Ciise Masiix wuxuu u yimid inuu raadiyo……kuwa lunsan

Suratul Fussilat(Suradda 41- ayaa u sharaxeysa si faahfaahsan )iyadoo eegeeysa maalinta xunka oo dadka loo safi doono si ay xitaa maqaarkooda ogu noqdo marqaati.Sida ku qoran-

 kaasina waa malihiinii aad u malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray.()

Surada Fussilat 41:23

Xukunkooda ugu dambeeya ayaa noqon doona

Waxaan u darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray

Surada Fussilat 41:25

Tanaa xusuusin xoog badan u ah in badan oo naga mid ah oo kaamilnimadii ka luntay.Laga yaaba xitaa adiga.Tanina waxaay abuurtaa dhibaato sida ku qoran Surada Al-Mu’minun (Surada 23 – Muminiin) ayaa sharxeeysa

 Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari.

Surada Al-Mu’minun 23: 102-103

Kuwaas oo  ahaa kwa miisaamay camalkooda wanaagsan ayaa rajo weyn u leh badbaadada, laakiin kuwa miisaanka miisaamaa waxay u lumiyaan rajola’aan.  Suurad Al-Mu’minunna waxay leedahay waxay ku lumeen halaag.  Markaa waxaa jira kala qaybinta dadka u dhexeeya kuwa diinta iyo daahirka ah (rajo rajo u qaba badbaadada) iyo kuwa aan nadiif ahayn – aan nijaas lahayn.  Isa al Masih wuxuu si gaar ah u yimid inuu caawiyo kuwa aan nadiifka ahayn – kuwa lumay ee loogu talagalay Naarta sida looga digay Suuradda Fussilat iyo Surah Al-Mu’minun.

Inta Badanaa, dadka diinta haysto waxay ka fogaan jireen kuwa aan diinta haysan iyagoo ka baqaya inay Nijaasoobin.  Tanina waxaa  rumeeysnaa macallimiinta shareecada  xilligiii Ciise Masiix.  Oo waxay iska fogeeyn jireen kuwaa nijaasta ah, Si ay daahir u sii ahaadaan.  Laakiin Ciise Masiix wuxuu baray in Daahirsanaanteena iyo nadaafaddeena ay tahay ogu horeeyn Qaluubteena ama Qalbigeena.soay tahay tan ugu horreysa quluubteenna.  Oo sidaasuu kula joogi doonaa kuwa aan daahirka ahayn.  Waana sida ku qoran Injiilka oo sheegayo xiriirkii uu la lahaa Dambiilayaasha iyo fal celintii uu siiyay Macalimiintii shareecada,waana.

  Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan. Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.

Lukoos 15: 1-2

Haddaba waa maxay sababtuu ciise Masiix u soo dhaweeyay oo ula cunteeyay Dambiilayaasha?Dembiga ma ku farxay?Ciise Masiix ayaa eedeeyntaasi oga jawaabay isagoo u sheegayo seddax masaalo ama sheekooyin.

Masaalkii ku saabsanaa laxdii luntay.

 Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi, Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo? Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan. Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.

Lukoos15:3-7

Cise Masiix Sheekadan  wuxuu inala barbardhigay ide isagana  uu yahay ilaaliyaha idaha.  Sida adhijir kasta uu u raadinayo idaha lumay, isaga wuxuu laftiisu goobayaa raadinyaa dadka lunsan.  Waxaa laga yaabaa in aad sameeysay dambigoo – xitaa ha ahaado mid qarsoodi ah oo uu qof ka mid ah qoyskaaga ogayn.  Ama waxaa laga yaabaa in noloshaada, ay u dhibaateeysan tahay oo ay jaha wareersan tahay oo uu kaa dhigo mid uu kaaga tago dareen lunsanaan. Sheekadani waxay siinaysaa rajo maxaa yeelay waad ogaan kartaa in Ciise Masiix uu doonayo inuu ku soo helo  oo ku caawiyo.  Wuxuu doonayaa inuu ku badbaadiyo intaanay dhibaato ku baabi’inin.Sida ku qoran-

Ka dib wuxuu u sheegay mid ama sheeko labaad.

Masaalkii lacagtii luntay.

Ama naagtee baa toban [a]daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa’igaha Ilaah hortooda.

Lukoos15:8-10

Qisadaan waxaan nahay kuwoo qaymo leh Laakiin lacagta  lumay iyo kan raadinaayo inuu yahay isaga.  Waxyaabaha birta lihi  in kasta oo lacagta guriga meel ka mid ahi ku luntay, laakiin iyada ahaan isma oga’ inay luntay. Isuma  dareemayso lumid.  Waa haweeneyda dareensan dareen lumintaan sidaa darteedna waxay guriga u nadiifisaa si taxaddar leh iyadoo eegaysa hoosta iyo dhabark wax kasta oo guriga dhexdiisa ah.Mana ku qanacsanayn ilaa ay ka hesho lacagtaa luntay.  Laga yaabee inaadan ‘dareemin’ lumitaan.  Laakiin runtu waxay tahay inaan dhamaanteen u baahanahay inaan toobad keenno, oo haddii aadan taa ahayn, markaa waad lumisay, inaad adigu dareemato iyo haddii kale.  Ciise Masiix qaymo ayaad u leedahay laakiin lacagtii luntay oo wuxuu dareemayaa wixii lumay in la raadiyo oo laga shaqeeyo oo laga dhigo mid si cad kugu soo laabatay ama si cad kugu toobad keento.sida ku qoran –

 Sheekadiisa labaad ayaa ah midda ogu Xoogga badan.

Masaalkii ku saabsanaa wiilkii lumay.

11 Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa. 12 Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa. 13 Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya. 14 Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo. 15 Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo. 16 Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin. 17 Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa. 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale. 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday. 21 Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga. 22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya. 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno,

Sida ku qoran Lukoos15:11-32

Sheekadan dhexdeeda haddaan noqon lahayn wiilka weyn, ee diiniga ah ama wiilkii yaraa ee aadka u fogaaday. In kasta oo wiilka weyn uu dhawro dhammaan qawaaniinta diimeed  oo waligiis ma uu fahmin qalbiga jacaylka aabihiis . Wiilkii yaraa wuxuu moodayay  inuu xorriyadda helayo haduu ka baxo guriga laakiin wuxuu isu arkay isagoo adoonsi xagga badbaadada iyo aadminimada. Ka dib dareenkiisq ayaa u soo noqday oo wuxuu isku yiri gurigaada dib waad ogu noqon kartaa .  Dib ugu noqoshadiisa waxay muujinaysaa inay qalad ahayd inuu ka tago meeshii hore oo uu ku noolaan jiray, in la sameeyo tanina waxaay u baahan tahay is-hoosaysiin ama hoos isu dhigid.  Tani waa tusaale naloo siiyay inay naga caawiso inaan fahano waxa ku saabsan’toobad keenida’, Tan oo ahayd  sidii geesimada lahayd ee Nebi yaxye wax u baray,oo micna run aha ahayd.

Markuu kibarkiisii ogaaday oo uu  ku soo noqday aabihiis wuxuu helay jacayl ka badan  ka badan jacaylkii uu rajeynaa.  Kabahii, Xargahii, Faraatigii ,iidii, barakadii, aqbalaaddii – dhammaantood waxan waxaay ka hadlaayee jacayl.  Sheekadani waxay naga caawineysaa inaan fahanno  jacaylka weyn ee Ilaah noo qabo, isagoo doonaya inaan isaga u soo noqonno.  Waxay u baahan tahay ‘toobad keenid’ laakiin markii aan doonistena sidaas ku samayno waxaan arki doonaa isagoo diyaar noo ah inuu na aqbalo. ka heli doonnaa isaga oo diyaar u ah inuu na aqbalo.  Tani waa waxa uu doonaayay inuu Ciise masiix na baro.  Ma iisu dhiibi kartaa oo ma aqbali kartaa jacaylka noocaas ah?