Nebi Yaxye wuu silcay oo muujiyay shahiidnimadiisa dhabta ah.

Suuradda Al-Munaafiqun(Suuradda 63-Munaafiqunta ama laba wejiilayaasha) Waxay sharaxeysaa qaar ka mid ah kuwii u marag furay Nebi Maxamed,in markii dambe loo arkay beenaalayaal aan qiimo lahayn.

 Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay Munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xaqa niyada).Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u xunyahay.

Surada Al-Munafiqun 63:1-2

Marka la barabar dhigo munaafiqunta,surada Az-Zumar (Surada 39- Ciidankaa) waxaay sharxeysaa Marqaatiyaasha aaminka ama Daacadda ah.

 Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa’igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.

Surah Az-Zumar 39:69

Waqtigii Ciise Masiix,Marqaati run ah ayaa loogu yeeray Shahiid.Shahiidka ayaa ahaa midka ka marag furo runta iyo wixii dhaco. Ciise Masiix ayaa xertiisii ogu yeeray Shahiidiin.

Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

Falimada rasuulada 1:8

Ereyga Shahiid waxaa loo isticmaali jiray oo keliya kuwa ahaa maragfurayaasha daacadda ah.

Laakiin ereygan Shahiid maalmahan ayaa loo isticmaalaa wax badan.Tanina waxaan maqlay marka uu qof uu ku dilo mid ka mid ah dagaalada socda, ama iskudhacyada ka dhaxeeyo markaay dagaal yahanada midba midkooda kasta is dilayaan oo uu qof dhinto.isagaa ayaa inta badan no ah shahiid marka loo eego dhankuu ka socday,Laakiin kuwii uu ka soo horjeedayna ogu yeeraan Kaafir.

Laakiin tani ma saxbaa? Injiilka waxaa ku qoran siduu Nebi yaxye u shahiiday intii howlgalkii Ciise masiix, oo inagana noo noqday tusaale si aan u fahano tan.Waana sida ku qoran

 Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

Mataayoos 14:1-12

Marka hore waxaan arkeynaa sababta Nebi Yaxye loo xiray.Boqorkii la odhan jiray Herdoos qaatay naagtii walaalkii qaatay si ay naag ogu noqoto iyadoo ah mid ka soo hor jeedo sharcigii muuse.Nabigii Yaxye ahaa ayaa si cad ogu sheegay isagoo leh tani waa qalad laakiin qaribnaa,intuu maqli lahaa Nebiga,wuu xiray.Haweeneydii ka faaiideeysatay guurkan cusub ayaa noqotay naagta boqorka quwadda badan leh, oo doonayay inuu nebiga  aamusiiyo sidaa daraadeed waxay ku tashteen in gabadheeda weyn ku ciyaarto boqorka hortiisa iyo martida casuumaadda ka soo qayb gashay. Wuxuu aad ugu farxay waxqabadka gabadha oo u ballanqaaday inuu siin doono wax alla wixii ay weyddiisato.  Hooyadeed waxay u sheegtay inay weydiisato madaxa nebi Yaxye .  Markaa oo nebi Yahya , loo xiray maxaa yeelay isagoo run sheegay, waxa madaxa laga gooyay si fudud sababta oo ah qoob ka ciyaarka gabadha ayaa Boqorka qasab oga dhigtay martidiisa daraadeed.

Waxaa kaloo aan arkeynaa inuusan Nebi yaxye cidna uu la dagaaleynin, ama uu san dooneynin inuu dilo Boqorka.Si fudud ayuu runta oga hadlaayey. Kama baqin inuu oqorkaa qaldan u digo xitaa isagoon lahayn awood uu kaga kaga soo hor jeedo rabbitaanka boqorkan. Jacaylka uu u qabo shareeciga lagu soo dejiyay Muuse aawadeed ayuu run uu ka hadlay.Maanta waa mid tusaale fiican noo ah oo na tuseeysa sidaan u dagaali lahayn inagoo runta sheegeyna oo u dagaalameeyna runta nabiyada.Nebi yaxye isku ma dayin inuu boqorka dilo,ma hogaamineynin kacdooda ama mid dagaal bilaabayo.

Natiijada shahiidnimadii Yaxye

u dilay isagoo markaasi ku fikiray inay taasi ahayd wax baris xoog leh iyo mucjisadii Ciise masiix  ay Nabi Yaxye uu nolosha dib ogu soo noqday.

Hedroos dilmadii Qaainimo ee uu Nebi yaxye Waxay ahayd mid marin habaabsan. Qorshahiisan ayaa tusaale fiican u ah Surada Al-Fil (Surada Fiil 105 – Maroodigii).

Ma Ogtahay sida Eeba ku falay asaxaabtii Maroodiga «Colkii».Miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah.Kuna tuuraysa Dhagaxyo la kululeeyay.

Surada Al-Fiil 105:1-4

Sida ku qoran KQ Ciise ayaa kaga hadlay wax ku saabsan Yaxye

Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10 Kanu waa kii laga qoray,Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga,
Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.11 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Mataayoos 11:7-15

  Halkan Ciise Masiix ayaa cadeeyay ama Xaqiijiyay inuu Yaxye  uu ahaa Nebi weyn oo sii diyaariyay wax sheegidiisii imaashahiisa.Galitaanka  Boqortooyada Ilaah ee janadda ilaa manta la joogoi goortuu Boqor Hedroos oo xoog badan jiray ama joogay,isagoon waxba haysan aawadeed ayaa diiday inuu sii daayo Nebiyadii.

 Waxaa dhacday rabshooyin maalintii Nebi yaxye madax laga gooyy kuwoo kalena sidaasoo kale waxaay rideen ama sameeyen rabshado. Xitaa Dadkan rabshadaha waday ayaa  ‘warer kedis ku noqotay’ Boqortooyada jannada.  Laakiin iyagu ma geli doonaan.  Micnaha gelitaanka boqortooyada Ilaah ee Jannada ayaa noqon dariiquu Yaxye qaaday ahaansha maragga ay runt ka buuxdo.Waan aqli badanahay haddaan raacno tusaalahiisa oo aan tusaale u noqon kuwaa manta rabshada wada.

Sabuurka Waxaa loo soo xiray iyada oo loo ballan qaaday diyaarinta soo socoto.

Suuradda al-Mudaththir (Surah 74 – Midkii Dhintay) ayaa sawiraya nebigii PBUH oo ku duudduuban guntigiisa isagoo siinaya digniino ku saabsan Maalinta Qiyaame ama xukunka.]

 Kaaga dharka isku daboolayow, Kac iyoEebahaana isagaa kaynay 

Suuradda al-Mudaththir 74: 1-3

Marka la afuufo suurka, Maalintaasu waa maalin uur daran.

Suuradda al-Mudaththir 74: 8-10

 Suuradda Al-Kafirun (Suuradda 109 – Gaaladu) waxay sawirayaan nebiga PBUH oo si cad ugu yeeraya dariiq ka duwan kuwii gaalada.

 Waxaad dhahdaa (Gaaloow) anigu caabudin maayo waxaad caabudid. Ee miyaydaan caabudin waxaan caabudiyee, umana noqonaysid waxaan caabudno waxaad caabudaysaan. Aniguna aniga ayaa ah diinteyda.

Suuradda Al-Kafirun 109: 1-6

Sabuur wuxuu xirayaa isagoo tixraacaya Nebi Ilyaas PBUH oo isagu si sax ah u sameeyay sida Surah al-Mudaththir iyo Surah al-Kafirun lagu tilmaamay. Laakiin Zabuur sidoo kale waxay rajeyneysaa imaatin kale oo Nebi la mid noqon doona oo Eliyaasna qalbiyadeenna u diyaarin doona. Waxaan u naqaanay inuu yahay Nebi Yaxye PBUH.

Imaatinka Nebi Yaxye (PBUH) ayaa la sii sheegay.

 Waxaan soo aragnay astaanta ah addoonka ,kaasoo ah adoonkii la balan qaaday inuu imaanayo. Laakiin ballan qaadkan oo dhan ee ku saabsan imaatinka  ayaa noqotay suaal isku dheeli tiran oo muhiim ah. Ishacyaah 53 wuxuu ku bilaabay su’aal isagoo leh:-

Kumaa rumeeyey fariinteenna…?

Ishacyaah 53: 1a

Ishacyaah (PBUH) wuxuu sii saadaaliyay in Addoonkan aan si dhaqso ah loo rumaysan doonin, dhibaatadu kuma xirnayn farriinta ama calaamadaha addoonka maxaa yeelay waxay noqon doonaan kuwo sax ah waqtiga ay ku socdaan wareegyada ‘Toddobada’ sidoo kale magac iyo tilmaamid ama cayimidda ‘waa laga goyn doonaa’. Dhibaataduna ma ahayn mid wadata calaamado ku filan. Maya dhibaatadu waxay ahayd iyadoo quluubta dadka adkayd.  Sidaa daraadeed qofbaa loo baahnaa inuu yimaado ka hor inta uusan imaanin adoonka si uu dadka ogu sii diyaariyo imaatinkiisa. Sidaa  aawadeed  nebi Ishacyaah (PBUH) wuxuu farriintiisa ku saabsanay qofka Addoonka u diyaarin doona jidka ku qoray buugiisa sida soo socota oo leh:-

Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya. Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman, oo waxaa la muujin doonaa ammaanta Rabbiga, uunka oo dhammuna

Ishacyaah 40: 3-5

Ishacyaah (PBUH) wuxuu qoray wax ku saabsan qof u imaan doona ‘cidlada dhexdeeda’ inuu ‘Rabbiga jidkiisa u diyaariyo’. Qofkani wuxuu hagaajin doonaa caqabadaha si ‘ammaanta Rabbiga loo muujiyo’. Laakiin Ishacyaah ma uusan sheegin qaabkan loo samayn doono.

Nabiga Malaakii – Nabigii ugu dambeeyay (Axdigii hore) Zabur

Jaantuuska 1

Nebiyadii Ishacyaah, Malaakii iyo Eliiyaah (PBUT) ayaa lagu muujiyey jadwalka taariikhda

Qiyaastii 300 oo sano kadib Ishacyaah ayaa yimid Malachi (PBUH) oo qoray buugga ugu dambeeya ee Sabuur (Axdigii hore) . Buuggan ugu dambeeya  ee Malaakii (PBUH) wuxuu  ishaaciya ka hadlay  waxa ku saabsan Diyaariyaha iman doono, waxaana qoran:- 

  Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.

Malaakii 3: 1

Mar kale ayaa halkan lagu sii sheegay kii jidka hagaajin lahaa ama diyaarin lahaa.Imaatinka diyaariyaha jidka ka dib,Waxaa imaan doonay fariintii Axdiga.Waa maxay Adiga uu tilmaamayo (PBUH) ? Xusuusnow in nebi Yeremyaah (PBUH) uu sii sheegay in Allah uu axdi cusub  oo qalbiyadeena ku qoran sameyn doono.Markaana waan awoodi karnaa inaan xasilino harraadkeena oo had iyo jeerba noo horseedaya dembi. Taniwaa axdi la mid ah tan uuMalaakii (PBUH) tilmaamaayo.Helitaankaa axdigaas ayaa ah calaamadda imaatinka diyaariyaha jidka.

Ka dib Malaakii (PBUH)  wuxuu Axdigii hore ku soo xiray cutubka ogu dambeeyo ee buugiisa.ka dib wuxuu kuxiraayaa Zabur dhan cutubkii ugu dambeeyay ee buugiisa. ugu dambeeynaa wuxuu markale Cutubkaasi eegayaa mustaqbalka, waxna qoran:-

 Bal eega, maalinta weyn oo cabsida badan oo Rabbigu intaanay iman waxaan idiin soo diri doonaa Nebi Eliiyaah. Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.

Malaakii 4: 5-6

Muxuu Malachi (PBUH) ula jeedaa ‘Eliiyaah’ inuu yimaado kahor maalinta weyn ee Rabbiga? Kumaa Eliyaas ahaa? Wuxuu ahaa nin kale oo aanan eegayn (ma eegi karno dhammaan nebiyadii Sabuur maxaa yeelay tani aad bay u dheereysaa laakiin waxay ku arki kartaa jadwalka waqtiga kor ku xusan). Ilyaas (PBUH) wuxuu noolaa 850 sano kahor. Wuxuu caan ku ahaa degganka cidlada dhexdeeda iyo xirashada dharka timaha xayawaanka iyo cunista cuntada duurjoogta ah. Waxaa laga yaabaa inuu u muuqdo mid si gaar ah u muuqda. Malachi (PBUH) wuxuu qoray in si la mid ah Diyaargarowga kahor imaatinka axdiga cusub wuxuu la mid noqon doono Eliyaas (PBUH).

Hadalkaasna, Zabuur(Aaxdigii hore) dhammaaday. Kani waa farriinti ugu dambeysay ee Sabuuradda waxaana la qorey qiyaastii 450 BC. Taarax iyo Sabuur waxaa ka buuxay ballanqaadyo waxyaalaha iman doona. Aynu eegno qaar.

Dib u eegista Balanqaadyadii Tawraad & Zabur ee sugaya in la oofiyo

  • Nebi Ibraahim (PBUH) oo ku jira Calaamadaha Qurbaanka wuxuu caddeeyay in Buurta Moriah uu ku bixin doono’.Yuhuuddu weli waxay sugayeen dhamaadka Sabuur.tani si ay dhacdo ogu ahaato.
  • Nebi Muuse (SCW) wuxuu yiri Iiddii Kormaridda waxay calaamad u tahay reer binu Israa’iil, oo reer binu Israa’iilna waxay u dabaaldegeen Iidda Kormaridda taariikhdooda oo dhan laakiin waxay hilmaameen taas, inay tahay calaamad, oo aan weli la muujin.
  • Nebi Muuse (PBUH) oo ku sugan magaalada Tawraad wuxuu sii sheegay in nebi u imaan doono kii Ilaahay ku yidhi, “Erayadayda ayaan gelinayaa afkiisa”. Allah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ballantaas ee ah Nabiga soo socda,”Aniga qudhaydu aay u yeeri doonaa oo la xisaabtama qof kasta oo aan dhegaysan erayadayda uu nebigu kaga hadli doono magacayga”.
  • Boqor Daauud (PBUH) wuxuu sii sheegay imaatinka ‘Masiixa’ ama ‘Masih’. Taariikhdooda dheer ee reer bin Israa’iil waxay la yaabi jireen xukunka boqortooyadan ‘Masiixa’.
  • Nebi Ishacyaah (PBUH) wuxuu sii sheegay in gabadh bikrad ah dhali doonto ‘wiil‘. Dhamaadka Zabur Yuhuuddu wali waxay sugayeen dhacdadan cajiibka ah inay dhacdo.
  • Nebi Yeremyaah (PBUH) wuxuu saadaaliyay in Axdi Cusub, oo ah mid qalbiyadeenna lagu qoray halkii kan lagu qori lahaa kiniiniyada, uu imaan doono maalin uun.
  • Nebi Sekaryaah (PBUH) wuxuu saadaaliyay magaca soo socda ee ‘Masiix’ (ama Masih).
  • Nebi Daanyeel (PBUH) wuxuu saadaaliyay in markii Masiixu (ama Masih) yimaado uu ‘laga goyn doono’halkii laga xukumi lahaa sida ugu badan ee loo malaynayo inay dhici doonaan.
  • Nebi Ishacyaah (PBUH) wuxuu qoray wax ku saabsan imaatinka Addoon ‘ aad u xanuunsan doona oo’ laga gooyn doono kuwa nool ‘
  • Iyo sida aan halkan ku aragnay, nebi Malaakii (PBUH) wuxuu saadaaliyay in waxaas oo dhan ay ka horreeyaan Imaatinka Diyaariyaha. Isagu waa inuu diyaariyo quluubta dadka maxaa yeelay qalbiyadeenna si fudud ayaa loogu qalqalloocayaa waxyaalaha Ilaah.

Markuu ku dhowaa sabuurka sanadkii 450 BC dadka Yuhuuddu waxay ku noolaayeen filasho dhammaystirka ballanqaadyadan cajiibka ah. Oo iyana way sii sugayeen oo sugayeen. Qarni baa mid kale beddelay ka dibna kuwo kale ayaa imanaya – oo aan fulin ballamihiias.

Wixii dhacay ka dib markii Zabur (Axdigii hore) dhammamaaday.

Sidaan ku aragnay Taariikhda reer binu Israa’iil, Alexanderkii weynaa wuxuu ka adkaaday intii ogu caansaneeyd sanadihii 330 Ciise ka dib guulahaasna dadka iyo ilbaxnimada aduunku waxay qaateen luuqada Griiga. Maaddaama Ingiriisigu yahay maanta luuqad guud oo loogu talagalay ganacsiga, waxbarashada iyo suugaanta, waagaas Giriiggu sidaas oo kale ayaynu u badnaayeen. Macallimiinta Yuhuuddu waxay tarjumeen Tawraad iyo Zabur Cibraaniga af Gariig qiyaastii 250 BC. Tarjumaaddaas waxaa loo yaqaan Septuagint. Sidaan halkan ku aragnay, halkan waa meeshii erayga ‘Masiixu’ uu ka yimid waxaanan halkan ku aragnay in magaca ‘Ciise’ uu isna ka yimid halkaa.

Nebiyadii Ishacyaah, Malaakii iyo Eliiyaah (PBUT) ayaa lagu muujiyey jadwalka taariikhda

Intii lagu jiray waqtigan (300 – 100 BC oo ah xilliga buluugga ah ee lagu muujiyey jadwalka) waxaa jiray tartan militari oo socda oo u dhexeeya Masar iyo Siiriya iyadoo reer binu Israa’iilna ay dagan yihiin inta u dhaxaysa labadan boqortooyo si joogto ah dagaallada ayey ku qabsadeen. Qaar ka mid ah boqorrada reer Siiriya waxay rabeen inay ku soo rogaan diinta Griig (diin sanam caabudid) oo reer binu Israa’iil ah oo ay tirtiraan cibaadadooda hal Ilaah. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yuhuuddu waxay horseedeen kacdoon si ay u difaacaan caqiidotooda isla markaana u soo celiyaan daahirnimadii cibaadada ee uu aasaasay Nebi Muuse (PBUH). Hoggaamiye-diimeedyadu ma ahaayeen fulintii ballamihii ay Yuhuuddu sugayeen? Nimankan, in kasta oo ay ahaayeen kuwa daacad u ah cibaadada sida loogu sheegay Tawreed iyo Sabuur, haddana kuma habboonayn calaamadaha nebiyada. Dhab ahaantii iyaga laftoodu xitaa ma aysan sheegan inay yihiin nebiyo, oo kaliya Yuhuudda cibaadada u difaacday cibaadadooda ee sanam caabudidda.

Buugag taariikhi ah oo ku saabsan muddadan, oo sharraxaya halgannadaas oo ilaalin doona nadiifnimada cibaadada ayaa la qoray. Buugagani waxay bixiyaan aragti taariikhi ah iyo mid diineed waana kuwo aad u qiimo badan. Laakiin dadka yuhuuddu uma aysan tixgelin inay qoreen nebiyo sidaa darteedna buugaagtan laguma darin Zabuur. Waxay ahaayeen buugaag wanaagsan, oo ay qoreen rag diiniya, laakiin ma aysan qorin nebiyo. Buugaagtan waxaa loo yiqiin Apocrypha.

Laakiin maxaa yeelay buugaagtan waxtarka leh waxaa badanaa lagu daraa Tawraad iyo Sabuur si ay u bixiyaan taariikh dhameystiran oo dadka Yuhuudda ah. Injilka iyo farriinta Ciise masiix (PBUH) ka dib markii la qoray buugaagta Tawraad, Zabur iyo Injil ayaa lagudaray kitaab ama Bible. Qaar ka mid ah Baybalka maanta ayaa xitaa ku dari doona buugaagtan Apocrypha, in kastoo aysan ka mid ahayn Tawraad, Zabur ama Injil.

Laakiin ballanqaadyadii lagu bixiyay Tawraad iyo Zabur weli waa la fuliyay. Raacitaanka Gariigta kadib Boqortooyada Roomaanka ee awooda badan ayaa balaarisay isla markaana badalay Gariiga si ay u xukumaan Yuhuudda (kani waa xilliga jaalaha ah ee yimaada kadib buluugga waqtiga jadwalka kore). Roomaanku wax bay u xukumaan si hufan laakiin si adag. Canshuurahu way sarreeyaan reer Roomaana uma dulqaadan wax diidmo ah. Dadka Yuhuuddu waxay weligood sii jeclaayeen dhammaystirka ballamihii ay ku bixiyeen Tawraad iyo Zabur, in kasta oo ay muddo dheer sugayeen cibaadadooduna waxay noqotay mid adag oo waxay soo saareen xeerar badan oo dheeri ah oo aan ka ahayn nebiyadii laakiin xagga caadooyinka. ‘Amarada’ dheeraadka ah waxay u muuqdeen sidii fikradaha wanaagsan markii ugu horreysay ee la soo jeediyo laakiin waxay si dhakhso ah u beddeleen amarradii asalka ahaa ee Tawraad iyo Zabur qalbiyadii iyo maskaxdii macallimiinta Yuhuudda.

Kadibna ugu dambeyntii markii ay umuuqatay in laga yaabo inay yaboohyadii ilaahay hilmaameen, malaa’ig xoogga weyn Jibriil (Jibriil) wuxuu u yimid inuu ku dhawaaqo dhalashada muddo sugayay ee Diyaariyaha. Waxaan u naqaanay maanta inuu yahay Nebi Yaxye (ama Yooxanaa Baabtiisaha – PBUH). Laakiin taasi waa bilowgii Injil, oo aan hadda eegi doono.