Ciise Masiix ayaa wax ku baray-Masaalo

Waxaan soo aragnay siduu Ciise Masiixa wax ogu baray isagoo leh awood gaar ah. Waxaa kale oo uu baray isaga oo adeegsanaya sheekooyin muujinaya mabaadiida runta ah. Tusaale ahaan, waxaan soo aragnay siduu wax oga baray Boqortooyada Ilaahay isagoo adeegsanaya sheekadii xafladii weyneyd, iyo sida uu u baray wax ku saabsan cafiska iyadoo loo marayo sheekada Addoonkii naxarii laabaha ahaa. Sheekooyinkaan ayaanwaxaa lagu magacaabaa Masaalo, Tan oo Ciise Masiix nabiyada dhexdooda gaarka u ahayd isticmaalidda Masaaladda siduu u muujinaayay masaaladiisa waxay ahayd sodan

Suuradda Al-‘Ankabut (Surah 29 – Spider) Waxaay noo sheegeysaa sidaasoo kale in Allah uu adeegsanayo Masaalo sida ku qoran:-

taasina waa tusaale aannu u yeelayno Dadka’wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro.

Suuradda Al-Ankabut29: 43

Surah Ibrahim (Surah 14) Waxaay noo sheegeysaa siduu Ilaah u isticmaalay masaalka ku saabsan geedka,waana:-.

ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan).oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan.Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn

Suuradda Ibrahim 14: 24-26

Masaaladii Ciise Masiix

Xertiisii ​​ayaa u timid oo ku tidhi maxaad masaalo ogula hadashaa?

10 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula

hadashaa? 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan,

 kuwaase lama siiyo. 12 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siindoonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waalaga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, ooiyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.

Matayos 13: 10-13

Aayadda ogu dambeeysay waxay ahayd fal celinuu ka falcelinayay Nabi Ishaaciya oo noolaa 700 BC oo ka digay waxyaabaha ku dhici kara qalbiyadeena.Si kale haddaan u dhigno Mararka qaar ma fahmi karno wax yaabaha maxaa yeelay Waxaa laga yaabaa inaanan haleelin sharaxaada ama waxaay ahaan jirtay wax adag oo aan fahmi karin. Xaaladda noocaas ah sharraxaadaha cad ayaa keeni karta jahwareerka. Laakiin waxaa jira marar kale oo aanan fahmi karin sababta oo ah iyada oo si qoto dheer aanan u doonaynin inay qalibiyadeena ku nagaato.Waxaa laga yaabaa inaanan aqbalin tan, markaa waxaan sii wadnaa weydiinta su’aalo ah sida haddii faham la’aanta xagga maskaxdeena ah ka timid xannibaadaa. Laakiin haddii wareerkeena u ka jiro qalbiyadeenna oo aan maskaxdeenna ku jirin markaa sharraxaad kuma filnaan doonto. Dhibaatadu markaa waa inagoo anan dooneynin inaan soo gudbino, ma aha inaan maskax ahaan fahmi karno.

Markii uu Ciise Masiix wax ku baray baray masaallo, saameynta uu ku yeeshay dadkii isu soo uruuray waxay ahayd mid la yaab leh. Kuwa aan si fudud ugu fahmin maskaxdooda waxay ka ogaan doonaan sheekada oo ay sii wareysan doonaan, iyagoo helaya faham, halka kuwa aan dooneynin inay soo gudbiyaan ay ula dhaqmi doonaan sheekada si xushmad iyo qaawan oo iyagu ma heli doonaan fahan dheeraad ah. Adeegsiga Masaalada waxay ahayd dariiqa macallinka weyn u dadka u kala sooco iyada oo uu beeruhu u kala baxayo sarreenka iyo caarada isaga oo aan xooreyn. Kuwa diyaarka u ah inay soo gudbiyaan waa laga soocay kuwa aan doonayn. Dadkaas oo aan doonaynin inay soo gudbiyaan waxay heli lahaayeen masaalkan jahwareersan maadaama quluubtoodu aysan diyaar u ahayn inay u soo gudbiyaan runta. In kasta oo ay arkeen, ma arki doonaan muhiimadda ama dhibacda.

Masaalo ku saabsan Haramaha

Markaay xertii Ciise masiix weydinaayay suaasha ku saabsan wax baridiisa ah Masaalada,ayaa markaa uu wax ku barayay boqortooyada Ilaah iyo saamaynta ay ku leedahay dadka.Midda koowaadna waxay ahayd sidan:-

 Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerray baxay inuu wax beer4 oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay.Kolkaasaa shimbiro yimaadeen oo cuneen. 5 Qaar kalenwaxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahaynkolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn6 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana enge-geen, waayo, xidid ma lahayn. 7 Qaar kalena waxay ku dhaceenqodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay. 8 Qaar kalenadhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol midna lixdan, midna soddon. 9 Kan dhego wax lagu maqlolahu ha maqlo.

Matayos 13: 3-9

Haddaba naxaay tahay micnaha masaaladan?Ma qiyaasi karno, maaddaama kuwa diyaarka u ah inay soo gudbiyaan ay xiisaho u lahaayeen Masaaladda oo ay weydiisteen macnaha ay leedahay, oo ay na siinayso oo ah:

18 Haddaba maqla masaalkii beerrayga. 19 Mid kasta oohadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kansharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray. 20 Oo kii meelaha dhagaxa ah lagubeeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.21 Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortidhib ama silec ugu dhaco hadalka aawadiis, markiiba waa kaxumaadaa. 22 Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalkamaqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaahadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midho la’aan. 23 Kii dhulkawanaagsan lagu beeray waa kan hadalka maqla oo garta, oo isaguwaa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

Mataayos 13:18-23

Waxaa jira afar jawaabood oo ku saabsan farriinta Boqortooyada Ilaah. Kan hore ma laha fahan’ oo Shaydaan (Iblis) ayaa farriinta qalbigooda ka qaaday. Saddexda jawaabood ee soo harayna dhammaantood waa kuwo aad u wanaagsan oo ay farriinta ka helayaan iyagoo faraxsan. Laakiin farriintani waa inay ku kortaa qalbiyadeenna waqtiyada ay xaaladda adagtahay. Kaliya maahan inay qalbigeena ku aqoon si aan u sii wadan nolosheena sida aan doonayno inaan ku noolaano. Markaa laba ka mid ah jawaabahan, in kasta oo markii hore ay heleen farriinta, uma ogolaanin inay ku koraan qalbigooda. Kaliya qalbiga afraad, oo ‘maqla erayga oo fahmaya “ayaa run ahaantii u soo gudbin lahaa qaabkii Eebe raadinayay.

Hal qodob oo masaalkan ka mid ah ayaa ah inaan annaga is  weydiinno su’aal; dadkaasi keen ahay anigu? ”kuwa run ahaan u ‘fahmaya’ ayaa noqon doona dalagga ama saraca wanaagsan. Hal dariiqo oo lagu xoojiyo fahamka ayaa ah in si cad loo arko wixii nebiyadii hore, ee ka soo bilaawday Aadan, ee lagu muujiyey qorshaha Eebbe oo ah Tawreed iyo Sabuur. Adam ka dib, Calaamadaha muhiimka ah ee Tawreed waxay ka yimaadeen ballan qaadkii loo sameeyay Ibraahim iyo allabarikiisii, Muuse, Tobanka Amar, Harun.. Waxaa lagu ogaaday sabuurka asalka uu ahaa Masiixa iyo Muujintii Ishaaciya,Yirmiyaah,Sakariyaah,Daaniyeel,iyo Malaakii ayaa sidaasoo kale noo diyaariyay sidaan ku fahmi lahayn Boqortooyada Ilaah.

Masaalka ku saabsan Gocandhada.

Ciise Masiix Sharaxa masaalkan ka dib ayaa xertii wuxuu wax ka baray masaalka ku saabsan Gocandhada sida ku qoran:-

24 Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyadajannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan kuabuuray. 25 Laakin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday,oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuutegey. 26 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midhodhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.

27 Kolkaasaaodayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen,Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurinXaggee haddaba gocondhadu uga timid?

28 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay kuyidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno ooururinno?

29 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan.

Matayos 13: 24-29

Micnaynta masaalka gocondhada ku saabsan

36 Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xer-tiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaal-kii gocondhadii beerta.

37 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi,Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha, 38 beer- tuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqor-tooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39 Oocadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dham-maadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa’igo.

40 Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay,sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu 41 Wiilka Aadanaha ayaa malaa’igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyokuwa dembiga fala. 42 Oo waxay ku tuuri doonaan foornadadabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43 Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyadaAabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.

 Matayos 13: 36-43

Masaalka ku saabsan iniin khardal ah, iyo masaalka ku saabsan khamiir

Ciise Masiix wuxuu sidoo kale wax ku baray Masaal aad u kooban

31 Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyadajannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oobeertiisa ku beeray. 32 Taas waa ka wada yar tahay iniinaha odhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oodhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbiraha cirku uyimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

33 Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxayu eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasoooo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.

 Matayos 13: 31-33

Si kale haddii loo dhigo, Boqortooyada Ilaahay waxay ku bilaaban doontaa wax yar oo dunidan ah laakiin ka dib waxay ku kori doontaa adduunka oo dhan sida khamiir ka dhex shaqeeya cajiinka iyo sida abuurka yar oo u baxa geedo waaweyn. Kuma dhicin xoog, ama dhammaan mar, koritaankiisu waa mid aan muuqan laakiin meel kasta oo aan la joojin karin.

Masaal ku saabsan Qarsoodiga khasnadaha iyo Luul ee qiimaha weyn

44 Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.

45 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayac- mushtari luul wanaagsan doonaya. 46 Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuuiibiyey oo iibsaday.

Matayos 13: 44-46

Masalooyinkaani waxay diirada saarayaan qiimaha Boqortooyada Ilaahay. Ka fikir khasnad beerta ku dhex qarsoon. Maaddaama ay qarsoon tahay qof walba oo ag mara oo beerta jooga wuxuu u malaynayaa in beerta qiimo yar yahay sidaa darteedna uu faaiido ku lahayn. Laakiin qof ayaa gartay inay jirto khasnad halkaas beerta ka dhigaysa mid aad u qiimo badan – Qaymo ku filan in lagu iibiyo wax kasta oo lagu iibsado laguna helo khasnadda. Sidaas oo kale ayay la mid tahay Boqortooyada Ilaah – waa qiima inta badan aan la arkin,laakiin kuwa yar oo arkay waxay u qalmaan waxay heli doonaan qiimo weyn.

Masaalka ku saabsan shabagga

47 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabagbadda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey. 48 Kan markuubuuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteenoo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaanaway tuureen. 49 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakh-tiga dunidu. Malaa’igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwasharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50 oo waxayku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doontabaroor iyo ilko jirriqsi.       

(Matayos 13: 47-50)

Boqortooyada Ilaah dadka ayey kala sooci doontaa. Kala soociddan ayaa si buuxda loo muujin doonaa Maalinta Xukunka – marka quluubtu qarsoon yihiin.

Boqortooyada Ilaah si qarsoodi ah ayey ugu kortaa, sida khamiirka cajiinka ah, oo ay u leedahay qiimo weyn oo inta badan laga qariyo, oo dadka ku dhex keenta jawaabo kaladuwan. Waxay kaloo dadka u kala saaraysaa kuwa fahma iyo kuwa aan fahmin. Kadib markii Ciise baray Masaalkaa,markaa dhagaystayaashii wuxuu weydiiyay su’aal muhiim ah.

 

51 Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen,Haah.

Matayos 13: 51

Adinkana ma fahantay?