Kitaabka Injiilka miya la badaley? Muxuu Quraanka Karimka ah ka Leeyahay ariinkaas?

Waxa aan leeyahay saxiibo fara badan oo Muslimiin ah. Waayo aniguba waxa aan ahay qof Ilaahay (Swt) yaqaana oo rumeysan, waxa anaan amiinsanahay Injiilka. Waxa aan inta badan saxiibahayga Muslimiinta ah ka wada sheekaysana amminaada iyo Iimaanka. Marka aad runtii eegto waxa yaabo fara badan ayaan iskaga mid nahay, in ka kabadan dadka reer galbeedka qaar ka mid ah oo Ilaahay (Swt)aan rumeysnayn ama aan u arag rumeysiga Ilaahay ( Swt) inu noloshooda sameyn karo.

Laakiin marka aay sheekooyin diinta kus saabsam na dhex maraan aniga iyo saxiibadeyda Muslim ka ah in aay ku andacoodan in Injiilka la badalay (Kitaabka Quduuska ah), ama la musuqmasuqay, arintaasina waxa aay tusaysa marka in Kitaabka Quduuska ah aan la aamini Karin oo khalad badanii ku jiro oo anay sax ahay waayo waxa lagu andacoonayaa in laga badalay sidi aay Nabiyaashi ama dadki Ilaahay (Swt) rumeysanayeen aay qoreen marku Ilaahay (Swt) uu uso waxyooday iyaga.

Tani waxa aay ka dhigan tahay inaanay ahayn arin yar oo fuduud, waayo macanaheedu waxa uu yahay inaan laba aamini karin Kitaabka Quduuska ah oo ah ereygiii Ilaahay (Swt). Anigu waxa aan akhriya Kitaabka Quduuska ah iyo Quraan Kariimka ah labadaba, waxa kale oo aan dhigta Sunahaa. Waxa aan aad ula dhakafara dadka ka shakisan Kitaabka Quduuska ah sida ugu badan aduunka maanta, laakin aad uguma dhakafaro Quraanka. Runtii, Waxa aan aad ugu dhakafaraa sida Quraanku uga hadlo Kitaabka Quduuska ah. Runtii waxa an raba inaan halkan ku so koobo waxa aan ugu jeedo waxan oo dhan aniga oo so xiganayaa Quraanka uu turjumay Yusuuf Cali).

Maxaa uu Quraanku kaga Hadlayaa Kitaabka Quduuska ah (Towreed, Sabuur iyo Injiilka).

Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah. ( Suratul Maaidah: 68) ( waxa kale oo aad fiirisa Suratul an- Nisa, ayada 136)

 

Haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya. (Suratul Yoonis: 94).

 

Tani waxa aay ku tusaalaynaysan in waxayiga uu Ilaahay (Swt) u dhibay ‘ Dadka Kitaabada rumeysan’ ( Sida Masiixiyinta ama Yahuuda) aay tahay waxay kayimd Ilaahay (Swt) .

Hada saxiibadayeda Muslimiinta ah waxa aaay yirahdaan tani waxa aay ka dhigan tahay waxayigii hore ee runta ah ee Ilaahay ( Swt) soo dejiyeey, laakiin hadi la badalay macnihii ereygii Ilaahay (Swt) soo dejiyeey waxa aay ka dhigan tahay inaan maanta laysku halayn karin Kitaabadii ka horeyey Quraanka. Laakiin qaybta labaad ee ayadaha kor ku xusan waxa aay sheegaysa oo aay cadeynaysa in uu eryega Ilaahay [Swt] yahay joogto ee aanu aheyn ficil tagay.

Kama hadlayso waxaygii asalka aha laakiin markii waxayigaa Quraanka uu yimid. Waxa Quraanka lagu soo dejiyeey nabi Muxammad [S.c.w] wakhati fara badan ilaa 600 A.D. Marka waxa aay ka dhigantahay in uu Kitaabka Quraanku cadeynayo in kutubada Yahuudu aay jireen xiligii 600 A.D kutubta kalena waa la mid. Halkan hoos ka eeg wixi cadeyna ah sida Quraanka ku qoran:

waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn ( Suratul Al- Nahal 16:43)

 

Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn (Suratul Al- Anbiyaa :7).

Ayaada sare ku xusan waxa aay ka hadlaysa Rasuuladii ka horeyeey Nabi Muxammad [ S.c.w] Laakiin waxa muhiim ah in ayaadu cadayensayso in fariinta loo soo dhibay Rasuuladii/ Nabiyaashii aay aheyn qaar la isticimalayeey oo la haystay ilaa (600 A.D) dadka rumeysna. Waxana cad inaan Nabi Muxammad [ S.c.w] anu badalin ama aanu musuqmasuqin waxaygii isaga ka horeyeey wakhatigaas uu joogay.

Quraanka Kariimka ah waxa uu cadeynayaa inaan ereyga Ilaahay (Swt) aan la badali karin.

Marka aan dareen weyn ka qaadan in suurta gal aay tahay in Kitaabka Quduuska ah la badali karo / ama wax aan ku jirin lagu dari karo ama laga saari karo taasi Quraanka kariimka ah ma cawinayoo ama ma tageerayo. Bal maskaxda ku ahaay Suratul Maaidah, ayada 68 ( Towreeda… Injiilka… inaay tahay waxayii xaga Ilaahay ( Swt) ka yimiid ee aanu bini’aadan soo dejiniin), fadlan bal akhri ayaad soo socoda:

Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii ( Suratul Al- Ancaam :34).

 

Waxay ku Taam Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle og ( Suratul Al- Ancaam :115).

 

Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn ( Suratul Yoonis :64).

 

akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid ( Suratul Al-kaahaf :27).

Kadib, hadii aan ku heshiino Nabiyaashii [S.c.w] uu ku xigay Nabi Maxammad (S.c.w) in Ilaahay (Swt) uu u dhibay waxaygiisa sida ku qoran ( Suratul Maaidah: 68-69), oo aay ayadahanii in badan ku celcelinayaan in aan qofna ereyga Ilaahay (Swt) badali karin. Sidee ayeey ku dhacday in dad badan aaminan in qof shaqsiya ama dad aay badali karan Kutubta Ilaahay (Swt) sida Towreeda, Sabuur ama Injiilka ( kitaabka Quduuska ah)? Hadii aad Quraanka akhrido waxa aay ka dhigantahay inaad xatta dafirto Quraanka laftiisa oo ka hadlayaa inaan ereyga Ilaahay ( Swt) la badali karin.

Run ahaantii, fikrada ah in waxayiga Ilaahay (Swt) soo dajiyeey kuwi hore iyo kuwii danbe la kala sooco oo qar la yidha waa la badalay, taasi oo Quraanka ugu danbeyeey anu marna taagerayniin fikradaas.

waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe ( Suratul Al- Baqarah: 136) ( Waxa kale oo aad fiirisa Al- Baqarah : 285).

Sidaa daradeed waa inaynaan kala soocin waxayiga Ilaahay (Swt) iyo Kutubtiisa. Waa inaan dhamaan wada barana oo aan akhrisana kutubtiisa. Runti, waxa aan kula taliyaa Masiixiyinta inay Quraanka bartan sido kale waxaan Muslimiinta kula taliyaa inay Kitaabka Quduuska bartaan.

Waxa aay u bahantahay in la barto Kutubta Ilaahay wakhti iyo dhiirigelin badan. Su’aalo fara badan ayaa ka so bixi. Runti waa arin faa’iido badan ino leh inta aan aduunka joogno in aan barano Kitaabada Ilaahay (Swt) ku so dejiyeey Nabiyashii oo dhan. Anigu hadii aan shaqsi ahaan iska hadlo in badan ayeey igu qadaatay inaan barto kutubta Ilaahay (Swt), su’aalo farabadana maskaxdeyda ayeey ku dhasheen, laakiin waxa weyn ayaan ka faa’iidaystay Ilaahayna (Swt) wuu igu barakeyeey.

Run ahantii waxa aan filayaa inaad wax badan ka baran doonto maqaalka shabakadan http://al-injil.net/. Laga yaabee in meesha ugu horeysa ee casharkaga aad ka bilaabi karta yahay maqaalka ah maxuu xadiiskii Nabi Maxammad (S.c,w) ka leyahay isticimaalka iyo barashada Towreeda, Sabuurka iyo injiilka ( Kuwaas oo marka laysku daro la yira Kitaabka Quduuska ah).

9 thoughts on “Kitaabka Injiilka miya la badaley? Muxuu Quraanka Karimka ah ka Leeyahay ariinkaas?”

  1. Saaxiib quraanka in aad qayb daliishato oo u keensato adigoo doonaya in aad bible-ka uga dhigto daliil oo sidaad u rabto noogu soo gudbiso qaybna aad diido oo ka tagto lama ogola, quraanka waxaa soo daliilsan kara oo kaliya qof rumaysan. Alle (swt) wuxuu ku leeyahay quraanka (qofkii diinta islaamka diin aan ahayn ka diin dhigta lagama aqbalayo ,Aakhirana kuwa khasaaray ayuu ka mid noqonayaa) wuxuu kale Alle quraanka ku yiri (ma rumaynaysaan kitaabka qaarkii mana beenineysaan qaar,qofka saa yeela abaalmarintiisu in lugu duleeyo aduunka dhexdiisa aakharana cadaab daran in loo celiyo maaha ee wax kale ma aha) , hadaba saaxiib arinka aad ku jirto ka joog diinta xaqa ah oo diimaha ugu danbeysey oo rasuulka muxamed nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee lugu soo dejiyey raac oo rumee inta goori goor tahay.

  2. Xuseen iyo ragoborn..fadlan ila aqriya
    Xuseen waan kuugu raacsanahay..100%
    Sh. Axmed Deedaat baa wuxuu sheegay in 50,000 khalad laga helay buugga bibalka..kii Injiilka mar hore yaa lafaha loo qaaday…way u socon waysay illeyn Muxammad RasuuluLLaah SCW inuu imanayo yaa ku qornaa…bal hadda
    fadlan ka jawaab deh su’aalahan halkaa kugu soo qoray…
    waxan kuu sii raacinayaa…
    waligiinna waa waxa ciisa been ku sheegtoo dhan ma ka soo saari kartaan hal mar uu CIISAA CSW ku baybalka (waayo injiil waa kitaabkii saxa ahaa, waatii ay qidhanayaan inaysanba injiil haysan oo mid baybal la yidhaahdo ay la yimaadeen ma indhahaad ciid noogu shubi?) yidhi: ‘ILAAH BAAN AHAYEE I CAABUDA” fadlan su’aasha u fiirso.. waa Ciisaa CSW oo afkiis ku yidhi… ma doonayno Sh.St paul ama james swegart IWM…
    subxaanAllaah!!! bal eeg Allah oo na odhanayo Surah TAHA 14 (Innanii AnAllaah, laa ilaaha -walaa ciisaa walaa buudaa, walaa madaxweyne, notaayo, hanti- illaa ANA facbudnii wa aqimis-salaata lidikrii) macaan badanaa Allahu Akbar…

    http://quran.com/search?q=%D8%A7%D9%86%D9%86%D9%8A%20%D8%A7%D9%86%D8%A7%20%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87
    ila fiiri Qur’aan aayadahiis siduu u habaysan yahay.. Surah Maryam (CS) oo siday u badan tahay aayadaha ay ku dhammaadaan (يا) suurat Taha (ى) surah al-insaan oo laba kor dhig ku dhammaata,
    surah shams oo ku dhamaata (haa)…ma sii wadaa mase waad isku noqon..sidaasaana kuu wanaagsan aniga iyo adigaba inaa Allah addoon u ahaano, oo Ciisaa maskiinka inaanan nabin oo wuxuusan dhihin madaxa aydaan u galinin…Isaga CSW xittaa wuxu yiri suurat Maryam (Qaala Innii CabduLLaahi aataaniyal kitaaba wajacalanii nabiyyaa) micnuhu ay tahay -waa isagoo naas nuug ah sidii aniga iyo adiga markaan yareyn oo nappiga na loo galin jirayba yaa Allah ku hadalsiiyay inuu hooyadiis maskiinta u marag kaco inay mucjizo ku dhashay markii dadka tawraatka sheegan jiray ku nabeen ina zina ay ku dhashay…nacuudu biLLaah…-wxana kaga sii daran in uu loo nasabay ciisaaha karishtaanka caabuda 60 aabe iyo awoowe isku jira oo magaciis la hoos dhigay oo la yiri Yuusuf najjaar baa dhalay!!! aah aaaaah aaaaah xanuun badanaa hadalada Ummad Allah sharafay lagu nabayo wAllah waa WADNA xanuun… micnaha (Wuxuu yiri Ciisaa CWS anigu CabduLLaah adoon Allah yaan ahay kitaaben i siiyay, oona nebina iga dhigay..)

  3. waxa kaaga sii darran in maanta haddii ninka ragoborn haddii hooyadiis la kufsado inuusan cafineynin ama uusan qof kale dambiga saareynin, illeeyn qofkii gafka sameeyay hadduu krishtan yahay danbi malahan miyaad na leedihiiin oo Ciisa ayaa dusha u dhigtay dambiyada ummadda ay wada galaan illeeyn sidaad aminsan tihiin darraaddiina yuu u dhintay …miskiinkaas kii dilay xasad miyuusan eheyn miyuusan danbi leheyn? oow waaba loo cafiyay dadkii dilay hadde kii hooyo macaan kufsadayne waa saldhigga yaa loo saxaabay…waa yaabee…bal xaqii Ciisa raadsadoo dadkii dilay keena illeyn hooyadabo xaqeeda in loo doodo waad garateenee…Allahu Allaah..runtii waa sidaan horey u soo sheegay dad ku farxa dilmadii ciisa kaba sii darran hadii Ilaahooda la dilay … innammada yadh yadh markaad weriso iiga warran xoogga Allah!! bal la fariista ha kaaga sheekeeyaan..
    mida kale oo aad u fool xun in NabiyuLLaah “Luudh” CSW oo intuu khamri ka dhargay sidii sacoo kale uu fuul – fuulay mise wuu wasay miyaad ku tiraahdeen (xaashaahu CSW) farxumadaas ninkii kitaabka soo qoray iyo kii aminsan yaa ku dhaqaaqa…xasbunAllaah..
    “Takaadus-Samaawaatu …”تكاد السماوات يتفطرن منه وتنشق الارض وتخر الجبال هدا”
    Aayaddahaan culeeska haddaad mıcnaheeda fahmı laheydeen …!!! aaaah aaaah aaaaah
    caqli iyo cilmi la imaada oo ila akhriya… Allah wuxuu na leeyahay
    “Cidhka waxay ku sigteen inay dil-dillaacsamaan, dhulkane ay jeex-jeexmaan iyo buudhaha ama Jaballada ay soo wada dhacaan ama ay wada bur-buraan..markii ay Allah ku tilaammeen inuu wiil leeyahay”..maalin baa oo dhibtay oo inbadan igu soo noqon jiray si ay gaalo nooga dhigaan, oo waaba iska reebi weyney, markaa ii yimid 2 ayaoo ah, wax badan bay ii sheegeen markaasaan ku bal ii akhriya waxaad haysaan anigane waan idin akhrin kaygii.. wax bay ii akhriyeen WALLAAH yaan waxaba ka fahmin.. ka dib yaan ku idhi suuratul kahf yaan dusha ka akhrinayaa markaa baan kitaabka u dhiibay ayagoo raacaya akhriskeyga..anıgoo dusha ka marınaya oo ay ıla yaaban yıhıın markaa baa aayaddıı 5aad baan markaan gaaray yaan ku cel-celiyay markaan dareen wajigooda sida yaanyadoo kale markay u gaduudatay yaan idhi waan idin fasaxayaa ee kitaabkeygii i siiya… waligey dib danbe umaanan arag wal xamdliLLaah…
    micnaha ila akhrista” ما لهم به من علم ولا لابائهم كبرت كلمة تخرج من افواههم ان يقولون الا كذبا” :
    (Maba lahan wax cilmi ah -haba yaraateey- ayaga iyo aabayaalkooda -POPka ku dar asagaa boqornimada gaalnimada ku ilaashanayo talyaaniga- waxa afkooda ka soo baxayo yaa aad u weyn oo u fool xun may odhanayaan waxaan BEEN EHEYN) …may odhanayaan waxaan BEEN EHEYN
    may odhanayaan waxaan BEEN EHEYN .. may odhanayaan waxaan BEEN EHEYN.. may odhanayaan waxaan BEEN EHEYN… intaas markaan mariyay yaan eegay wajigooda waaba sidii yaanyadoo kale gaduuuuuud… Illaah baa ii sakhiray oo geed iigu xidhay…Allah ha hanuuniyo haddii nasiib ay ku leeyihiin hanuun… hadii kale tarraq shid ku dheh ee indha geli….haddaysan awoodin dee ku tala gal weyn bey heystaan ayagoo dhan gabigoodii waa la shidi…Allah hanaga bad-baadiyo naartaasi foosha xun.. Rasuulkeennii Muxammad SCW maalin buu arkay janaazah yuhuudi oo qabriga loo wado… markaas baa illin ka soo daadatay..Asxaabtii inta yaabeen bay ku yidhaahdeen waa Yahuud ee maxaad la ilmayneysaa?? markaasuu yidhi SCW: (qof baa iga farabaxsaday oo naarta ku waadhi)… dareenka ummadda uu Rasuulka MUXAMMAD CSW nagu abuudhay in loo gargaaro muslim iyo gaalba hadday ogaan lahaayeen gaalada wax raaci lahaayeen ISLAAMKA.. hal kilmad yaan ku soo xidhi:
    SMART & INTELLIGENCE..
    (ku noqo qaamuuska ama dictionary..)
    2 kilmad isku micno loo fasiro lakin ay haddana kala leeyihiin 2 miizaan midna waa micno weyn kan kalen waa micno SMART waa kan dunida yaqaan (gaari fiican, university No.1, shaqada no.1 magac, maamul IWM) lakin INTELLIGENCE..waa kan yaqaan aakhirada ama meesha iyo waxa u danbeyn doonto Qur’aankane dadka caqliga leh buu si gaadh ugula hadlaa iyo dadkale kalene wuu u caqli celin..marka diinta Islaamka waxa soo gala dadka caqliga badan… waxane Jannada ka bad-baada dadka ugu caqliga badan INTELLIGENCE..lakin SMARToooow waad gacan gashay

  4. Walaalayalaalow yaysan idiin sirin dhaldhalaalka dunida , hantida aad ku raadsanaysaan inaad gaalowdaan qabri baa idin sugaya idinkoo haya adduunka oo dhan isku furan karin xagga alle , lacagtan yar way dhamaanaysaa , allaha ha idiin toosiyo oo jidka toosin idinku hanuuniyo isagaa hanuunka hayee, Aamiin,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *