Nebi Yaxye wuu silcay oo muujiyay shahiidnimadiisa dhabta ah.

Suuradda Al-Munaafiqun(Suuradda 63-Munaafiqunta ama laba wejiilayaasha) Waxay sharaxeysaa qaar ka mid ah kuwii u marag furay Nebi Maxamed,in markii dambe loo arkay beenaalayaal aan qiimo lahayn.

 Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay Munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xaqa niyada).Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u xunyahay.

Surada Al-Munafiqun 63:1-2

Marka la barabar dhigo munaafiqunta,surada Az-Zumar (Surada 39- Ciidankaa) waxaay sharxeysaa Marqaatiyaasha aaminka ama Daacadda ah.

 Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa’igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.

Surah Az-Zumar 39:69

Waqtigii Ciise Masiix,Marqaati run ah ayaa loogu yeeray Shahiid.Shahiidka ayaa ahaa midka ka marag furo runta iyo wixii dhaco. Ciise Masiix ayaa xertiisii ogu yeeray Shahiidiin.

Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

Falimada rasuulada 1:8

Ereyga Shahiid waxaa loo isticmaali jiray oo keliya kuwa ahaa maragfurayaasha daacadda ah.

Laakiin ereygan Shahiid maalmahan ayaa loo isticmaalaa wax badan.Tanina waxaan maqlay marka uu qof uu ku dilo mid ka mid ah dagaalada socda, ama iskudhacyada ka dhaxeeyo markaay dagaal yahanada midba midkooda kasta is dilayaan oo uu qof dhinto.isagaa ayaa inta badan no ah shahiid marka loo eego dhankuu ka socday,Laakiin kuwii uu ka soo horjeedayna ogu yeeraan Kaafir.

Laakiin tani ma saxbaa? Injiilka waxaa ku qoran siduu Nebi yaxye u shahiiday intii howlgalkii Ciise masiix, oo inagana noo noqday tusaale si aan u fahano tan.Waana sida ku qoran

 Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

Mataayoos 14:1-12

Marka hore waxaan arkeynaa sababta Nebi Yaxye loo xiray.Boqorkii la odhan jiray Herdoos qaatay naagtii walaalkii qaatay si ay naag ogu noqoto iyadoo ah mid ka soo hor jeedo sharcigii muuse.Nabigii Yaxye ahaa ayaa si cad ogu sheegay isagoo leh tani waa qalad laakiin qaribnaa,intuu maqli lahaa Nebiga,wuu xiray.Haweeneydii ka faaiideeysatay guurkan cusub ayaa noqotay naagta boqorka quwadda badan leh, oo doonayay inuu nebiga  aamusiiyo sidaa daraadeed waxay ku tashteen in gabadheeda weyn ku ciyaarto boqorka hortiisa iyo martida casuumaadda ka soo qayb gashay. Wuxuu aad ugu farxay waxqabadka gabadha oo u ballanqaaday inuu siin doono wax alla wixii ay weyddiisato.  Hooyadeed waxay u sheegtay inay weydiisato madaxa nebi Yaxye .  Markaa oo nebi Yahya , loo xiray maxaa yeelay isagoo run sheegay, waxa madaxa laga gooyay si fudud sababta oo ah qoob ka ciyaarka gabadha ayaa Boqorka qasab oga dhigtay martidiisa daraadeed.

Waxaa kaloo aan arkeynaa inuusan Nebi yaxye cidna uu la dagaaleynin, ama uu san dooneynin inuu dilo Boqorka.Si fudud ayuu runta oga hadlaayey. Kama baqin inuu oqorkaa qaldan u digo xitaa isagoon lahayn awood uu kaga kaga soo hor jeedo rabbitaanka boqorkan. Jacaylka uu u qabo shareeciga lagu soo dejiyay Muuse aawadeed ayuu run uu ka hadlay.Maanta waa mid tusaale fiican noo ah oo na tuseeysa sidaan u dagaali lahayn inagoo runta sheegeyna oo u dagaalameeyna runta nabiyada.Nebi yaxye isku ma dayin inuu boqorka dilo,ma hogaamineynin kacdooda ama mid dagaal bilaabayo.

Natiijada shahiidnimadii Yaxye

u dilay isagoo markaasi ku fikiray inay taasi ahayd wax baris xoog leh iyo mucjisadii Ciise masiix  ay Nabi Yaxye uu nolosha dib ogu soo noqday.

Hedroos dilmadii Qaainimo ee uu Nebi yaxye Waxay ahayd mid marin habaabsan. Qorshahiisan ayaa tusaale fiican u ah Surada Al-Fil (Surada Fiil 105 – Maroodigii).

Ma Ogtahay sida Eeba ku falay asaxaabtii Maroodiga «Colkii».Miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah.Kuna tuuraysa Dhagaxyo la kululeeyay.

Surada Al-Fiil 105:1-4

Sida ku qoran KQ Ciise ayaa kaga hadlay wax ku saabsan Yaxye

Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10 Kanu waa kii laga qoray,Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga,
Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.11 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Mataayoos 11:7-15

  Halkan Ciise Masiix ayaa cadeeyay ama Xaqiijiyay inuu Yaxye  uu ahaa Nebi weyn oo sii diyaariyay wax sheegidiisii imaashahiisa.Galitaanka  Boqortooyada Ilaah ee janadda ilaa manta la joogoi goortuu Boqor Hedroos oo xoog badan jiray ama joogay,isagoon waxba haysan aawadeed ayaa diiday inuu sii daayo Nebiyadii.

 Waxaa dhacday rabshooyin maalintii Nebi yaxye madax laga gooyy kuwoo kalena sidaasoo kale waxaay rideen ama sameeyen rabshado. Xitaa Dadkan rabshadaha waday ayaa  ‘warer kedis ku noqotay’ Boqortooyada jannada.  Laakiin iyagu ma geli doonaan.  Micnaha gelitaanka boqortooyada Ilaah ee Jannada ayaa noqon dariiquu Yaxye qaaday ahaansha maragga ay runt ka buuxdo.Waan aqli badanahay haddaan raacno tusaalahiisa oo aan tusaale u noqon kuwaa manta rabshada wada.