eMasiixa ayaa lagu muujiyay – xagga Baristiisa Awoodda leh

Suuradda Al-‘Alaq (Surah 96 – Dharka) wuxuu noo sheegaysaa in Eebbe ina baray waxyaabo cusub oo aanaan hore u aqoon.

Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.Dadkana baray waxayna aqoonin.

Suuradda al-Alaq96: 4-5

Suuradda Ar-Rum (Surah 30 – Roomaanka) waxay sii sharxaysaa in Eebbe sidaas ku sameeyo isagoo farriin u diraya nebiyada si aan u fahanno halka aan ku khaldanahay cibaadada Ilaah ee saxda ah.

mise waxaan ku soo dejiney xujo, oo ku hadli waxay Eebe la wadaajin.

Suuradda Ar-Rum30: 35

Nebiyadani waxay leeyihiin amar ka yimid xagga Ilaah si ay noogu sheegaan halka ay ku sugan yihiin cilaaqaadkeenna khaldan ee Ilaah, ha ahaato xagga fikirkeenna, hadalkeenna iyo dhaqankeenna. Nebi Isa al Masih NNKH wuxuu ahaa macalin noocan oo kale ah wuxuuna lahaa awood u gaar ah inuu ku kashifo xitaa fikradaheena gudaha si aan uga leexanno khalad kasta oo gudaha ka dhaca. Waxaan halkaan ku eegeynaa. Markaa waxaan eegnaa calaamadaha awoodda uu ku bixiyay mucjisooyinka bogsashada.

Ka dib markii Ciise Masiix uu jirrabay Shaytan (Iblis) wuxuu bilaabay inuu u adeego sidii nebi oo kale isagoo bari jiray. Waxbaridiisii ogu dheereeyd ee lagu qoray Injiilka waxaay ahayd wacdigii buurta dusheeda. Wacdigii buurta dusheeda oo dhamaystirana halkan,inakoo ku siinayno faahfaahinta hoos ku xusan,Ka dibna waxaan xiriir la yeelanaynaa wax bariddii Ciise Masiix,eek u saabsanayd waxa uu Nabi muuse ku sheegay Towreed.

Isa al Masih (PBUH) ayaa baray waxyaalaha soo socda

27 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan. 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa. 30 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa. 31 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo. 32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

Dhaaraha Iyo Runsheegidda

33 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah. 35 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa. 36 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow. 37 Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.

Aargudashada

38 Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. 39 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

Jacaylka Iyo Dabeecadda Daahirka Ah

43 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di’iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. 46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? 47 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? 48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

Matayos5: 21-48

Wacdigii Ciise ee buurta dusheeda

Isa al Masih (NNKH) wuxuu ku baray qaabka “Waad maqasheen in la sheegay… laakiin waxaan kuu sheegayaa…”. Qaab dhismeedkan marka hore ka soo xiganayaa Tawreed, ka dibna wuxuu ku fidiyaa baaxadda amarka ujeeddooyinka, fikradaha iyo ereyada. Ciise Masiix wuxuu wax baray isaga oo qaadaya awaamiir adag oo laga bixiyay Nebi Muuse (NNKH) wuxuuna ka dhigay xitaa kuwa aad uga adag sidii loo samayn lahaa!

Laakiin waxa kale oo cajiibka ah sida uu u waasaciyay ama u ballaadhiyay amaradii Tawreed. Wuxuu ku sameeyaa iyada oo ku saleysan awooddiisa. Wuxuu si sahlan u odhanayaa ‘Laakiin waxaan kuu sheegayaa…’ taasina waxay sii kordhineysaa baaxadda amarka. Tanina waxay ahayd hal shay oo gaar u ahaa waxbarashadiisa. Sida Injilku sheegayo markuu dhammeeyay Khudbaddan

28 Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen, 29 waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

Matayos 7: 28-29

Runtii, Ciise Masiix wuxuu wax barayay sidii qof awood weyn leh. Inta badan nebiyada waxay ahaayeen Fariin wadayaal faafiyo fariinta ka timid xagga Eebe, laakiin way ka duwanayd. Waa maxay sababtuu Ciise Masiix u sameeyay tan?Sidaan ku soo aragnay halkan Darajadii Masiixa lagu siiyay Sabuurka oo soo socoto. Wuxuu lahaa awood weyn. Sabuurradii 2 ee Axdiga hore, halkaas oo Awooda Ciise Markii ogu horeeysay la sharraxay Eebe wuxuu kula hadlaya Ciise Masiix sidan:-

I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.

Sabuurradii 2: 8

Masiixa waxaa lasiiyay amar uu ku xukumo quruumaha, xataa tan iyo dhulka darfihiisa. Sidaa daraadeed  sida uu masiixa u leeyahay awood uu wax ku baro habka uu u sameeyay..

Nabiga iyo Wax baridii buurta

Xaqiiqdii, sidaan halkan ku aragnay Taurat, nebi Muuse wuxuu saadaaliyay imaatinka ‘Nabiga’, kaasoo lagu xusi doono habka uu wax u baray. Muuse ayaa qoray

18 Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan. 19 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa.  

Sharciga Kunoqoshadiisa 18: 18-19

Isagoo baraya qaabkii uu u baray, Ciise wuxuu adeegsanayay awoodiisa Masiix isagoo fulinaya wax sii sheegistii Muusena ee Nabiga soo socda oo si weyn wax u bari doona. Waxayna labaduba ahaayeen Masiixa iyo Nabi.

Adiga iyo aniga iyo wacdintii buurta

Haddii aad si taxaddar leh u akhrido Wicitaankan Buurta ku si aad u aragto si aad u addeecdo markaa  inaad jahwareersan tahay. Sidee qof ugu noolaan karaa amarrada noocaan ah ee ka hadlaya qalbiyadeenna iyo ujeeddooyinkeenna? Maxay ahayd Ciise wacdintiisan? Jawaabta waxaan ka arki karnaa gabagabadiisii wacdigiisa.

Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

Matayos 5:48

Waxaan had iyo jeer u maleyneynaa in laga yaabo inay si fudud uga wanaagsan yihiin camalka xun – taasi way ku filnaan doontaa. Hadday taasi dhacdo, oo Eebbe ha inaga yeelo Jannadiisa, waxaan baabi’in lahayn dhammeystirka Jannada oo waxaan u rogi karnaa khaladaadka aan ku hayno adduunkan. Waa damacayaga, damacnimada, xanaaqa ee maanta nolosheena burburiyay. Haddaan aadno Janada inagoo weli haysano damacaas, cadhada Jannadaas si dhakhso leh ayey u noqon doontaa sida adduunkan –ibaatooyinkan aanu inaga sameeynay.

Xaqiiqdii, waxbadan oo wax barida Ciise Masiix waxay diiradda saarayeen gudaha qalbiyadeena halkii ay ka ahaan laheyd xaflada banaanka. Tixgeli sida,uu wax barida kale, uu diiradda saarayo gudaha. qalbigeenna

20 Wuxuuna ku yidhi, Waxa ninka ka soo baxa, kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 21 Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda, 22 iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada. 23 Waxyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.

Mark 7: 20-23

Sidaa daraadeed daahirsananta gudaheena aad ayey muhiim ugu tahay heerka loo baahan yahay ee  kaamilnimad. Eebbe wuxuu  kuwa dhabta(kaamilka) u ogolaadaa doonaa Janada Kaamilka ah. Laakiin inkasta oo taasi u ekaan karto caqli ahaan aragtideeda waxay kicineysaa dhibaato weyn: Sideen ku geli karnaa Jannada haddaannaan kaamil ahayn? Suurtagalnimada innaga oo aan dhammaystirnayn oo dhammaystiran ayaa noo keeni kara rajo la’aan.

Laakiin taasi waa waxa uu doonayo! Markaan ka rajo dhigno inaan waligeen wanaag ku noolaano, markaan joojino aaminaadda waxyaabaha aan gaarno, markaas waxaan noqonnaa ‘ruux liita’. Ciisa Masiix wacdigiisa wuxuu ku bilaabay oo yidhi:-

 “Waxaa barakaysan kuwa saboolka ka ah xagga ruuxa, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh”

Matayos 5: 3

Bilowga xigmaddeena ma aha inaan meesha ka saarno waxbarisyadan oo aan annaga ina khuseynayn. Way sameeyaan! Heerkan ayaa ah‘ in la noqdo  kaamil’. Maaddaama aan u oggolaanay in heerkaas uu ku soo dhex galo, oo aan garowno in aannan awood u lahayn arrintaas, markaa waxaan bilaabaynaa dariiqa toosan. Waxaan bilaabeynaa dariiqa toosan maxaa yeelay, annaga oo aqoonsanna wax qabadkeena, waxaa laga yaabaa inaan diyaar u nahay inaan aqbalno caawimaad marka loo fiirsho haddii aan u maleynno inaan ku aqbali karno wax u qalmi taankeena.

DHALASHADII MASIIXA:Waxaa sii sheegay nabiyadii waxana ku dhawaaqay Jabriil

Sahminteenii waxaan ku dhameeysatirnay Towreedii iyo Sabuuradii, oo ahaa buugaagtii Nabiyadii hore ee reer BinuIsraa`iil. Waxan ku aragnay Sabuurka inoo dhow inay jiraan qaab loo fulinayo in la dhameys tiro ballamada mustaqbalka la arki doono.

Laakiin waqti haatan laga joogo in ka badan Afar boqol sano markii la xidhay Sabuurka.Waxan soo aragnay inay jireen dhacdooyin badan oo siyaasadeed iyo kuwoo diimeed oo ku dhacaayo taariikhda reer Binu Israa`iil,intii ay sugaayeen inay fuliyaan ballamadii, Laakiin ma jirin wax fariin cusub ah oo xagga nabiyadii oga yimid.Si kastaba ha ahaatee, Israa`iliyiintii, iyagoo ku hoos jiro Xukunkii Hidrooskii weynaa, ayaa haddana waxaay sii wateen horumarita Macbudka ilaa uu ka noqdo qaab dhismeed Qaali ah,oo ay dadka ogu soo jiidanayaan cabuditaan,allabariyo iyo salaad  dhamaan meelaha Roomaka ka taliyaan.Si kastaba ha ahaatee qaluubta dadka oo ah kuwoo diimeed ah ayaa haddana waxaay aad ogu fogaadeen Sanam cabudida taasoo iyaga ka fogeeysay waqtigii nabiyadii hore,waxayna noqdeen kuwoo adag oo diiradda saaray dibadda ama waxa muuqda.Sida qaa badan oo naga mid ah ay maanta yahiin ama la midka ah,oo inta lagu gudo jiro wax qabadka diimeed iyo salaadda,qaluubta dadka ayaa u baahnayd in la bedelo.Sidaadareed markay soo dhawaatay dhammaadkii xukunkii Hidrooskii weynaa Qiyaastii qarnigii 5aad dhalashadii Ciise ka hor (BC) Waxaa loo diray fariin qaas oo ogeeysiin weyn u ah.

Suuratul Maryama(suurada 19) Maryan  waxay siinaysaa qoraal kooban oo fariintantan ah  

(ku xusuuso) kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi).oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg.una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.,waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo).wuxuuna yidhi waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay (dhammeeyey)

Suuratul Maryama 19:16-21

Jabriil wuxuu sii sheegay imaatinka Yooxaane Baabtiisahii(Yaxye-NNDH)

Rasuulkani wuxuu ahaa Jabriil,Sidaasoo kale Kitaabka(Biblka) dhexdeesa loga yaqaano Malakal Jabriil.Oo ilaa iyo hadda aan joognana  loo diray Nabi Daaniyeel(NNDH) oo keliya isgoo u waday fariin la xidhiidha (halkan ka eeg) waqtiguu Masiixa ku imaan doono.Haddaba Jabriil wuxuu u yimid wadaadkii la odhan jiray Zakariyaah(NNDH) intuu hogaaminayay sallaadii Macbudka.

Zakariyaah iyo naagtiisa Elisaabeed waxaay ahaayeen kuwoo gaboobay oo aan Ilmo lahayn.Laakiin Jabriil wuxuu u muuqday Zakariyaah isagoo u wada fariin sida ku qoran injiilka.

 13 Laakiin malaa’igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa. 14 Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan, 15 waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa. 16 Reer binu Israa’iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa. 17 Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.

 18 Sakariyas wuxuu malaa’igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da’weynaatay.

 19 Malaa’igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno. 20 Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono.

Lukoos 1:13-20

Sabuurka wuxuu ku xidhmayBalanqaadkii ahaa inuu diyaariyahaimaan doono uu la mid noqon Eliyaas(NNDH).Jabriil wuxuu mar kale ku dhawaaqay ballanqaadkan gaarka ah isagoo dhahaayo Waxaa inaan doona wiilkii Zakatiyaah oo ka buuxa ruuxii iyo Awoodii Eliyaah(NNDH).Wuxuu u imaanayay’ inuu dadka u diyaariyo RABBIGA’.Ogeeysiintan ayaa la micno ahayd in ballqntii diyaargaroowga aan la hilmaamin-waxaana lagu fulin doona dhalashada iyo nolsha wiilkan soo socda ee Zakeriyaha iyo Elisaabeet. Si kastaba ha noqotee,maadaama zakariyaah uusan rumeeysanin fariintaa Waxaa lagu riday aamusnaan.

Jabriil wuxuu sheegay Bikrada dhali doonto

Imaatinka diyaariyaha ayaa la micno ah in dadka loo diyaarinaayay-Masiixa ama Kirstoos ama Masaaya-oo sidoo kale imaatinkiisa soo dhow.Run ahaantii dhowr bilood ka dib,Jabriil mar labaad wuxuu gabar bikrad ah oo yar oo la odhan jiray Maryan u diray inay qaado fariin sida ku qoran Injiilka.

 28 Malaa’igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.

 29 Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan? 30 Malaa’igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay. 31 Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise. 32 Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa’uud. 33 Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto. 

34 Kolkaasaa Maryan waxay malaa’igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.

 35 Malaa’igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah. 36 Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da’weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad. 37 Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro. 

38 Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa’igtii ka tagtay.

Lukoos 1:28-38

Ogeeysiinta ama fariinta uu Jabriil waday waxaan ku aragnay cinwaankan Jahawareerka ah ee ‘Wiilka Ilaah’.Waxaan si dheeraad ah oga wada hadalnay Maqaalkeeyga ama qoraalkeyga halkan ku yaal.Maqaalkeeygan waxaan hakii ka sii wadi doonaa hadalkeenii ku saabsanaa dhalashooyinkii.

Dhalashadii Nabi Yaxye(Yooxaane Baabtiise- NNDH)

Dhacdooyinka waxaay u socdaan sidii ay nabiyadii hore ogu sheegeen Sabuurka.Nabi Malaakii wuxuu saadaaliyay inuu diyaariye ku imaan doono awoodda Eliyaah oo hadda Jabriil sii sheegay dhalashadiisa.Injiilkana wuxuu leeyahay:-

57 Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay. 58 Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen.

 59 Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas. 60 Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa.

 61 Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey.

 62 Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho. 63 Markaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen. 64 Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay. 65 Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan. 66 Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

Lukoos 1:57-66

Dhalashadii Ciise Masiixi (NDH)

Nabi Ishaaciya ayaa waxyi gaar ah ku sii sheegay((halkan ayaa cadeen buuxda) sida ku qoran

Ishaaciyah 7:14

 Haddana Malag Jabriil ayaa ku dhawaaqay Maryan umulisteeda,Xitaa iyadoo ah Naag ama Gabdh bikrad ah-dhameeystirka tooska ah ee wax sii sheegista ayaa waqti dheer ka hor ahayd.Tanina waa sida ku qoran Injiilka oo ku saabsan dhalashada Masiixa.

 Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa’uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa’uud, in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd. Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen, waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya. Malaa’igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen. 10 Markaasaa malaa’igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. 11 Waayo, maanta waxaa magaalada Daa’uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah. 12 Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal. 13 Dhaqsoba waxaa malaa’igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

14 Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya,
Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.

15 Waxaa dhacay markii malaa’igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey. 16 Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa. 17 Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga. 18 Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen. 19 Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay. 20 Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.

21 Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa’igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.

Lukoos 2:4-21

Doorka soo socda ee labadan Nabi ee waaweyn.

Labadan Nabi ee waaweyn ayaa ku dhashay bilo gudahood midba midka kale,Labadan waxsii sheegidda gaarka ah ee la siiyay boqolaal sano ka hor.Maxaay noloshooda iyo fariimahooda noqon lahaayeen?Zakariyaah oo ahaa aabaha Yooxaanaa Baabtiise,wuxuu sii sheegay waxa ku saabsan labadan wiil in.

67 Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,

68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa’iil,
Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey
Gurigii midiidinkiisa Daa’uud,
70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),
71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen,
Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey
Inaynu baqdinla’aan isaga ugu hawshoonno
75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya,
Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada
Ee dembidhaafkooda ah,
78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna,
Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada,
Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

Lukoos 1:67-79

Zakariyaah wuxuu helay fariin wax ku ool ah,oo ku saabsan Dhalashada Masiixi oo ahaa ballanqaadkii la siiyay Daauud(Halkan ka fiiri Ballan qaadkii) iyo sidoo kale Ibraahim(halkan ka eeg ballan qaadkii).Qorshaha Ilaah ee la sii sheegay oo sii koraayay ayaa haddana gaaray heerkiisii ogu sareeyay.laakiin qurshahan muxuu ku lug lahaa?ma wuxuu ahaa badbaado looga badbaadinayo cadaawaha Roomaaniyiintaa?Ma wuxuu ahaa sharci cusub oo lagu bedelayo Kii Nabi Muuse(NDH)?Ma waxaay ahayd diin cusub ama nadaam siyaasadeed? Kuwaan midkoodna ma ahayn( kaas oo ah waxan bini aadan ahaan u  doonayno inaan keeno)lama soo xusin.Hase yeeshee qorshaha la cayimay ayaa ah,Awooda u siinaysa inay isaga ugu adeegno cabsi laaan xagga Quduusnimda iyo Xaqnimada oo leh badbaado xagga dembidhaafkooda oo ay dhiirigelisay naxariista Ilaaheena ee kuweena ku nool hooska dhimashada inuu cagaheena ku hago jidka nabadda.Tan iyo markii Aadan na ila xukumay cadawga iyo dhimashada anagoo isku dayeeyno inaan helno xaqnimo iyo cafis dambiyadeena.oo Aadan,Xaawo iyo shaydaanka hortooda. Ilaah wuxuu ku dhawaaqay qurshe, ku saleeysan’Farcan’ oo ku socda haweeneydda.runtii qorshaha noocan ah wuxuu ka fiican yahay qurshe kasta oo dagaal iyo nadaamyo fikir iyo dhaqan oo aan raadino.Qurshahan wuxuu buuxin doonaa baahiyadeena qotada deer,ee ma aha baahiyadeena dusha sare.Laakiin sidee qorshahan loogu diyaar garoobayaa Diyaariyaha iyo Masiixa u furmi doonaa? Waxaan sii wadeeynaa inaan barano waxa ku saabsan warka wanaagsan ee Ilaah oo ah Injiilka.