Skip to content

Imaanshaha Boqortooyada

Suurada ugu danbeysa Quranka, Suraat An-Nas ( 114 – An-Naas):

Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya. Ee dadka xukuma. (Suurat An- Naas 114: 1-2)

Ilaah ayaa aha ka dunida iska leg oo Isaga ayaa Boqor u aha dadkiisa. Marka hadii uu Isagu yahay Boqor  marka waxa jirta boqortooyo. Sidee ayeey boqortooyada Ilaah u eeg tahay? Suraat al –Kawthar 108 ( Mid aan dhamaan) Taasi ayaa in siinaysa jawabta.

 Annagaa ku Sinnay Nabiyow Waadi Janno (iyo khary badan). (Suurat al-Kawthar 108:1)

Sidaas daradeed hadii Boqorku ina siiyo nimco aan dhamaneeyn, Boqortooyadiisuna waa mid aan dhamaan neeyn. Laakin maxay tahay dhamaansho la’aanshuhu? Taasii waxa looo muujiyeey Nebiyada.

Nebi Ishacyaah (NNKHH) waxa uu sii sheegay imaanshaha Wiil Bikrad ka dhalan doonay kaasoo ku oofsantay  dhalashadii Masiixa (pbuh) boqollaal sannadood kaddib. Arrintu si kastaba ha ahaatee, wax sii sheegidyo kale oo sabuurka ku jira yaa iyaguna waxa ay tilaamaya imaanshaha waqtiga nabadda iyo ammaanta.

Sida ku jirta Taariikhda dadka reer Binu Israa’iil, nebigii ahaa Boqor Daa’uud (NNKHH) ayaa waxa uu noqday qadkii ama silsiladdii boqortooyo ee uu Ilaah doonayey inuu dadka reer binu Israa’iil ku xukumo. Boqor Daa’uud dabadii waxaa noqday Sulaymaan (NNKHH) boqorradii kale badankoodna waxa ay noqdeen kuwo shar ah. In boqortooyadooda lagu dhex noolaadana waxa ay la mid ahayd sida keligii taliyeyaasha maanta; waxaana jiray colaad u dhexaysay dadka iyo quruumaha – sida manta oo kale; waxaa jiray musuqmaasuq iyo sad bursi ay kuwa maalqabeennada ahu ku amar taaglaynayaan sabool – sida manta oo kale; waxaa meel walba ka jirtay dhimasho iyo xumaan meel walba – sida manta oo kale. Balse qoraaga Sabuurku waxa uu sheegay in maalin iman doontay – oo mustaqbalka ah – ay xukuumad cusubi aasaasmi doontay. Waxa ay ahayd Boqortooyo leh caddaalad, naxariis, jacayl, iyo nabad. Nebi Ishacyaah (NNKHH)waxa uu sii sheegay sida boqortooyadan dhexdeeda ay noloshu ku ahaan doonto.

Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan. (Ishacyaah 2:4)

Wax dagaal ahi ma jiraan! Tani maanta wax run ah kama aha dunideenna aan joogno. Wax sii sheegiddu kama hadlayso oo keliya colaadda dadka u dhexaysa, balse wax sii sheeig ah doorsoonka ku dhacaya bey’ada ama khayraadka dabiiciga ah.

Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar. Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa. Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada. Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi’in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan. (Ishacyaah 11:6-9)

Arriarrintani weli maysan dhicin. Laakiin wax sii sheegidyadu waxa ay si ballaadhan ugu tilmaamayaan cimriga nolosha iyo ammaan shakhsi ahaaneed.

Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran. Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan. Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa. Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi’in doonaan. (Ishacyaah 65:20-25)

Ammaan, nabad, ducooyin si toos ah looga soo jawaabo… Wax sii sheegidyadan oo dhan weli maysan dhicin. Balse waa laga Hadlay waana la Qoray. Qaar ayaa waxa ay u malaynayaan in wax sii sheegidyada khalad galay – laakiin kaamil ahaanshaha Astaanta Bikradda Wiilkeeda ayaa ina tusinaysa in aan taxaddar gaar ah u yeelanno – dhawrnana dhacdadeeda

Boqortooyada Ilaah

Haddii aan aad ugu dhabba galo waan fahmi karaa sababta aanay weli u dhicin. Wax sii sheegidyadan waxaa lagu qeexay macne ahaan Boqortooyada Ilaah – Ilaah maammulkiisa nafaha iyo hawlaha aadanaha. Akhri wax sii sheedid kale oo ku saabsan Boqortooyada Ilaah

10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.

11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,

12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.

13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa’imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.

14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan. (Sabuurradii 145:10-14)

Tani waa wax sii sheegid uu bixiyey Boqorkii ahaa nebi Daa’uud (NNKHH) muddo 1000 ah Ciise ka hor (fur halkan markii Daauud iyo nebiyadii Sabuurku noolaayeen). Wax sii sheegiddan waxa ay noo tilmaamaysaa Maalin, marka Boqortooyada Ilaah la wada hoos tegi doono. Boqortooyadan waa mid leh ammaan iyo cajaa’ibo – mana aha mid waqti yar ah sida  boqortooyooyinka aadanaha – balse waa mid waaraysa. Tani weli maysan iman waana sababta aynaan u arag wax sii sheegidyadii kale ee nabadda ay tahay in ay timaaddo – maxaa yeelay nabaddiani Boqortooyada Ilaah ayey la imanaysaa.

Nebi kale oo sabuurrada ku jira oo la yiraahdo Daayeel (NNKHH) oo noolaa 550 Ciise Ka hor  oo joogay Baabuloon xilligii masaafuriska halkaa, ayaa isna sharraxaad ka bixiyey sida ay boqortooyadani ahaanayso.

Markii Nebi Daanyeel (NNKHH) uu noolaa oo la barbar dhigayo nebiyada kale ee ku jira Sabuurrada

Markii Nebi Daanyeel (NNKHH) uu noolaa oo la barbar dhigayo nebiyada kale ee ku jira Sabuurrada

Daanyeel (NNKHH) waxa boqorkii reer Baabilyood u fasiray riyooyin Ilaah u soo diray kuwaas oo ku ku saabsanaa wax sii sheegis ah sida ay boqortooyooyinka mustaqbalku noqon dooneen. Waa tan sidii Daanyeel u fasiray riyadiisii ku aaddanayd boqorkii Baabilyoon.

…Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta. Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta. Oo boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa. Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi’inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi’in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa. Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii… (Daniel 2:36-45)

Boqortooyadani waxa ay ku bilaabmaysaa wax yar sidii (‘dhagax laga jebiyay buur) balse noqon doonta boqortooyo weligeed wax hoggaaminaysa, sida wax sii sheegiddii nebi Daa’uud (NNKHH) ee aan kor ku soo sheegnay. Haddaba maxay tahay sababta Ilaah uu Boqortooyadiisa ugu dhisayo sidan tartiibta ah? Maxay weli u iman la’dahay? Marka aad eegto, boqortooyooyinka oo dhan waxa ay leeyihiin dhismahan soo socda:

  • Boqor ama hoggaamiye
  • Muwaadiniin
  • Dastuur ama Sharci
  • Dabeeco

Haddaba tusaale ahaan, Kanada dhexdeeda, oo ah meesha aan ku noolahay, oo Boqortooyo leh. Kanada waxa ay leedahay hoggaamiye  – maanta lagu magacaabo Justin Trudeau oo ah raysal wasaaraheenna la doortay. Kanada waxa ay leedahay muwaadiniin – aan anigu ka mid ahay. Kanada sidoo kale waxa ay leedahay dastuur ama sharci go’aamiya xuquuqda iyo masuuliyadaha ay muwaadiniintu leeyihiin. Kanada waxa ay leedahay dabeecad, waana tan ay ugu taal qayb gaar ah oo dhulka ka mid ah oo siinaya, cabbir gaar ah muuqaal ahaan, cimilo, khayraad dabiici ah IWM. Waddammada oo dhan iyo boqortooyooyinka oo dhan, kuwe hore iyo kuwo dambeba, waxa ay leeyihiin afartaan qaab.

Aniga iyo Adigaba Waxaa nalagu Casumay Boqortooyada Ilaah

Si tan la mid ah ayey haddaba waxan uga dhex jiraan Boqortooyada Waxaan kor ku soo aragnay in Boqortooyadani ay leedanahay dabeecad gaar ah oo ah  (ammaan iyo waaritaan) Dastuur leh leh ( nabad, caddaalad, iyo is maqal dabeecdad fiican lIWM). Waalabada waa labada hab ee kale kuwa Boqortooyada Ilaah ka dhigaya mid macquulsan ee ah: Boqorkeeda iyo muwaadiniinteeda. Waxaan boqorka ku eegi doonnaa qormadeenna tan xigta. Haddaba waxaad naftaada weyddiisaa in ay doonayso in ay muwaadin ka noqoto Boqortooyada Ilaah. Waa sidan qabka uu nebi Ishacyaah (NNKHH), ugu sheegahy in aadanaha oo dhan ay ku casuman yihiin Boqortooyadan intii doonaysa.

Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada… lacagla’aan iyo iibla’aan ku qaata. Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan. Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa’uud u ballanqaaday. Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.

Ishacyaah 55:1-6

Ilaah wuu ugu yeedhay in ay dhammaan kuwa haraaddan ay boiqortooydan soo galaan, waana sida kuwii raacay boqor Daa’uud (NNKHH) d boqortooyadaaas balse. Laakiin runtu waxa ay tahay in Ilaah ina casumay, ahna inuu inaga doonayo in aan muwaadiniin ka noqono Boqortooyadiisa oo aan maammulkan nabadeed ku noolaanno. Marka ay halkan taagan tahay waxaa nah or yaar su’aalo badan oo ah sidee iyo goorma marka aan tixraacayno imaatinka Boqortooyadan taasoo aan sii wadi doonno qodobbo badan oo Sabuurrada ah oo ku saabsan Boqortoooyadan. Balse waxaa jirta hal su’aal oo kaliya oo aad ka jawaabi kartid: Ma doonaysaa in aad gashid Boqortooyadan?’