Ciise Masiix wuu ‘ Xajiyay

Surada al-xaj (Surada 22 – xajinta ina) Waxay noo sheegaysaa in laysugu imaan jiray isu imaashooyin kala duwan iyo dabaaldegyo la siin jiray waqtiyo kala duwan.Laakiin ma ahayn sadqayn hilibeed oo gaar ah,laakiin waxa muhiimsanayd waxa gudaheena ku jiray. Sida ku qoran

Ummad kasta waxaan u yeellay Cibaado (Ciid) inay ku Xusaan Eebe wuxuu ku Arzaaqay oo Xayawaanka Nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah kaliya ee u Hogaansama una Bishaaree, kuwa Xasilloon (ee Cabsada) ee ah.Kuwa marka la Xuso Eebe ay Cabsato Quluubtoodu, kuna Samra waxa ku Dhaca ee Ooga Salaadda, waxaan ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya.Loogga (Hadyada) waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana idiinku Sugan Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib Xidhan, markay U dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan Warsanba, Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan.Ma gaadho Eebe Hilibkeedu iyo Dhiiggeedu waxaase Gaadha ka Dhawrsoonidiinna, Saasaana Eebe idiinku Fududeeyaa inaad ku Waynaysaan wuxuu idinku Hanuuniyey una Bishaaree kuwa Wanaagga Fala.

Surada al-Xaj 22:34,37

 Biyo waa qaybta ogu muhiimsan ururka ama isu imaashaha iyo dabaaldegyada Xajjka sida ay xujaayda u raadiyaan inay Biyaha Zam Zamka ka cabaan ceelka.Laakiin Suradda al-Mulk (Surada 67 – Madaxbanaanida) waxay na weydinaysaa suaalo muhiim ah sida ku qoran

Dheh balse Warrama hadday Biyuhu Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma jiro Eebe waxaan ahayn).

Surada al-Mulk 67:30

Ciise Masiix wuxuu suaashan oga hadlay Xajka Yahuuda ee lagu subkay Nebi Muuse.Waxan ku eegi doonaa oo aan soo qaadaneynaa aragtida xajka.

Xajka ayaa si fiican loo yaqaan.  Waxa aan aad loo aqoon ayaa ahayd Shareecada Nebi Muuse ,oo  la helay 3500 sano ka hor, sidoo kale yahuuda rumeysadka leh ayaa looga baahnaa inay ku sameeyaan xajkooda  Yuurasaleem ama Al Qudus sanadkiiba. Halkii Xaj ayaa loogu Iiddii Waababka ama Sukkot. Xajkan ayaa lahaa meelo badan oo ay iskiiga mid yahiin Kana ma Xajka Maanta.Tusaale ahaan, labadan Xujaay xagga taariikhda todobaad qaas ah,labaduba waa kuwoo lagu bixiyo xoolo alabarayo ah, labadooduba waxay ahaayeen helitaanka biyo gaar ah sida biyaha zamzamka ah, labaduba waxay lahaayeen in bannaanka la seexdo, iyo iyadoo labadaba lahaayeen in todobo jeer lagu soo wareego si socod ah meesha Barakadeeysan.Ciidda waababka  ayaa Yahuudda u ahayd sida Xajka.Ilaa iyo hadda Yahuudda ayaa u dabaal degtaa Ciidda waababka laakiin markii macbudkoodii ay boqortooyadii Roomaankii sanadkii 70 si ka yar duwan u debaal degaa.

Sida ku qoran siduu Injiilka u qoray Yooxaana cutubka 7 inuu Ciise ka qayb galay Ciidii Waababka.Waxaa kale oo uu injiilka cadeeynayaa siduu Ciise Masiix u qabtay waajibaadka xajka-Xajkiisa.Cutubka ayaa si faahfaahsan  u qoraya.

Ciise wuxuu u aaday Iiddii Waababka (Yooxanaa 7)

Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan. Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd. Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid. Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji. Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.

Yooxaanaa 7:1-5

Ciise masiix oo walaalahiis ola dhaqmaayeen si kakan rumeysiga ay rumeeynin aawadeed.Walaalaha Isa al Masih waxay nebiyada kula dhaqmayeen nebi sababtoo ah ma ay rumaysan isaga.  Laakiin mararkii dambena dhacday in isbedel ku dhacday maskaxdooda sabata ah labo ka mid ah walaalahiis  Yacquub  iyo Yudaas ,oo markii dambe qoray waraaqo (loo yaqaan Yacquub iyo Yuudas) kuwaas oo qayb ka ah Axdiga Cusub (Injil).  Maxaa beddelay?  Sarakiciddii Ciise Masiix.Sida ku qoran

 

Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa. Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin. Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan. Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.10 Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey. 11 Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? 12 Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa. 13 Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

Ciise Wuxuu Dadkii Baray Inuu Ilaah Ka Yimid

14 Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray. 15 Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran? 16 Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray. 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo. 18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto. 19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan? 20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen. 22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan. 23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey? 24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.25 Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan? 26 Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa? 27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.

Yooxaana 7:6-27

Doodda wakhtigaas ka dhex jirtay Yuhuuddu waxay ahayd in Ciise Masiix isaga ahaa iyo in kale.  Yuhuudda qaar ayaa rumeysanaa in meesha Masiixa uu ka imaan doono aan la ogeeyn. Maadaama ay ogaayeen meesha uu ka yimid waxay moodayeen inuusan markaa Masix ahayn. Sidaa daraadeed xaggee bay ka heleen xaqeeqadan ah  in asalka Masiix aan la ogaan doonin?  Ma waxaay ka heleen Towreed ? Mise Qoraalladii nebiyada?  Dhamaantoodba ma aha!  Nebiyadu waxay si cad u sii sheegeen halka uu Masiixa ka imaan doono.  Nebi Miikaah  wuxuu qoray taas sanadkii 700 BC ,waa

Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa’iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis

Miikaah 5:2

Waxsii sheegiddan (ka eeg halkan si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah) waxay ku bilaawday in taliyaha (= Masih) uu ka imaan doono Beytlaxam.  Runtii dhalashadii Ciise  uu ku dhashay Beytlaxam sida loo sii sheegay 700 oo sano ka hor dhalashadiisa.

Waxay ahayd dhaqan diimeed oo waqtigaas la yiri meesha uu Masiixi ka imaan doono lama yaqaan.  Waxay sameeyeen qalad sababta oo ah ma aysan xukumin wixii  ay nebiyadii qoreen laakiin  intay ku xukumi lahaayeen taa bedelkeeda waxay ku xukumeen figradaha wadada, fikrado maalmeedkooda – xitaa figradaha ka socda culimada diinta. Waxaan ku dhicin inaan qalad la mid ah sameynin.

Cutubkii ayaa sii socda……….

? 27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.

28 Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin. 29 Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.

30 Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman. 31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?

32 Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga. 33 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray. 34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan. 35 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah? 36 Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

Biyaha Nool

37 Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin

Yooxanaa7: 27-39

Maalintaa Ciidda ah Yuhuuddu waxay biyo ka soo qaadaan il gaar oo ay biyo ka soo burqadaan oo ku taal Koonfurta Yuurasaalem,oo waxaay magalada ka galaan xagga ah xagga koonfureed ee Yeruusaalem oo waxay galeen magaalada ilaa ‘IAlbaabka Biyaha’ oo biyaha waxaay u qaada meesha allabariga ee macbudka.  Intii ay ku guda jireen qabashada xafladan biyaha xurmada leh ayuu Ciise qayliyey, sidii uu horay u sii sheegay, inuulahaana isagu ahaa isha ‘Biyo nool’.  Markuu sidaas lahaana wuxuu iyaga xusuusinayay harraadkan ku jira qalbiyadeenna taasoo noo hogaaminaya xagga dembi taasoo wax ku saabana nabiyadii ka qoreen.

40 Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii. 41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa’uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa’uud joogay? 43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis. 44 Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.

Yooxanaa 7: 40-44

Dib maraan u soo noqono, sida maanta oo kale, dadku waxay ku kala qaybsameen Ciise Masiix.  Sidaan kor ku soo aragnay, nebiyadu waxay sii sheegeen dhalashada Masiix ku dhalan doono Beytlaxam (oo uu Ciise ku dhashay). Laakiin maxay tahay suaasha ah inuu Ciise ka imaanaynin Galili?  Nebi Ishacyaah wuxuu qoray 700 BC wax ku saabsan arintan.

  Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah. Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.

Ishaaciyaah 9: 1-2

Nebiyadu waxay sii sheegeen in Ciise wax baridiisa ku bilaabayo (inuu waag ka baryi ‘Galililee’ – oo runtii ahayd meesha uu Ciise ka bilaabay waxbaristiisa oo uu inta badan ku sameeyay mucjisooyinkiisa.  Mar labaad dadku way qaldameen maxaa yeelay iyagu si taxaddar leh uma aysan baran nebiyadii oo waxay rumeyseen oo keliya waxa la aqbali karo.

45 Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen? 46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay. 47 Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey? 48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga? 49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin. 50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi, 51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo? 52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.

Yooxaanaa 7: 45-52

Khubaro ku xeel dheer sharciga ayaa gebi ahaanba khaldanaa tan iyo markii Ishacyaah uu sii sheegay in Iftiiminta ay ka imaanayso ‘Galiilee’.

 Laba cashar ayaa maskaxda ku soo dhacadaa oo ah xagga cutubkan. Marka hore way fududahay inaan soo bandhigno dhaqdhaqaaqeena diiniga ah si qiiro badan leh laakiin aqoon aqoontu yar tahay.ku qabsanno howlaheena diiniga ah qiiro badan laakiin aqoon yar.  Xukunkaani run ma u qaadan karnaa?

  Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha.

Rooma10: 2


Waxaan u baahanahay inaan baranno waxay nebiyada  qoreen  si ay u ahaadaan hab wanaagsan.

 Midda labaad, Ciise wuxuu bixiyay dalab.  Xajkooda wuxuu ku yidhi

  37 Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.

Yooxaanaa 7: 37-38

Bixintan Waxa la siiyay ‘qofkasta’ (Yuhuudda oo keliya lama siin, ama Masiixiyiinta oo keliya iwm) ee waxa la siiyay kan ‘ooman’.  Adiga ma haraadsan tahay? (halkan).  Way fiican tahay in laga cabo ceelka zamzamka.  Sidoo kale maxan oga cabbi waayney Masiixa  kaasoo qancin kara haraadkeena gudaha?