Maalintii 2: Ciise wuxuu doortay – meesha Al-aqsa & Qubadda dhaxgaxa weyn meeshay maanta tahay.

Waa maxay sababta meesha Al-Aqsa (Al-Masjid al-‘Aqṣā ama Bayt al-Maqdis) iyo Qubbada dhagaxa (Qubbat al-Sakhrah) Inay Yuurasalem tahayy mid gaar ah?  Dhacdooyin badan oo muqadas ah ayaa halkaa ka dhacay laakiin in yar baa la og  yahay waxa oga dhacay Ciise Masiix goobtan barakaysan.

Si aan si fiican ugu fahamno caqabadda uui Ciise Masiix kala kulmay Yeruusaalem waxaan isbarbar dhigeynaa caqabadda uu Nebi Maxamed  ka qabo Maka.  Suuradda Al-Fatx (Suuradda 48 – Guushii) waxay ka sheekeyneysaa Qureysh oo ilaalinaysay kacbada.

 25Gaaladii makaad waa kuwii masaadjidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii darbantahay inaygaadho halkii lagu xalaalaynlahaa, haddaynan jirin Rag iyo Haween mu’miniin ah (oo la nool) idinna aydaan ogayn marka aad baabi’neeysaan ayna mashaqo idin haleesho (Eebe waa idiin fasixi lahaa). Si uu u galiyo naxariistiisa cidduu doono (yuu saas u yeelay), Hadday mu’miniintu ka soocmi lahaayeen gaalada wuxuu Eebe caddibi lahaa gaalada caddibaad daran

Surada Al-Fatax 48:25

Qureyshtii waxay nebiga  iyo intii raacday ka hor istaageen masaajidka xurmaysan iyo meeshii  sadqeeyey ee Maka.  Macbudka quduuska ah iyo meeshii allabariga loogu bixin jiray ee Yeruusaalem wax la mid ah ayaa ka dhacayay xilligii Ciise Masiix.  Hoggaamiyeyaasha diintu waxay abuureen nidaam iibsiga iyo iibinta xoolaha allabariga, oo u baahan beddelaad lacageed oo loogu talagalay cibaadada ka imanaya meelaha fog.  Tani waxay caqabad ku noqotay cibaadada dhabta ah ee Macbadka  Laakiin macbudkii waxaa loo dhisay in RABBIGA lagu ogaado quruumaha dhexdooda – oo aan laga qarin iyaga.  Ciise Masiix wuxuu ku dhaqaaqay inuu hagaajiyo xaalada, taas oo keentay inuu wajaho caqabada gaalada ee lagu soo sheegay Suuratu Taghabun (Suuradda 64 –Jaha wareerkii labada dhinac).

Nebigu wuxuu  galay Yeruusaalem maalintii saxda ahayd ee boqollaal sano kahor la sii sheegay, isagoo isu muujiyay inuu yahay masiixa iyo nuurka quruumaha.  Taariikhdaas, Jadwalka Yuhuudda, waxay ahayd Axad, Nisan 9, maalintii 1aad ee Toddobaadka Quduuska ah.  Shuruucda Tawreed darteed, maalinta ku xigta, 10-ka bisha Nisan, waxay ahayd maalin u gaar ahayd Jadwalka Yuhuudda.  Waqti hore ka dib, Tawreedda wuxuu qoray Nebi Muuse  isagoo diyaarinaya belaayadii 10aad ee Fircoon markii uu Eebbe faray:

o Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi,
2 Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad.
3 Shirka reer binu Israa’iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato;  

Baxniintii 12: 1-3

Waqtigaas Niisaan waxay ahayd bishii koowaad ee sanadka Yuhuudda.  Marka, Nisan kasta 10 tan iyo nebi Muuse, qoys kasta oo Yuhuud ah waxay dooran jireen wanka ciidda Kormaridda ee soo socota – waa la samayn karaa oo keliya maalintaas.  Waqtigii Ciise Masiix Yuhuuddu waxay Macbudkooda ku yaal Yeruusaalem u soo xuleen Wanan ciidda Kormaridda – isla goobtii 2000 oo sano ka hor Nebi Ibrahm  lagu tijaabiyey allabarigii wiilkiisa.  Maanta, halkani waa meesha uu ku yaall Masjidka Al-Aqsa iyo Qubadda dhagaxa ah.  Marka hal meel oo gaar ah (halka Al-Aqsa iyo Qubadda dhagaxa ay maanta yihiin iyo halka macbudka Yuhuuddu ku yaalay xilligii Ciise Masiix), maalin gaar ah oo ka mid ah sannadka Yuhuudda (Nisan 10), Yuhuuddu waxay dooran lahaayeen  wanka Iidda Kormaridda ee qoys walba (masaakiintu waxay dooran jireen qoolleyda).  Sidaad u maleyn karto, tirada dad iyo duunyaba leh, buuqa isweydaarsiga, sarifka lacagaha qalaad (maadaama Yuhuuddu meelo badan ka yimaadeen) waxay ka dhigi doonaan Macbadka bisha Nisan 10 sidii suuq waalan.  Injiilku wuxuu qorayaa wixii Nebi Ciise al Masih uu qabtay maalintaas.  Markuu marinku tilmaamayo ‘maalinta ku xigta’ tani waa maalinta xigta ka dib markii uu boqornimadiisa galay Yeruusaalem, 10-ka bisha Nisan – maalinta saxda ahayd ee wanka Baraarka lagu xusay Macbadka.

11 Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.
12 Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa.
13 Meel fog wuxuu ka arkay geed berde ah oo caleen leh. Wuu u yimid inuu haddana wax ka helo. Goortuu u yimid waxba kama uu helin caleemo keliya maahee, waayo, wakhtigii berdaha ma ahayn.
14 Ciise baa u jawaabay oo geedkii ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa ninna yuu midho kaa cunin. Xertiisiina waa maqashay.
15 Waxay yimaadeen Yeruusaalem. Ciisena macbudka ayuu galay oo bilaabay inuu ka eryo kuwii macbudkii wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay.
16 Umana oggolayn in ninna alaab macbudka la soo dhex maro.
17 Markaasuu wax baray oo ku yidhi, Miyaanay qornayn, Gurigayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuug

Markoos 11:11-17

 Marka laga hadlayo heerka aadananimo Isniinta Ciise Masiix wuxuu galay Macbadka (Maalinta 2 ee usbuuca barakaysan), Nisan 10, wuxuuna joojiyey dhaqdhaqaaqii ganacsiga.  Iibsashada iyo iibintu waxay carqalad ku noqotay salaadda janada, gaar ahaan ummadaha kale.  Ciise wuxuu Iftiin u ahaa quruumahaa, sidaa darteed wuxuu jebiyey xayndaabkii u dhexeeyey dhulka iyo samada isagoo joojiyey dhaqdhaqaaqa ganacsiga.  Laakiin wax aan la arki karin ayaa sidoo kale isla waqtigaas dhacay.  Waxaan taas ka fahmi karnaa cinwaanka uu Nebi Yaxye u magacaabay Ciise Masiix.  Isaga oo ku dhawaaqaya nebi Yaxye wuxuu yidh sida ku qoran:

  29 Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.

Yooxanaa 1: 29

Ciise Masiix wuxuu ahaa ‘Wankii Ilaah’.  Alabarigii Ibraahim, Eebbe wuxuu ahaa kii u xushay wankii Ibraahim meeshii wiilkiisa isagoo duurka ku qabtay.  Tani waa sababta Ciidul adxaa maanta loo ciido.  Macbudku wuxuu ku yaalay goobtaan wankaas lagu xushay – halkaas oo ay maanta ku yaalliin al-Aqsa iyo Dome of the Rock.  Markuu Ciise Masiix galay Macbadka bishii Nisan10 keedii Ilaahay ayaa u doortay inuu noqdo Wankiisa Kormaridda.  Waa inuu ku jiraa Macbadka maalintaan saxda ah si loo xusho – wuuna ku jiray.

Tala galkii ama Ujeedada Ciise oo ahaa sida Kormaridda Wanka

 Muxuu ku xushay wankii Kormaridda? Waxbaristii Ciise wuxuu bixiyaa jawaabtii.  Markuu yidhi, ‘Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guri lagu tukado quruumaha oo dhan’ wuxuu ka soo xigtay Nebi Ishacyaah.  Waana sidan qoraalka ooa buuxa (waxa nebigu ku hadlay waa casaan).

  6 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya,
7 kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.

Ishacyaah 56: 6-7
Jadwalka Taariikhda ee Nebi Ishacyaah iyo nebiyo kale oo ka mid ah Axdigii Hore Towreed

 ‘Buurta Quduuska ah’ ee uu Ishaciya wax ka qoray waxay ahayd Buurta Moriah, halkaas oo nebi Ibraahim ku allabariyay wankii uu Alle u doortay meeshii wiilkiisa.  ‘Gurigii salaadda’ wuxuu ahaa Macbudkii uu Ciise Masiixh galay bishii Nisan 10. Yuhuudda, goobta iyo taariikhda ciidaha waxay isku darsadeen allabarigii Ibraahim iyo Kormariddii Muuse.  Si kastaba ha noqotee, Yuhuudda oo keliya ayaa wax ku bixin karay macbudka oo ku ciidi kara Iidda Kormaridda.  Laakiin Ishacyaah wuxuu qoray in ‘shisheeyaha’ (kuwa aan Yuhuudda ahayn) ay maalin uun arki doonaan in ‘qurbaankooda la gubo iyo allabaryadooda la aqbali doono’.  Isaga oo soo xiganaya nebi Ishacyaah, Ciise wuxuu ku dhawaaqay in shaqadiisu heli doonto aqbalaad dadka aan Yuhuudda ahayn.  Ma uusan sharaxin waqtigan sida uu tan u sameyn lahaa.  Laakiin sida aan xisaabta u sii wadno waan baran doonnaa xitaa sida aan hadda garwaaqsan nahay in Eebbe uu lahaa qorshe ah inuu na barakeeyo aniga iyo adiga

Maalmaha soo socda ee Toddobaadka Quduuska ah

 Ka dib markay Yuhuuddu xusheen baraarkooda  bishii  Nisan 10, qaynuunnadii Tawreedku waxay ku amreen inay sida ku qoran:

  6 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa’iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.

Baxniintii 12: 6

 Ka dib Iiddii Kormaridda ee ugu horreysay xilligii nebi Muuse, Yuhuuddu waxay allabaryayeen baraarkooda Kormaridda ee Nisan kasta 14. Waxaan ku darnaa ‘daryeelka baraarka’ iyo allabarigooda Sharciyada Tawreed ee jadwalka usbuuca.  Qeybta hoose ee jadwalka waxaan ku darney nashaadaadka nebiga maalintii 2 ee usbuuca – nadiifinta macbudka iyo xulashadiisa sida wananka Iidda Kormaridda Eebbe.

Waxqabadyadii  Ciise Masiix Isniintii – Maalinta 2aad – marka la barbar dhigo qawaaniinta Taurat

Markii nebi Isa al Masih PBUH uu soo galay oo uu nadiifiyay Macbadka, tani waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay heerka aadanaha.  Injiilku wuxuu sii wadaa isagoo sheegaya:

  18 Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.

Markoos 11: 18

Nadiifinta Macbadka waxaa bartilmaameedsaday hogaamiyaasha Yuhuuda si loo dilo.

 Waxay ku bilaabeen inay ka horyimaadaan Ciise.  Injiil wuxuu ka sheekeeyay maalinta xigta sida ku qoron…

  27 Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii.
28 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

Markoos 11: 27-28

 Suuradda at-Taghabun waxay ina xusuusinaysaa in caqabadda noocan ah la siiyay Nabiyadii xilligaas.

 

( 5 )   Miyuuna idin soo gaarin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey, waxay dhadhamiyeen xumaantii camalkoodii, waxaana u sugnaaday caddibaad daran. ( 6 )   Arrintaas waxaa ugu wacan in Rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen (Gaaladii) ma dadbaa na hanuunin ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtoonaysiiyeen (weynaysiiyeen) Eebe, Eebana waa midka hodanka ah lana mahadiyo. ( 7 )   Waxay sheegeen kuwii gaaloobay inaan la soo bixinaynin, waxaad dhahdaa saas ma aha, Eebaa wuxuu ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen, taasina waa u fududahay Eebe

Suuradda at-Taghabun: 64 5-7

 Ciise Masiix, waa inuu ku caddeeyo awoodiisa imtixaanka ugu adag, mid ay gaaladu si joogto ah ugula dagaallanto nebiyada, sida ay sheegayso Suuradda at-Taghabun.  Tani waxay noqon doontaa Calaamadda Cad oo muujineysa in nebigu uusan si fudud uga shaqeyneynin awoodda ‘aadanaha oo keliya’.  Sida at-Taghabun u cadeeyay, imtixaanku wuxuu ahaa in laga sara kiciyo kuwii dhintay.  Laakiin marka hore, dhacdooyin yar oo kale ayaa ku soo kordhay usbuucaas oo masiir ama Maseer ah.

 Waxaan la soconaa sida dhagarta mas’uuliyiinta, ficilkii Ciise, iyo qawaaniinta ka timaadda Taurat ay isugu soo ururayaan iyadoo aan eegeeyno dhacdooyinka Maalinta 3 & 4 ee soo socota.