Ciise Masiix wuxuu bixiyaa ‘Biyaha Nolosha’

 Suuradda Al-Mutaffifin (Surah 83 – Qayaamida) il biyo ah oo laga helayo Jannada ayaa loo rajeynayaa kuwa ugu dhow Ilaah.

 Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.

Suuradda Al-Mutaffifin 83: 25,28

 Suuradda Al-Insan (Surah 76 – Dadka) ayaa si la mid ah u sharraxaysa ilaha sharafta leh eek u sharfa kuwa gala Jannada.

kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,

Suuradda Al-Insan 76:5-6

Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi). 

Suuradda Al-Insan76: 17-18

Laakiin waa maxay waxa ku saabsan haraad ama Oomanaanta aan noloshan ku haysanno?  Waa Maxay wax ku saabsan kuwa inaga mid ah oo aanan ‘ugu dhowaanin Allah’ sababta dembiilenimo iyo xishood horeba?  Ciise Masiix wuxuu wax ka baray arintan markay la kulmeen naag la diiday.

 Horey waxaan u soo baranay siduu Ciise Masiix uu baray sida aan ula dhaqami lahaayn cadaawayaasheena. Adduunka aanu manta joogno waxaa ka jirna khilaafyo badan oo dunida aanu joogno ka dhigtay midaay ka buuxdo murugo ama tiiraanyo aad u xun leh.  Ciise Masiix ayaa masaalo ku baray in gali taanka jannada ku xidhan tahay sidaan ula dhaqanay cadaawaheena.

Way fududahay in hal shay la baro, iyadoo falimadeedana kala duwan tahay.  Imaamyo badan iyo kuwoo kale oo  macalimiin diimeed ayuu baray shay laakiin waxay ku noolaayeen si kale.  Ka waran Ciise Masiix?  Mar ayuu la kulmay Naag reer Samaariya ah.  (cadaawayaashii Yuhuudda ee waagaas). Sida ku qoran injiilka

 Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen), ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili. Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro. Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf. Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.

Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi. Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan. Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.) 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool. 11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool? 12 Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba? 13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa, 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. 15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado. 16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay. 17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi. 18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay. 19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. 20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo. 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. 22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. 23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. 24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta. 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.

27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada? 28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii, 29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa? 30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii. 31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun. 32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn. 33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo. 35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska. 36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan. 37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa. 38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.

39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. 40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood. 41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis, 42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

Yooxanaa 4: 1-42

Naagtii reer Samaariya waxay la yaabtay in Ciise Masiix xitaa uu la hadli doono – Waqtigaana waxaa jirtay cadaawad u dhaxaysay Yuhuudda iyo reer Samaariya.  Ciise Masix wuxuu hadalkiisa ku isagoo weydiisanaya cabitaan labo arimo awgood.  Marka hore, sida ay leedahay, wuu harraadsanaa. Laakiin isaga (isagoo nebi ah) sidoo kale wuxuu ogaa inay iyada u oomman tahay si ka duwan sidii hore.  Waxay harraad u qabtaa farxad iyo raynrayn xagga nolosheeda ah.  Waxay moodeysay inay qancin karto haraadkan iyadoo xiriir sharci darro ah ay la leedahay ragga.  Waxay lahayd niman ama Rag badan, oo xitaa markii ay Ciise la hadlaysay  waxay la noolayd nin aan ninkeeda ahayn. Qof kastaa wuxuu u arkay inay tahay mid akhlaaq darn.  Tani waa sababta ay kaligeed u tagtay waqti duhur ah inay biyo soo dhaansato, madaama dumarka kale ee tuulada aysan dooneynin inay la joogto  ceelka aroortii hore.  Naagtani waxay lahayd rag badan, ceebaheedaana waxay ka fogeysay haweenka kale ee tuulada.

Axdigii hore wuxuu muujiyey sida dembigu u yahay haraad aad u daran ee xagga nolosheena ah

– haraadka  u baahan in la demiyo.  Dad badan, oo manta joogo ayaa si un dembi la nool sabab ah Omanaantan ama haraadkan ah. Ciise Masiix kama uu fogaan naagtan dembilaha ah.  Halkii uu oga sheegay inuu siin karo ‘biyo nool’ taas oo ka jibinaysay haraadkeeda.  Laakiin isaga kama hadleynin biyaha jirka (taas oo haddii aad cabto mar uun aad oommi doontiid mar dambe) laakiin isbeddel qalbigeeda, oo ah isbeddel xagga gudaha ah.  Nebiyadii Axdigii hore waxay sii sheegeen in axdigan cusub uu imanayo.  Ciise Masiix wuxuu axdiga cusub ogu ballanqaaday qalbi is beddelaya ‘xagga nolosha weligeed ah’.

  Si aad u Aaminto – Qirashada xagga runta ah

 Laakiin dalabkan ‘biyaha nool’ ayaa haweeneyda ku riday dhibaato.  Markuu Ciise u sheegay inay ninkeeda keento ujedada uu ka laha ayaa ahayd inay garato oo qirto dambigeeda – inay qirto.  Tani waa wax aan oga fogaaneyno qaymo kasta!  Waxaan door bidnay inaan qarinno dambiyadeena, annagoo rajeyneynaa inay cidna arkin.  Ama waxaan si macquul ah u qiimeynaa,oo marmarsiinyo u sameynaa dembigeenna.  Aadan iyo Xaawo ayaa Janada dhexdeeda ku dambaabay. welina maanta waxaan door bideynaa inaan qarinno ama aan raali galino dembigeenna.  Laakiin haddii aan rabno in aan helno naxariista Eebbe ee noo horseedaysa ‘nolosha weligeed ah’ markaa waa inaan daacad ahaano oo aan qiranno dembigeenna, waayo injiilka waxaa ku qoran balan qaadyo,

Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.

waa 1 Yooxanaa1: 9

Sababtaas darteed, markuu Ciise u sheegay Naagtii reer Samaariya  arinta ah Ilaah waa ruux, kuwa cibaadada waa inay ku caabudaan Ruuxa iyo runta …

 ” Runta ‘wuxuu ula jeeday inay run naga buuxdo oo runta ka sheegto

nafsadeena, ma aha inaan ka cudurdaarano ama qarino khaladkeena.  Warka wanaagsan ee eebbe  ‘doonayo’ oo aan ka leexan doonin waa cibaadada kuwa sida daacadnimada ah ula yimaadda.

 Laakiin hadday iyada aad ogu adagtahay inay qirto dambigeeda.  Qaabka ugu caansan ee loo qariyo ceebta ayaa ah in mowduuca dembiga loo beddelaa muran diineed.  Maanta adduunka waxaa ka buuxa khilaaf ama murun diimeed.  Waqtigaana waxaa jiray khilaaf diimeed oo u dhexeeya reer Samaariya iyo Yuhuudda oo ku saabsan meesha saxda ah ee lagu cibaadeysto.  Yuhuuddu waxay sheegeen in cibaadada ay tahay in lagu sameeyo Yeruusaalem gudaheeda, dadka reer Samaariyana waxay qabeen in lagu cibaadeesto  Buur Gerizim.  U jeesashada khilaafkan diimeed waxay doonaysay inay sheekadeeda ka leexiso  dembigeeda.  Hadda waxay kartaa inay dambigeeda ku qariso arin diimeed.

Si sahlanaan oo dabiici ah Ayaan isla wax u sameeynaa,gaar ahaan haddaanu nahay kuwoo diimeed.Kadibna waxaan xukumi karnaa siday kuwa kale u qaldan yahiin iyo sidaan inaga u saxsanahay inagoo iska indho tireeyno baahideena ah inaan qirano dambigeena.

Ciise Masiix qalaafkaa diimeed ee jiro kuma uu darin iyada.  Wuxuu ku adkeystay inaysan ahayn meel in badan lagu cibaadeysto, laakiin muhiimadda waxay tahay daacadnimada nafahaanteeda u tahay cibaadada.Meel kastoo ay ahaataba Ilaah hortiisa way imaan kartaaa (maadaama uu Ruux yahay ), laakiin waxay u baahantahay inay run ka sheegto nafteeda intay biyaha nool helin ka hor.

Sidaa daraadeed waxay ahayd inay goaan muhiim ah qaadato ama gaarto. Way sii wadi kartay inay ku qariso khilaaf diimeed amaba inay ka tagto.  Laakiin waxay aakhirkii dooratay inay ogolaato dembigeeda – inay qirto – sidaa daraadeedna  si toos ahna tuuladii ogu laabato  oo ay dadka  ugu sheegto siduu ciise u ogaadaya iyo waxa ay sameysay iyada.  Iyadu mar dambe si ay u qarin.  Markaa sameynta ay taasi sameeysay aawadeeda waxay noqotay ‘rumeeyste’.  Ka horna waxaay ahayd qof diimeed, sida inteena badani nahay, laakiin hadda iyada – iyo kuwoo badan ee tuuladeeda joogaba waxaay noqdeen rumeystayaal.

In la noqdo rumeyste ma aha mid u fudud in maskaxda laga cadeeyo wax barista saxda ah –iyo inay tahay fikirad muhiim ah .  Haddana sidoo kale rumaysashadaa Waxay ku saabsan tahay  ballanqaadkiisa leh naxariistiisa la aamini karo, sidaa darteedna mar dambe looma baahna in la daboolo dembiga.  Tanina waa siduu waqti aan dhaweyn u sameeyay Nebi Ibraahim (PBUH) si uu xaqnimo u helo – wuxuuna aaminay ballanta.

Miyaad ka cudurdaarn ama  qarin dembigaaga?  Miyaad ku qarinaysaa dhaqan diimeed oo wanaagsan ama khilaaf diineed?  Mise dembigaaga waad qiran?  Maxaad ugu imaan weyday Eebbe oo ah Abuuraheena oo aan si run ah ugu qiran waaynay dembiga oo keenaya gabood fal iyo ceeb?  Ka dib Markaasaad ku farxi kartaa inaad isagu caabudo .cibaadadaada oo kaa nadiifin doono xaqdarrada oo dhan.

Wadahadalada waxaan ka fahmi karnaa inay naagtan ogaatay Ciise Masiix inuu yahay ‘Masiixa’ (= ‘Masiixa’ = ‘Masih‘) oo muhiimad ahayd iyo ka dib markii Ciise  joogay oo uu laba maalmood baray iyaga.  Waxayna u fahmeen inuu yahay Badbaadshaha Aduunka “.  Malaha waxaa laga yaabaa inan si buuxda u fahmin waxaay tahay micnahan oo dhan.  Laakiin siduu Nebi Yaxye  uu u diyaariyey dadka si ay u fahmaan,oo dambiyadeena u qirano uu noo diyaarinayaa inaan xaggiisa ka helno Naxartiisa.  Tani waa talaabada ugu horeysa ee wadada toosan.

 Ilaahow, iiga naxariiso, dembiilanimadeeyda.