameyaan . Waxa suurtagalana mahaa, waayo, badalada la badlayo ereyga Ilaahay (Swt) wadamo badan kumay heeshiyeen, kumanany heshiiyeen qoraalka ama suurta gal ma ahateen in dhamaan aay isku raacaan fikrada ah waxa la badlayo iyo waxa kale. Xitaa haddii kuwa wadamada Carabtu aay sameeyeen bedelka , waxa aay ahaan lahayd in walalahooda kale uu qoraalku ka duwaanado, bal tuusale aan ka so qaadno wadanka Suuriya iyo Yurub, waxa aay ahaan lahayeen qoraal aad u kala duwaan maa dama dhaqanka Masiixiyinta Carabta Suriya iyo kuwa reer Yurub aay kala dhaqan duwanayeen in kasta oo aay isku diin rumeysanayeen. Laakiin Quraanka iyo axadistu aay cadeynayaan in qoraalka kitaaba Quduuska ah uu jiraay qiyaastii 600 AD ,Kitaabka Quduuska ah wuxuu ku salaysan yahay qoraal ka horeeyeey Islaamka, taasina waxa aay cadeynaysa inaan la badlain Kitaabka Quduuska ah ee maanta jira. Bal eeg wakhtiyada tariikhiga ah ee hoose ku qoran, waxa aay muujinaysa in qoraalada Kitaabka Quduuska ah aay tariikh  ka horeysay 600 AD tahay.

Qoraladdi ugu horeyeey nuqulo ka mid ah sida Tawreed iyo Zabur  xatta waxa aay ka horeyeen Injilka.  Qoraalada laysku soo uururiyeey ee loo yaqan , Badda Dhimatay qoraladeedii, waxa la helay 1948 ayaa laga helay Badda Dhimatay. Qoraladaan oo ka koobna Tawreed iyo Sabuurka oo la diyariyee 200-100 BC. Taasina waxa aat ka dhigan tahay in Nabi Muuse (NNKH) logu so dejiyeey Tawreed ila (1500 BC) xatta waxa aan haysana qoralda Tawreed oo xatta cadeynayaa inaay Nabi Isa Masiix (NNKH) aay ka horeyeen iyo Nabi Maxamadba (NNKH). Laakiin labadoduba midna muu beenini mana odhaniin waxba lag badaley Tawree iyo Sabuur marki aay dacwada baafinayeen ( Taasi oo qoraalada ku qoran Kitaabka Quduuska ah ee maanta aaynu haysana aay jireen wakhatigaasba) Xatta marka waxa aan hubna oo aa ammini karna inaan marnaba la badalin kitaabadii nabiyada sido kale. Fadlan sii aan xaga sayniiska aan u cadeeyo runtii in laysku halayn karo ( oo aan wax la badaly jirin) kitaabka Quduuska ah halkan riix.

Waxa uu Nabi Maxamed (NNKH) cadeyeey sida ku qoran sunnaha, iyo sida ku qoran Kitaabka Quduuska ah waxay dhamaan kuso gabagabeyeen qoraalkooda xatta uu ku jiro Quraanku- Inaan Kitaabka Quduuska ah la badali Karin lana musqmasuqi Karin.

Qoraaladii hore ee Bible maanta - ka waqti dheer ka hor
Qoraaladii hore ee Bible maanta – ka waqti dheer ka hor

Kitaabka Injiilka miya la badaley? Muxuu Quraanka Karimka ah ka Leeyahay ariinkaas?

Waxa aan leeyahay saxiibo fara badan oo Muslimiin ah. Waayo aniguba waxa aan ahay qof Ilaahay (Swt) yaqaana oo rumeysan, waxa anaan amiinsanahay Injiilka. Waxa aan inta badan saxiibahayga Muslimiinta ah ka wada sheekaysana amminaada iyo Iimaanka. Marka aad runtii eegto waxa yaabo fara badan ayaan iskaga mid nahay, in ka kabadan dadka reer galbeedka qaar ka mid ah oo Ilaahay (Swt)aan rumeysnayn ama aan u arag rumeysiga Ilaahay ( Swt) inu noloshooda sameyn karo.

Laakiin marka aay sheekooyin diinta kus saabsam na dhex maraan aniga iyo saxiibadeyda Muslim ka ah in aay ku andacoodan in Injiilka la badalay (Kitaabka Quduuska ah), ama la musuqmasuqay, arintaasina waxa aay tusaysa marka in Kitaabka Quduuska ah aan la aamini Karin oo khalad badanii ku jiro oo anay sax ahay waayo waxa lagu andacoonayaa in laga badalay sidi aay Nabiyaashi ama dadki Ilaahay (Swt) rumeysanayeen aay qoreen marku Ilaahay (Swt) uu uso waxyooday iyaga.

Tani waxa aay ka dhigan tahay inaanay ahayn arin yar oo fuduud, waayo macanaheedu waxa uu yahay inaan laba aamini karin Kitaabka Quduuska ah oo ah ereygiii Ilaahay (Swt). Anigu waxa aan akhriya Kitaabka Quduuska ah iyo Quraan Kariimka ah labadaba, waxa kale oo aan dhigta Sunahaa. Waxa aan aad ula dhakafara dadka ka shakisan Kitaabka Quduuska ah sida ugu badan aduunka maanta, laakin aad uguma dhakafaro Quraanka. Runtii, Waxa aan aad ugu dhakafaraa sida Quraanku uga hadlo Kitaabka Quduuska ah. Runtii waxa an raba inaan halkan ku so koobo waxa aan ugu jeedo waxan oo dhan aniga oo so xiganayaa Quraanka uu turjumay Yusuuf Cali).

Maxaa uu Quraanku kaga Hadlayaa Kitaabka Quduuska ah (Towreed, Sabuur iyo Injiilka).

Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah. ( Suratul Maaidah: 68) ( waxa kale oo aad fiirisa Suratul an- Nisa, ayada 136)

 

Haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya. (Suratul Yoonis: 94).

 

Tani waxa aay ku tusaalaynaysan in waxayiga uu Ilaahay (Swt) u dhibay ‘ Dadka Kitaabada rumeysan’ ( Sida Masiixiyinta ama Yahuuda) aay tahay waxay kayimd Ilaahay (Swt) .

Hada saxiibadayeda Muslimiinta ah waxa aaay yirahdaan tani waxa aay ka dhigan tahay waxayigii hore ee runta ah ee Ilaahay ( Swt) soo dejiyeey, laakiin hadi la badalay macnihii ereygii Ilaahay (Swt) soo dejiyeey waxa aay ka dhigan tahay inaan maanta laysku halayn karin Kitaabadii ka horeyey Quraanka. Laakiin qaybta labaad ee ayadaha kor ku xusan waxa aay sheegaysa oo aay cadeynaysa in uu eryega Ilaahay [Swt] yahay joogto ee aanu aheyn ficil tagay.

Kama hadlayso waxaygii asalka aha laakiin markii waxayigaa Quraanka uu yimid. Waxa Quraanka lagu soo dejiyeey nabi Muxammad [S.c.w] wakhati fara badan ilaa 600 A.D. Marka waxa aay ka dhigantahay in uu Kitaabka Quraanku cadeynayo in kutubada Yahuudu aay jireen xiligii 600 A.D kutubta kalena waa la mid. Halkan hoos ka eeg wixi cadeyna ah sida Quraanka ku qoran:

waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn ( Suratul Al- Nahal 16:43)

 

Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn (Suratul Al- Anbiyaa :7).

Ayaada sare ku xusan waxa aay ka hadlaysa Rasuuladii ka horeyeey Nabi Muxammad [ S.c.w] Laakiin waxa muhiim ah in ayaadu cadayensayso in fariinta loo soo dhibay Rasuuladii/ Nabiyaashii aay aheyn qaar la isticimalayeey oo la haystay ilaa (600 A.D) dadka rumeysna. Waxana cad inaan Nabi Muxammad [ S.c.w] anu badalin ama aanu musuqmasuqin waxaygii isaga ka horeyeey wakhatigaas uu joogay.

Quraanka Kariimka ah waxa uu cadeynayaa inaan ereyga Ilaahay (Swt) aan la badali karin.

Marka aan dareen weyn ka qaadan in suurta gal aay tahay in Kitaabka Quduuska ah la badali karo / ama wax aan ku jirin lagu dari karo ama laga saari karo taasi Quraanka kariimka ah ma cawinayoo ama ma tageerayo. Bal maskaxda ku ahaay Suratul Maaidah, ayada 68 ( Towreeda… Injiilka… inaay tahay waxayii xaga Ilaahay ( Swt) ka yimiid ee aanu bini’aadan soo dejiniin), fadlan bal akhri ayaad soo socoda:

Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii ( Suratul Al- Ancaam :34).

 

Waxay ku Taam Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle og ( Suratul Al- Ancaam :115).

 

Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn ( Suratul Yoonis :64).

 

akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid ( Suratul Al-kaahaf :27).

Kadib, hadii aan ku heshiino Nabiyaashii [S.c.w] uu ku xigay Nabi Maxammad (S.c.w) in Ilaahay (Swt) uu u dhibay waxaygiisa sida ku qoran ( Suratul Maaidah: 68-69), oo aay ayadahanii in badan ku celcelinayaan in aan qofna ereyga Ilaahay (Swt) badali karin. Sidee ayeey ku dhacday in dad badan aaminan in qof shaqsiya ama dad aay badali karan Kutubta Ilaahay (Swt) sida Towreeda, Sabuur ama Injiilka ( kitaabka Quduuska ah)? Hadii aad Quraanka akhrido waxa aay ka dhigantahay inaad xatta dafirto Quraanka laftiisa oo ka hadlayaa inaan ereyga Ilaahay ( Swt) la badali karin.

Run ahaantii, fikrada ah in waxayiga Ilaahay (Swt) soo dajiyeey kuwi hore iyo kuwii danbe la kala sooco oo qar la yidha waa la badalay, taasi oo Quraanka ugu danbeyeey anu marna taagerayniin fikradaas.

waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe ( Suratul Al- Baqarah: 136) ( Waxa kale oo aad fiirisa Al- Baqarah : 285).

Sidaa daradeed waa inaynaan kala soocin waxayiga Ilaahay (Swt) iyo Kutubtiisa. Waa inaan dhamaan wada barana oo aan akhrisana kutubtiisa. Runti, waxa aan kula taliyaa Masiixiyinta inay Quraanka bartan sido kale waxaan Muslimiinta kula taliyaa inay Kitaabka Quduuska bartaan.

Waxa aay u bahantahay in la barto Kutubta Ilaahay wakhti iyo dhiirigelin badan. Su’aalo fara badan ayaa ka so bixi. Runti waa arin faa’iido badan ino leh inta aan aduunka joogno in aan barano Kitaabada Ilaahay (Swt) ku so dejiyeey Nabiyashii oo dhan. Anigu hadii aan shaqsi ahaan iska hadlo in badan ayeey igu qadaatay inaan barto kutubta Ilaahay (Swt), su’aalo farabadana maskaxdeyda ayeey ku dhasheen, laakiin waxa weyn ayaan ka faa’iidaystay Ilaahayna (Swt) wuu igu barakeyeey.

Run ahantii waxa aan filayaa inaad wax badan ka baran doonto maqaalka shabakadan http://al-injil.net/. Laga yaabee in meesha ugu horeysa ee casharkaga aad ka bilaabi karta yahay maqaalka ah maxuu xadiiskii Nabi Maxammad (S.c,w) ka leyahay isticimaalka iyo barashada Towreeda, Sabuurka iyo injiilka ( Kuwaas oo marka laysku daro la yira Kitaabka Quduuska ah).